July 14, 2010
Shirkii ay habar dugaag Boqortinimada Kaga Qaadeen Libaax, Kuna Caleemo Saareen Waraabe.
Akhriste sheekadani waa mid aad u xiiso badan waxana aad ka dhandhansan doontaa isbadalka iyo dagaalka ay iskula jiraan waayaha iyo taariikhda wax qoraysa. Ciwaanka sheekada waxa aad ku aragtaa boqorkii habar dugaag ugu qabka waynaa ee libaax in boqortinimadii lagala noqday loona caleemo saaray waraabe oo ahaa xayawaanka ugu doqonson xayawaanada, waa yaab iyo fajac uula yimiday waayuhu hadaba akhriste bal qisadan yaabka leh niyada u fur sifiicana u dhuux.
Sabanku waxa uu ahaa barwaaqo roobka ayaa ahaa mid joogto u daroora, dhirtu waxa ay bixisay caleemo cagaar ah, udgoonka ubaxu waxa uu ahaa mid caraf leh meel fogna kaaga soo ura, xawayaanka waxa ay ku bohoobeen baadka iyo xareeda is barkan, buuqa iyo heesaha shimbiraha ayaa ah mid lagu raaxaysto,dhawaqa dhirta ay dabayluhu lulayaan iyo roobka dul ka hoor ka aha ayaa ah mid farxad ku abuura noolaha.
Bulshada ku nool dhulkaa aan ka soo sheekeeyey waa HABAR DUGAAG oo ka kooban dhamaan xayawaanka duur joogta iyo dabjoogtaba ah, waxa ay leeyihiin boqortooyo si fiican oo cadaalad ah u maamusha oo loo yaqaano (boqortooyadii libaaxa), xayawaana kuma dhaco inuu cuno ka uu ka xoog wayn yahay waayo waxa jirta maxkabad cadaalad iyo sinaan kudhisan lana horkeeno ka danbiilaha ah, dhulkaa aad ka u quruxda badan ayay nabad ku wadaagaan.
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa dacawo ayaa u timiday waraabe aad u caajisan oo geed damal ah oo hadhqaboow hoos jiifa afkana gacanta saartay waxa ay ku tidhi ‘waryaa waraabe ma ninkaagii aan ogaa firfircoonidiisa iyo orodkiisa ayaa xiligaa hurda, xaqiiqdii waa yaab, ta kale ma ninkaagii hillibka darayga ah inta uu ka dhargo hadana ag seexan jiray ee u soo toosi jiray ayaa maanta caws ag yaalaa waar waa maxay sharaf dhaca intan leegi.’
Waraabihii ayaa inta uu si xamaasadaysan kor ugu booday ayuu yidhi dacawooy miyaanad ogayn xukuumadan kaligeed talis ka ah ee uu libaaxu boqorka ka yahay ee ina haysata aaway xoolihii aad kaligaa iska yar yaraysan jirtay, anigu waan awoodaa inaan waxaan doono sameeyo laakiin libaaxaas ayaan ka baqayaa.
Dacawadii ayaa tidhi bal ka waran hadaan shir iskugu yeedho dhamaan habar dugaag meel kasta oo ay joogaan oo aan baabi’ino boqortooyadan ina casishay ee aan wax ka ugaadhsan kari laanahay, doorasho ayaan dhigaynaa adiga ayaana musharax noo ah, shabeelna waxa aan ka dhigaynaa ninka adiga kuu ololaynaya maadaama uu aad afmiishaar u yahay, ana libaaxa ha ii sheegina inaan hawsha idinkula jiro waan hubaa oo gudoomihaya doorashada ayuu iga dhigi doonaa.
Waraabihii ayaa yidhi xaqiiqdii maskaxdaadan yar hamiga ay xanbaarsan tahay xayawaan ay ku jirtaayi ma jirto xitaa libaaxaas ina dhibay waanan kugu racsanahay.
Way isa soo raaceen waraabihii iyo dacawadii waxa ay u yimaadeen shabeel geed fuushan oo isna hurda, waryaa shabeel waar bal soo daadag arin muhiim ah ayaan haynaaye ayay dacawadii ku tidhi geedkii ayuu ka soo booday haye maxaad wadaan ayuu yidhi adiga iyo waraabe ayuu ku yidhi, waxa ay tidhi ‘shabeeloow waan ogahay boqortooyadan libaaxu culays wayn ayay inagu haysaa kama ugaadhsan karno, xayawaanka aan ka xooga waynahay ma cuni karno dee adna waad naga sii xag jirtaayoo kaligaa ayaad cuni jirtay 10 deero-deero ah dee bal hadii aan baabi’no boqortooyadaa oo aan doorano waraabe ka warn si uu wax kasta xoriyad inooga dhigo, shabeelkii ayaa yidhi ooooo walee imikaan ka fikirayay aniga oo waxaan doono xoriyad ku laaya,kuna cuna. dacawadii kkk hadaba adiga iyo waraabe dhaqaaqa oo soo wada mara dhamaan habar dugaag si aan xukumada u ridno afmiishaarnimadaadiina isticmaal waraabahana ha ahdlin ku dheh intaad qudbada ku jirto ana boqortooyadii adeero libaax ayaan sii tagayaaaye.
