July 5, 2010

RE: Somaliland ha saarto Xayiraad Universal Tv.

Waxaan doonayaa inaan waxyar ka idhaahdo maqaalo dhawaan lagu faafiyay shabakadaha wararka ee Somaliland, oo ku baraarujinaya bahweynta Reer Somaliland inay xayiraad saaraan tv-ga universal oo ay xaruntiisu tahay magaalada London ee carriga Ingiriiska. Baaqaa waxa soo jeediyay niman isku magacaabay inay yihiin ama u hadlayaan jaaliyadaha Reer somaliland ee ku dhaqan dalalka Boqortooyada Ingiriiska iyo Boqortooyadda Denmark, iyagoo ka codsaday ama ku booriyay Muwaadiniinta reer somaliland ee ku dhaqan caalamka daafadihiisa inay qaadacaan Universal tv iyo iyagoo weliba gaar ahaan uga codsaday xukuumadda Somaliland inay ka qaado Ruqsadda ama ogolaanshaha uu tv-gaasi kaga soo tebiyo wararka gudahaha dalka Somaliland.

Haddaba waxaan leeyahay qolyaha arinkaa faafiyay ama codsaday in xayiraad la saaro raadiyahaa layska arko ee Universal Tv, xaalkoodu waa, Lax dhukani abaar moog,, sababtoo ah waxaanay ogeyn ama xog-ogaal u ahayn in tv-gan universal uu xaq-qayb( share holder)ama saami ku leeyahay odayga loo doortay madaxweynaha cusub ee jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo).

Iyadoo aanay iga ahayn dacaayad ama ku xumayn madaxweynaha cusub ee loo doortay dalka waxaan ogahay in ilaa iminka muddo laga joogo 3 sanno uu Axmed siilaanyo saami ku lahaa Universal tv wax kastaaba haku kalifeene, ha noqoto isagoo u arkay in uu dacaayad iyo propogando ka dhan ah Xisbiga taladda dalka haya ilaa maanta ee udub ugaga faa’iidaysanayo isla markaana raba inuu ku hanto kursiga ugu muddan dalka somaliland ama waxyaabo kale ha u qarsoonaadaane waxa hubaal ah inuu Universal Tv aad ugu ol-olalayn jiray xisbiga Kulmiye iyo madaxweynaha iminka la doortay ee Siilaanyo muddooyinkii la soo dhaafay.

Waxaana  xaqiiq ah inuu uga wakiil ahaa Siilaanyo Saamigiisa uu ku darsaday tv-gaas ninka la yidhaahdo Maxamed baashe X. xasan oo ay isku reer yihiin Siilaanyo, meel kalena ka yihiin xidid. Maxamed Baashe X. xasan waa ninka ku jira iminka gudidda uu Siilaanyo u magacaabay inay talo ka siiyaan siddii uu u soo dhisi lahaa dawladd cusub, waana ninka aan had iyo jeeraale laga waayin shaashadda tv-ga Universal isla markaana degan dalka Uk.

Haddaba waxaan leeyahay qolyahan beryahan buuxiyay shabakadaha wararka ee Somaliland ee codsanaya in cuno-qabatayn la saaro Universal Tv, kuwaasoo laftoodu taageera Xisbiga Kulmiye iyo madaxdiisa dalka loo doortay iminka inay hogaamiyaan waxaan odhan lahaa xaalkiinu waa :

,,iilka kii dhigay u ergootoy,, Soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa, Gudin yahay imaad goyseen ee badhkay baa kugu jira.

Waxa marag ma doontaa in aanu Tv-gaasi intii uu jiray siddaa ugu dhiiran jirin una badheedhi jirin inuu jiritaanka iyo xuquuqda reer Somaliland ee lama taabtaanka ah xaqiri jirin, markaa is weydiintu waxa weeye maxaa keenay maanta?, jawaabteeda qof kasta oo indheer-garad ah ama la socdo siyaasadda somaliland wuu garan karaa……..taasoo ah, Siilaanyaa loo doortay madaxweyne somaliland, markaa waxaad doonto waad odhan kartaa waanad ku tufi kartaa.

Haddaba walaalayaal qolyihiinan isku magacaabay jaaliyadaha reer somaliland ee Denmark iyo Uk……sidi sididiina mooyee dhul u dhiciina hubsada, yaa isgaadhayba?. Ciddii ka mamnuuci lahayd dalka tv-gaa waaba cidda iminka hogaamin doonta xukuumadda la soo dhisi doono bisha august ee inagu soo aadan waana cidda saamiga ku leh isla tv-ga Universal, markaa yaa fulinaya codsigan aad u soo jeediseen Xukuumadda Somaliland.

Dawladdii udub ee markay dadka noocaas ah ka qabtaan dalka ama ka masaafuriyaan aad odhan jirteen, Xoriyatul qawlkaa meel lagaga dhacay( free of Speech) way wareejinaysaa xilka.

maalin dhow waxaydun maqli Universal Tv iyo Kulmiye oo ka wada shaqaynaya Shir ummadda Soomaaliyeed laysugu keenayo oo lagu kulmin doono magaaladda Hargaysa.

Ahmed M. Issa

Email: gooraan@gmail.com

Login