July 5, 2010
Hambalyo Iyo Bohaadin: Madaxweynaha Cusub ee Somaliland Mudane Axmed Maxmad Maxamud Siilaanyo

Aniga oo ku hadlaya dhammaan dadweynaha ka soo jeeda Somaliland ee deggen Baxreyn, waxa aan halkan hambalyo iyo bogaadin uga soo diraynaa Madaxweynaha cusub ee Somaliland Mudane Axmed Maxmad Maxamud Silaanyo, Madaxweyne K/Xigeenkiisa Mudane Cabdiraxman Saylici, Xisbiga Kulmiye iyo dhammaan shacbiweynaha Somaliland. Waxa aanu leenahay “hambalyo”.
Waxa kale oo aanu hamblayo halkan uga soo diraynaa Madaxweynihii hore Mudane Dahir Rayaale iyo Madaxweyne K/Xigeenkiisii Mudane Axmad Yusuf iyo Xisbigooda UDUB sida hufan ee ay talada u wareejinayaan.
Waxa aanu leenahay Dadka Somalilandaw, waxa aad tihiin iftiin Somalida kale ee dunidu ay ku dayato, sida aad talawadaaga iyo nabada aad u haysaan.
Wa bilaahi tawfiiq.