Shabeelkii iyo waraabihii ayaa isa soo raacay waxa ayna fuuleen buur aad u dheeer ci ayay isku dareen waxana ku soo qul qulay dhamaan habar dugaag oo dhan ha ahaadeen gorayadii,biciidkii,goodirkii,gududanihii,harima-cadkii, deero-deeradii, sakaaradii, maroodigii, shimbirihii, dul socodkii, halaqii iyo dhamaan nuucyadii xayawaanka oo dhan.
Habar-dugaag ayaa yidhi; shabeel iyo waraabe maxaad maanta aad noogu yeedheen ee dhacay’ shabeelkii ayaa yidhi ‘waxa aan rabnaa inaan boqortooyada libaaxa ee sharka badan leh aan ridno waayo aduunku dimuquraadiyad ayuu marayaa xayawaan kastaayiba wax ayu kaga fiican yahay libaaxa tusaale; goroyadu libaaxa waa ay ka dheeraysaa, shabeelku wuu ka qurux badan yahay libaaxa,maroodigu wuu ka xoog badan yahay libaaxa,deeradu waa ay ka indho qurux badan tahay libaaxa, dacawadu waa ay ka siyaasad badan tahay libaaxa, waraabuhuna wuu ka aamin san yahay libaaxa, soow maaha, habar dugaag ayaa mar kaliya yidhi haaaaaa ,hadaba waa inaan meesha ka tuurnaa libaax aanan dooranaa waraabe, dhamaan isku diyaariya goobaha cod bixinta bari codkiina siiya waraabe, soow sidaa iskuma ogin habar dugaag haaaaaa, waa inoo bari.
Dacawadii ayaa tagtay gurigii boqortooyada libaax waa ay ag fadhiisatay waxa ayna ku tidhi’ boqorkaygii libaaxoow maanta habar dugaag waa ay kuu tashadeen waxa ayna rabaan inay meesha kaa tuuraan oo boqortooyadan barakaysan baabi’iyaan’ libaax; yaa waxaasi wax dhici kara maaha, wax kastaayiba waa ay dhacaan waxana aan dooranaynaa ayay yidhaahdeen waraabe.
Libaaxii ayaa intuu aad u qoslay yidhi kaasi wax la doorto maahee shabeelka iyo waxaas ayaan ka shikisnaa ee kaasi 1000 cod in kabadan ayaan ku jabinayaa xataa hadii aan doorasho wada galno.iyaga oo sheekadii ku dhex jira ayaa waxa u yimiday guddi ka socota habar-dugaag oo uu madax ka yahay maroodi, sheekadii ayay libaaxa u soo ban dhigeen doorashada waxa ayna ka codsadeen inaanu ku diidin codsigoodaa barina ka soo qayb galo codbixinta dhici doonta ee lagu dooranayo boqorka hogaamin doona habar-dugaaga casriga ah.
Libaaxii isaga oo yaaban ayuu yidhi ok, oo ayaa ila tartamaya, maroodigii ayaa yidhi waraabe, diyaar ayaan ahay garsoorkana waxa qaadaysa dacawo cidna ma diidi karto ayuu raaciyay libaax.guddidiina waa ay ka aqbaleeen codsiga boqorka.
Aroornimadii ayay habar-dugaag iskugu yimaadeen goobtii doorashada,cod bixintii ayaa bilaaban tay 6 dii aroornimo ilaa 6 dii maqribnimo,waxaana meeshaa goob jog ka ahaa labada musharax waa libaax iyo waraabee, waxa codkii lagu guraba,lagu guraba waxa xidhmay goobihii codbixinada waxaana bilaaban tahay tirintii codadka, garsooruhu waa siyaasiyadii caanka ahayd ee dacawo waxaana lo dhagtaagayaa natiijada codbinta.
Waxana ay ku dhawaaqday sida tan’ codadkii la qaaday waxa libaaxa u codeeyay 10, waraabahana waxa u codeeyay 80 cod, sidaa waxa boqorka xayawaanka ku noqday waraabe ,mudo kooban gudahoodna waa in libaaxu ku wareejiyaa boqortooyada.
