July 8, 2010
Faalo: Hirdanka Hindisayaasha Xukuumadda Cusub iyo Hadal-haynta Qasriga Cusub
Hargeysa (Yool) - Xubnaha Guddida talo bixinta qaab-dhismeedka Xukuumadda cusub ee uu dhowaan Magacaabay Madaxweynihii doorashada ku guulaystay, ayaa soo gebo-gebeeyay qorshaha soo jeedintooda ku saabsan dhismaha Xukuumadda cusub ee dhismaheeda laga sugayo inuu soo dhiso Madaxweyne Axmed Siilaanyo. Ma jiro war si cad daoolka uga qaaday arintaasoo ka soo baxay Labada dhinac ee hawshu ka dhexayso.
Haseyeeshee, sida ay Wargeyska “Yool” u xaqiijiyeen ilo-xogogaal ah oo ku dhow-dhow Xisbul-xaakimka Kub-ku-siigaalaha ah, waxa guddidu Afar iyo Labaatankii Sacaadood ee la soo dhaafay u gudbiyeen Md. Axmed Siilaanyo qaab-dhismeedka Xukuumad tiro yar oo ka kooban Toddoba iyo Toban (17) Wasaaradood, taasoo marka loo e’ego Golaha Xukuumadii Madaxweynaha xilka lagala wareegi doono dabayaaqada bishan aynu ku jiro ka yar Kow iyo Toban Wasaaradood (11).
Golaha Xukuumada cusub ee ay ka soo talo bixiyeen Guddidu, ayaa waxa wararku intaa ku darayaan in xubnahaasi markii waxyaabo badan ay isla rog-rogeen isla garteen in dhawr Wasaaradoo oo markii hore gooni u taagnaa hada lagu daro Wasaarado kale, halaka qaarkood-na ay meeshaba ka saareen. Wasaaradaha markii hore iskood u taagnaa, balse guddidu ku talo bixisay in kuwo kale lagu ladho, waxa ka mid ah Wasaaradaha Arimaha Dibeda, Qorshaynta iyo Caddaaladda iyo Aw-qaafta, War-faafinta iyo Dhaqanka iyo Dalxiiska iyo Xanaanada Xoolaha iyo Reer Miyiga.
Dhanka kale, waxa waraku sheegyaan in arinta ku saabsan go’aanka laga sugayey guddida, ay barbar socdeen dhaqdhqaaqyo kale oo ku saabsan loollano ku salaysan xulista xubnaha noqon doona Golaha Wasiirada ee Xukuumadda cusub, kaasoo sida wararku tibaaxeen inay gadh-wadeeno ka ahaayeen Madax-dhaqameed iyo Ganacasto abaal badan ku lahaa Xisbiga KULMIYE iyo Madaxweynaha cusub Labada-ba.
Dhaqdhaqaaqyada iyo Loollanada ku saabsan arintan, ayaa waxa lagu soo waramayaa in si weyn looga dareemaya Guriga uu degan yahay Madaxweynaha aan weli xilka la wareegin, iyadoo halkaa lagu arkayey Gaadiid kala duwan oo u badan kuwo ay leeyihiin shaqsiyaad hore uga tirsanaa Xisbiga KULMIYE, kuwaasoo ay saran yihiin Ganasato waa weyn, Madax-dhaqameed iyo shaqsiyaad kale oo bulshada Magac ku dhex leh. Xubnahaasi oo sida waraku sheegayaan u socda sidii Madaxweynaha cusub ay uga dhaadhicin lahaayeen xubnhah ay u arkaan in Beelahoodu ku qanci doonaan.
Geesta kale, waxa dhawrkii Maalmood ee u danbeeyay aad la isula dhex marayey hadal-haynta Qasri Cusub oo la sheegay in uu degi doono Madaxweyanah Cusub ee la soo doortay, kaasoo ku yaala Bariga Magaalada Hargeysa, gaar ahaan agagaarka xarunta Ciidanka Nabadgelyada Wadooyinka, dismahaasi oo uu leeyahay Mulkiilaha Shirkadda DAHABSHIIL. Ma jiraan warar Madaxbannaan oo si cad daboolka uga qaaday jiritaanka arintaas.
Haseyeeshee, sida ay tibaaxeen qaar ka mid ah dadka degaankaas, waxa dhawrkii Maalmood ee u danbeeyay dhismaha Qasriga ka socotay hawl xoogan oo ku saabsan dhamaystirka hawlaha ka qabyada ah Gurigaas. Haddaba, faa’qidaadaha ku saabsan iibka Gurigaasi waxaynu e’egi doona haddii uu dhabawdo waqtiyada danbe ee soo socda, iyadoo aynu markaa ka eegi doono awooda sharci ee la xidhiidha iibka Guriyaha aan hore ugu jirin hantida Ummadda iyo qaabka ugu haboon ee loo mari doono sharciyayntiisa.
Source: Wargayska Yoolka
