July 5, 2010

“UCID wuxuu keenay barnaamijkii ugu fiicnaa, Kitaabkii iyo Sunnaha Rasuulka SCW…ilaa imika garan maayo waxay dadkani u footeeyeen.” Faysal Cali Waraabe

Hargeysa (Harowo) - Murashaxiintii Doorashada Madaxtooyada ee jagooyinka Madaxweynaha iyo ku-xigeenka Xisbiga UCID u tartamay, ayaa caawa la hadlay qaar ka mid ah taageerayaashii Xisbigooda codka siiyay. Munaasibad xalay lagu qabtay magaalada Hargeysa, ayaa Murashaxiintii Jagooyinka Madaxweynaha iyo ku-xigeenka ee Xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Dr. Maxamed-Rashiid Sh. Xasan kula hadleen qaar ka mid ah taageerayaasha Xisbigooda ee u codeeyay.

Ugu horrayn Guddoomiyaha Xisbigaas, ahaana Murashaxa Doorashadii dalka ka dhacday 26 June Eng. Faysal Cali Waraabe oo halkaa ka hadlay, ayaa ka warbixiyay ujeedada Munaasibadda. “Walaal waxaynu caawa halkan aynu isugu nimi inaynu u mahadnaqno dadkii xisbiga iyo Xubnihii Xisbiga ee aadka u shaqeeyay iyo kuwii xisbiga taageerayba. Walaal waxaad muujiseen dedaal, edeb iyo qorshe wanaagsan oo lagu ololeeyay, taariikhda waxaynu ka galay meel wanaagsan, waxaynu samaynay taariikh cusub oo aanay samaynay xisbiyada kale..” ayuu yidhi Faysal, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “UCID wuxuu keenay barnaamijkii ugu fiicnaa oo qoraal ah oo aad iyo aad adduunka looga jeceladay oo aynu taariikhda ku galayno. Waxaynu keenay Kitaabkii iyo Sunnaha Rasuulka SCW oo aanu Xisbi kale keenin..ilaa imika garan maayo waxay dadkani u footeeyeen. Kollayba waxaynu u taagnayn madaxbanaanida Somaliland iyo wanaaggeeda, Kursi aynu ku fadhiisanaa waxay ahayd mudnaanteena labaad.”

Faysal Cali wuxuu Xisbiga hadda ka wareegaya talada ee UDUB ku eedeeyay in uu baylihiyay intii uu talada dalka hayay. “Walaalayaal dalkan waxaynu galinay dedaal badan oo wanaag badan ayaynu galinay..Somaliland inta jeer ee ay khatarta gashay ee aynu ka saarnay,  maantana waxaynu doonayna inaynu Somaliland ka saarno faqriga, qabiilka, gaajada iyo nidaam xumida. Waxaan idiin sheegayaa inaynu maalin uun xukunku ku danbayn doono xisbiga UCID ahaan…” ayuu yidhi Faysal, Waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Maantana Somaliland waxaa horyaala dhibaatooyin faro-badan. Waad arkayseen durba Badhan waa kuwii qoladii garoowe lahaa wafti ayaanu u dirnay oo maamul cusub ayaanu u samaynaynaa oo nidaam ma jiro. Waayo, wali waxa jira xuduudaheeni oo iska faydan, Jabhado inagu abuurmaya iyo dawladda oo dalka gaadhsisay dhibaato badan oo aan laga soo kaban karin, taas waxa laga soo kabanayaa midnimo, waxaa lagaga soo kabanayaa Boos-doonka ama Wasiir-doonka oo la yidhaahdo Somaliland oo horaysiisay danteedii.”

Eng. Faysal Cali Waraabe Gudoomiyaha xisbiga UCID ahaana Musharaxii jagada Madaxweynaha Somaliland xisbiga ugu sharaxnaa, waxa kale oo uu ka hadlay waxyaabaha looga baahan yahay hoggaaminta dalka, mar uu arrintaa ka hadlayayna wuxuu yidhi, “Dhibaatadan maanta ina hortaala ee dalkeena hortaala waxay u baahan tahay hoggaan adag iyo dadka oo la mideeyo. Koox-koox iyo reer-reer dalkani uma baahna, dadku waa wada reer, caddaalad ayay u baahan yihiin.”

Murashaxii Xisbiga UCID wuxuu ka hadlay oo kale isweydiin dadka qaarkood qabaan oo ah sababta Xisbiga UCID tirada ugu yar saddexda Xisbi uga helay codayntii Doorashada. “Way jiraan dad badan oo taageerayaasheena ah oo leh, maxay sidani u dhaceen. Waxaan leeyahay, walaalayaal waynu guulaysanay, nabadgalyo ayay Doorashadii inoogu dhacday  oo Masiibadii UDUB-na meesha way ka baxday oo waa guul. Runtaan idiin sheegayaa, waligay intaan jiray wax la jaara Ilaahay inamuu tusin. Markaa, waxaan leeyahay xisbiga UCID halkaa ka sii wada guusha.” Ayuu yidhi Faysal.

Dhinaca kale, waxa isna halkaa ka hadlay Murashaxii Madaxweyne-xigeenka ee UCID Maxamed-Rashiid Sh. Xasan. “Xisbiga UCID  wuxuu galay dagaal siyaasiya oo caafimaad qaba, inagoo wadana Barnaamij. Ummaddu talo ayay inoo dhibteen, dedaal badan aynu samaynay hadana calafku wuxuu noqday inuu xisbigii kale ee Mucaaridka ahaa ee aynu jaarka ahayn ku guulaysto doorashada dalka. Xisbiga KULMIYE waan hambalyaynayaa iyo madaxweynaha la doortay Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), taasi waxay ahayd mid aynu soo wada qabanay, taas way ogyihiin, waxaynu ku leenahay talo..Xisbiga UCID kumay iman guul-darro ee guulwayn aynu samaynay, waayo meesha taladeeni ayaa taala.” Ayuu yidhi Maxamed-Rashiid.

Dr. Maxamed-Rashiid wuxuu hambalyo u diray Shacabweynaha Somaliland ee codkooda dhiibtay, waxaanu yidhi, “Waxaan hambalyo u dirayaa shacbiga reer Somaliland sida ay uga qayb-galeen doorashada, sida Nabadgalyada inoogu dhacday iyo sida laysku tixgalinayo iyo adduun-waynaha oo maanta ina soo  eegaya oo wixii aynu ka doonayno yahay ictiraaf ay suurtoobi karto inaynu ka helo aqoonsi marka inago ummad isku duuban kuwa maanta ilaahay xukunka keenay iyo qoladeeni dagaalka la soo gashay iyo intii muxaafidka ahayn ee ka sii aynu ujeedadeenu tahay dhaqaale badan iyo barwaaqo badan ictiraaf aynu helana aynu ilaahay ka barino.”

Source: Wargeyska Maalmaha oo ka soo baxa Hargeysa Somaliland

Login