July 8, 2010
Caqabad Weyn Oo Soo Waajahday Guddigii Ka Soo Talo Bixinta Qaabka Dawladda Cusubi Yeelanayso, Qaar Ka Mid Ah Madaxdii Kulmiye Oo Si Ay Wasiirnimo U Helaan Cuqaashoodii U Keenay Axmed Siillaanyo.
C/Casiis Samaale Iyo Baashe Maxamed Faarax Oo Ka Cudur-daartay Ka Mid Noqoshada Guddida Ka Soo Talo Bixinta Qaabka Dawlada Cusubi Yeelanayso
Hargeysa (Haatuf) - Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiilada Somaliland, C/casiis Maxamed Samaale iyo guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee golahaasi, Baashe Maxamed Faarax, ayaa ka cudur-daartay ka mid noqoshada guddida ka soo talo bixinta qaabka dawlada cusubi yeelanayso ee uu toddobaadkan u magacaabay Madaxweynaha la doortay, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
Ma jiraan sababo cad oo la xidhiidha cudur-daarka shirguddoonka Wakiiladu ka bixiyeen la shaqeynta iyo ka mid noqoshada gudidaasi Axmed Siilaanyo u magacaabay talo ka soo bixinta qaabka dawladiisa cusubi yeelanayso.
Siday Haatuf u sheegeen ilo ku dhow dhow guddidaasi, shirguddoonka Wakiilada, C/casiis Samaale iyo Baashe Maxamed Faarax, ayaa shalay si lama filaan ah u ogeysiiyay madaxweynaha la doortay, Axmed Siilaanyo, in aanay diyaar u ahayn ka mid noqoshada guddida uu u magacaabay ka soo talo bixita qaabka dawladiisa cusubi yeelanayso oo ka kooban 14 xubnood, iyagoo ka cudur daartay inay faraha la galaan hawsha uu Axmed Siilaanyo u magacaabay, xilli kala guur ah oo ay xilka la wareegayso dawlad cusub kaddib markii xisbiga Kulmiye ku guuleystay doorashadii dalka ka dhacday 26 June 2010.
Dhanka kale guddida uu Axmed Siilaanyo u magacaabay qaban-qaabada Xaflada.
Xil-wareejinta, kuwaas oo tiradoodu dhan tahay 13 xubnood oo dhamaantood ka soo jeeda xisbiga Kulmiye ayaa dadweyne badani ku naqdiyeen in guddidan laga soo xulay Kulmiye oo keliya halkii ahayd inay xukuumada talada wareejinaysa ka siiyaan saamigoodii maadaama oo ay tahay ta xilka wareejinaysa la’aanteedna aanay xil wareejintu suurto gal noqon karin.
Sidoo kale Guddida xil-wareejinta iyo ilaalinta hantida qaranka muddada kala-guurka ayaa iyaga laftooda lagu dhaliilay inay ka soo wada jeedaan xisbiga Kulmiye, waxana ka mid ah faallooyinka dadweynuhu durba ka bixinayaan guddidaasi inay tahay mid magacaabisteeda uu Kulmiye ku deg-degay, taasoo lagu sababaynayo in weli awood fulineed aanay yeelan kulmiye oo ay hanti qaran ku ilaalin karayaan, xataa haddii ay arkaan hanti la lunsanayo waxba kama qaban karaan maadaama aanay laheyn awood fulineed iyadoo ay ku habooneyd inay sugaan intay la wareegayaan xilka.
Sidoo kale Gddida uu Axmed Siilaanyo u magacaabay inay ka soo talo bixiyaan qaab dhismeedka dawladiisa ayaa dad badani u arkeen inay gabi ahaanba tahay mid aan ku haboonayn guddoomiye sideed (8) sanadood mucaarid ahaa inuu yidhaahdo weli iima dhisna xukuumadaydu. Waxana laga filayay inuu hore u sii dhisto xukuumadiisa, arrintaas oo lagu tilmaamay mid muujinaysa diyaar garow la’aan ka muuqata guddoomiyaha Kulmiye, Axmed Siilaanyo oo hadda ah madaxweynaha la doortay, taasoo dad badani u arkeen tabaabulsho la’aan ka muuqata hogaanka xisbiga Kulmiye.
Dhanka kale sida ay Haatuf u xaqiijiyeen ilo ku dhow-dhow xisbiga Kulmiye, qaar ka mid xildhibaanada beesha galbeedka Burco oo ay hogaaminayaan Bashiir Cabdi Xariir oo ka tirsan xisbiga UDUB, Khadar Ambasador oo ka tirsan xisbiga UCID, Nuur Faarax oo Ucid ka tirsan, Dr.Cabdi Aw Daahir, C/raxmaan C/qaadir oo ah gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Kulmiye iyo Xildhibaan Maxamed Yuusuf (Waabeeye) oo ka tirsan xisbiga Kulmiye iyo toban nin oo ay hogaaminayaan ayaa la sheegay inay shalay gelinkii hore u tageen madaxweynaha la doortay, Axmed Siilaanyo, iyagoo u sheegay inay masuul ka yihiin beelaha Habar Yoonis, isla markaana Kulmiye ay ka doonayaan saamigii beeshaasi ku lahayd wasiirada la soo magacaabi doono.
Xubnahan ayaa madaxweynaha la doortay ka codsaday inuu beeshooda siiyo ugu yaraan 3 wasiir, hase ahaatee madaxweynaha la doortay, Axmed Siilaanyo ayaa u sheegay in aanay arrintaasi suurto gal ahayn maadaama aan isaga weli loo dhaarin xilkii isla markaana soo dhisidii qaabka xukuumadiisu yeelan doonto uu guddi u saaray.
Xubnaha u tagay madaxweynaha la doortay waxa hogaaminayay Khadar Ambassador oo ka tirsan xisbiga UCID oo isagu sida la sheegay 3 bilood ka hor isagoo wata 48 xubnood oo isugu jiray cuqaal iyo wax garad ka soo jeeda beesha galbeedka Burco uu u tagay madaxweynaha xilka ka degaya, Daahir Rayaale Kaahin, taasoo la sheegay inuu ku qanciyay in beeshiisu taageersan tahay UDUB, isagoo arrintaasna ku helay jago wasiirnimo ah oo la siiyay C/raxmaan Sagal oo laga dhigay wasiiru dawlaha arrimaha dibeda.
Sidoo kale maalintii doraad ayaa la sheegay in guddoomiyaha labaad ee xisbiga Kulmiye, C/raxmaan C/qaadir oo wata konton xubnood oo isugu jira cuqaal iyo wax garad ka soo jeeda galbeedka Burco u tageen madaxweynaha la doortay, Axmed Siilaanyo, oo ay ka codsadeen in C/raxmaan C/qaadir loo magacaabo wasiirka Macdanta iyo Biyaha, inkastoo la sheegay in madaxweynaha la doortay arrintaas ka cudur-daartay.
Arrintani waxay ku soo beegmaysaa iyada oo la sheegay in guddidii uu u saaray madaxweynaha la doortay ka soo talinta xukuumada cusub ay hor-keeneen in golaha wasiirada laga dhigo 17 wasaaradood, taasoo culayska ku sii kordhinaysa madaxweynaha la doortay oo xataa masuuliyiintii ugu sareysay xisbiga Kulmiye soo kaxeysanayaan cuqaal ka Mustafeysa si ay jagooyin wasiirnimo u helaan.
