July 7, 2010

Dadka Reer Awdal Wixii Ay Xaq U lahaayeen Waxay Ku Badasheen Nabad.

Marka hore waxan salaamayaa dad waynaha somaliland inta nabda jecel. Hadii aan ka dib u jaleecno taariikhda somaliland sanadkii 1991-kii shirkii burco muhiimada ay ka lahaayeen dadka reer  awdal  gaar ahaan beesha  gadabuursi  waxay ahayd nabad in la helo halka beelaha kale qaarkood ku hirdamayaan sad buursimo.

Shirkii dugsiga sh cali jawhar ee borama lagu qabtay sanadkii 1993-kii , beesha isaaq haday tahay odayaal musheekh aqoonyahano iyo siyaasiyiin o u badnaa qurbo jooga dhamaan waxay ku sugnaayen  Borama, Dadwaynaha Reer Awdal na waxay xooga saareen martidaasi culus siday u ilaalin lahaayeen Amnigooda, mar labaad waxay ku iloobeen xaqoodii Nabad galyo hanoqaada iyo  nidaam dawladeed oo ka dhisma madashaasi shir waynuhu ka socday, sidii kii Burco oo kale ayaa beelaha ugu yaryar ee reer sh isxaaq ay ku gorgortamayeen waa inaan helno intaasi oo xildhibaan iyo intaas oo guurti iyo waliba intaas oo wasiir ah .hadayna beeshayadu helin dhiig iyo dagaal lagu hoogo iyo baro kac dadkan wali sal dhigan ayaan ka xigaa.

Taasi waxay sobobtay:

1-dagaaladii Burco iyo Berbera ka dhacay sanadihii 1992-kii .

2-Iyo dagaaladii ka dhacay 1994-kii hargaysa iyo nawaaxigeeda ee gar xajis iyo habar jeclo awal waxaan xasuustaa hadal uu wakhtiyadaasi nin professor ah oo ku nool dalka maraykanka oo la yidhaahdo Axmed Ismaaciil Samatar  waraysi uu siiyay idaacada bbc-da uu ku yidhi ( dadka reer Awdal xaq wixii ay u lahaayeen waxay ku badasheen Nabad.)

Waxay sheegtaan in xasuuq lagu sameeyay ,waxaanse aaminsanahay  in ayagu xasuuq u gaysteen dad rayid ah oo aan waxba galabsan waxana ka mid ahaa :

1-  Sanadkii 1991-kii february 4 dagaalkii Borama ay ku xasuuqeen rayidka .

2- Iyaga oo september 2009 wadada  ku laayeen dad safar ah ila imika cid ka ficil qaadatay ma jirto waxa kaliya ee la sugayaa waa ninka jariimada intaasi le,eg  gaystay ma ogyahay mise maba oga?

Waxa kale oo jirta madax wayne  Daahir Rayaale Kaahin markii xilka laga guulaystay hadaladii  uu ku dhawaaqay  oo ay ku jirtay hadalo nabad jacayl ah oo wax walba uu ka doorbiday nabad galyada shacbiga somaliland ee xamasta ah .

Hargaysa waxaad ku arkaysaa wasaaradaha dawlada oo nin wasiir ilaa waashmaan ay reer kaliya kasoo wada jeedaan  .

hadaba damiirka aniga I siiyay inaynaan la mid noqon soomaaliyada koonfureed ee is baabiisay dad iyo dalba ilaahay miyaanu kugu abuurin?

Ma aniga unbaa nabadu dan ii tahay, miyay kuu cuntami wayday inta shaqaale gun iyo gadh hay,adaha kaaga hawl galaan?

NB: Waxaan si gaar ah u hambalyaynayaa madaxwaynaha dhabta ah Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo Madaxweynaha cusub Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo ku xigeenkiisa c/raxmaan c/laahi ismaaciil saylici .

Qalinkii: C/laahi Ibraahim Gurey

Boon, Salal Region, Somaliland

Login