Libaaxii oo ka yaaban shirqoolkan habaysan ayaa meeshii ka jaqaafiyay. Boqortooyadii waraabaha ayaa la kala baxday damaashaad iyo ciyaaro habeenkii oo dhan. Mudo maalmo ah ka dib ayay dhacday xafladii xil wareejintu waxana taashkii iyo koofiyadii boqortooyada habar-dugaag madaxa loo sudhay waraabe.oo noqday xiligaa wixii ka danbeeyay boqorka xayawaanka waa yaab.
Isla habeenkii iyada oo la joogo goobtii caleemo saarka boqorka waraabe ayaa waxa la sheegay in lagu cunay xayawaano aad u fara badan oo u badnaa deero-deero iyo sagaaro.
Arintaasi waxa ay shiki galisay xayawaankii nuglaa ee siyaasada loo dhigay, waxa ayna fahmeen inay arin tani tahay shirqool laga soo shaqeeyay.waxana ay ka shikiyeen in dilkaa ay ka danbeeyeen shabeel iyo dacawo balse wax wara kamuuna soo saarin boqorka waraabe ma canbaarayn cidii dilkaa gaysatay mana tacsiyadayn cidii wax laga dilay.si kasta oo arini tahay maanta waraabe waa boqorka xayawaanka cidna kama qaadi karayso.
Sida caadada ah boqortooyadan waraabe waxa ay leedahay nidaam Dawladeed oo ka kooban 15 wasiir oo laga soo kala xulayo dhamaan habar-dugaag oo dhan, waxana qaybindoona boqorka cusub ee waraabe.
Maalintii danbe ayuu boqorkii waraabe iskugu yeedhay dhamaan habar-dugaag waxa uuna u sheegay inuu soo xulay wasiiradii ayna qasab ku tahay xubin kasta oo ka mid ahi inay aqbasho wasiirada cusub maadaama aanay 15 wasiir gaadhaynin habar-dugaag oo dhan.
Wuu xaadiriayay 2 wasiir waxaa leh bahda dhurwaa,2 wasiir waxaa leh bahda waraabe, 2 wasiir waxaa leh bahda weere,2 wasiir waxaa leh bahda daba-caws, 2 wasiir waxa leh bahda goole-goole,2 wasiir waxaa leh bahda libaax,1 wasiir waxaa leh bahda shabeel,1 wasiir waxaa leh bahda dacawo,1 wasiirna waxaa leh bahda maroodi, sidaa ayaan cadaalad ugu qaybshay 15 kii wasiir ee habar-dugaag waanad mahad san tihiin.
Dacawo iyo shabeel oo ahaa kuwii u ololaynayay inuu waraabuhu noqdo boqor ayaa ka xanaaqay qaybinta wasiirada oo filaayay saami intaa ka badan.
Dacawo ayaa tidhi ‘boqorkayga waraaboow sidaasi maaha cadaalad waligayna maan filayn boqor aan dooranay ayaa sidaa wax u qaybini’.
Shabeelkii ayaa hadalka ka daba qaatay wuxuuna yidhi ‘mudane waraabe adigu waxa aad kaliga qaadatay 10 wasiir, sidaasi cadaalad maaha.
Boqorkii waraabe ayaa xanaaqay oo yidhi been ayaad sheegaysaan aniga waraabe ayaa lay yidhaa waxaanan qaatay 2 wasiir, intii kale idinkaan idiin qaybiyay. Libaaxii oo ka yaaban isna qaybinta boqorka cusub ee waraabe iskuna dhagaysanayay dooda dacawada,shabeelka iyo waraabaha dhex nartay ayaa ku yidhi‘ boqor kaligaa ayaa qaatay 10 wasiir, waayo shan magac ayaad leedahay waraabe ,dhurwaa, weere,dabacaws iyo goole-goole habar-dugaagna waxaad ka dhaadhicinaysaa inaad kala duwan tihiin.
Boqorkii waraabe wuu xanaaqay waxana uu ku adkaystay in sidaa uu wax u qaybshay ay tahay cadaalad amarkaasina aanu gor-gortan galaynin sidaa ayuuna qaraarkaasi ku fulay. Dacawadii iyo shabeelkii ayaa yidh ’ anaga waraabe boqar ka dhiganay ayaa qaldanayn ee libaax oo gob ahaa wax garad na ahaa khiyaanay’.
Waxa bilaaban tay colaad ka dhex abuuran tahay cadaalad daradii uu sameeyaya waraabuhu dhamaan xawayaan kastaayiba wax uu cunay kii uu ka xooga waynaa, barwaaqadii iyo nabadii lagu wada noolaana waa lagu kala tagay.
Goobtaasi ayay habar-dugaag uga bilaaban tahay godob iyo dagaal joogto ah dhibkaasi oo ay ka qoomameeyeen markii ay waraabe u doorteen boqorka habar dugaag.
Curiyaha shaakada by.
Guled Omer Mead
Email: guuleedgcm@hotmail.com

