July 5, 2010

Madaxweyne Rayaale Iyo Madaxweynaha La Doortay Md. Siilaanyo oo Kulan Albaabadu u Xidhan Yahay Ku Yeeshay Madaxtooyada.

Hargeysa (Harowo) - Sida wararka Laga helayo ilo aad ugu dhow dhow Madaxtooyada Somaliland iyo Xisbiga Kulmiye xaqiijiyeen waxa kulan markii ugu horaysay, tan iyo intii doorashada Madaxtooyadu ka dhacday Somaliland kulan yeeshay Madaxweynaha shaqada ka tagaya ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo Madaxweynaha la doortay Md. Axmed Maxamed Maxmuud (Siilaanyo), kaas oo ka qabsoomay xarunta Madaxtooyada Somaliland.

Kulankan ay maanta Madaxtooyada ku wada yeesheen Madaxweynaha xilka ka dagaya ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo Madaxweynaha la doortay Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ahaa mid wakhti kooban la iskula gorfeeyay hawlaha xil wareejinta iyo sida ay u dhacayso, inkastoon la ogayn dhab ahaan wixii labada masuul iska waraysteen, waxa la xaqiijiyay in ujeedada kulanku ahayd mid salka ku haysa in ay iska arkaan dhamaan wixii hawlo ah ee xil wareejinta iyo arimaha qaranka ku saabsan ka hor intaan xil wareejintu dhicin.

Marka laga reebo warar koob kooban oo ka soo baxaya waxyaabihii kulankaa la iskula soo qaaday, ma jiraan cid ku wehelinaysay oo xog bixisay iyo wax war ah oo labada dhinac ka soo saareen, hasa yeeshee wararka laga helayo kulankaas oo aad u adag waxa ugu muhiimsanaa in labada masuul si saraaxad leh ay markii ugu horaysay u wada sheekaysteen, iskana waraysteen arimo badan oo xitaa sida la sheegay ay ku jirto doorashadii iyo guud ahaan saamaynta ka dhalan karta.

Waxa kale oo iyaguna jira in labada Mudane si diiran isugu hambalyeeyeen sida quruxda leh iyo habka dumuqraadiyada ku dhisan ee ay natiijadii doorashada u aqbaleen, gaar ahaan Md. Siilaanyo oo la sheegay inuu Md. Daahir Rayaale uga mahad naqay badbaadada uu dalka u sameeyay iyo sida gobanimadu ku jirto ee uu ugu hambalyeeyay, una aqbalay natiijadii ka soo baxday doorashada.

Si kastaba ha ahaatee waxa ay wararku intaa ku darayaan in Madaxweynaha shaqada ka tagaya Md. Daahir Rayaale Kaahin si diiran oo qalbi furan u qaabilay wax badana uga xog waramay, una cadeeyay in aan dayac iyo wax boob ahii hantida qaranka ku dhici doonin, waxaanay wararku tibaaxeen in Madaxweynaha la doortay Md. Siilaanyo ka soo baxay kulankaas isagoo aad u niyad san, yididiilo intii hore ka balaadhana laga dareemi karo.

rayaaale-1

Harowo News-Desk: Hargeysa Somaliland

Login