July 4, 2010

Xaaji Cabdi Waraabe oo Siilaanyo Uga Digay Inuu Faraha La Galo Arrimaha Somali Weyn

“Xanta Suuqa Socota Waxa La Yidhi Axmed Siilaanyo Koonfur Buu Ummada Ku Wadaa, Shicibka Ha Isku Dirin Markaynu Ictiraaf Helno Ayeynu Wax Ka Tari Karnaa Soomaaliya” Xaaji Cabdi Waraabe

waraabe Hargeysa (Haatuf) - Oday dhaqameedka caanka ah ee reer Somaliland, X.Cabdi Waraabe ayaa hadal uu shalay ka jeediyay Golaha Guurtida ee uu xubinta ka yahay kula dardaarmay madaxweynaha la doortay ee Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), in aanu faraha la gelin arrimaha wadanka jaarka ah ee Somaliya. Xaaji Cabdi Waraabe waxa uu sheegay in suuqa ay ku jirto xan ah in Siilaanyo uu Somaliland ku wado xaga Somaliya, sidaa darteedna uu madaxweynaha la doortay kula talinayo inuu ka feejignaado oo aanu isku dayin heshiisiinta kooxaha ku dagaalamaya Somaliya iyadoon weli la ictiraafin Somaliland.

Xaajigu waxa uu intaas ku daray oo uu yidhi “Somaliya arrimaheeda waxay Somaliland wax ka qaban kartaa haddii marka hore iyada la aqoonsado balse haddii inta aan la aqoonsan ay faraha la gasho dabka ka holcaya Somaliya, taasi khatar bay  u soo jiidi kartaa xasiloonida iyo nabadgelyada ka jirta Somaliland lafteeda. Xaajigu waxa uu dhinacyada ku dagaalamaya Somaliya ugu baaqay inay hubka iska dhigaan oo ay wada hadlaan oo heshiiyaan.

Xaaji Cabdi Waraabe Waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan:

“Walaalaheena Koonfur talo aynu ku caawino mooyee wax kale oo aynu u tari karnaa ma jiro, xanta suuqa socota ee duul duulaysa Koonfur buu ummada u wadaa Axmed Siilaanyo ayaa la yidhi, shacbiga ha isku dirin marka aynu ictiraaf ka helno beesha caalamka ayeynu wax ka tari karnaa somaliland colaada ka aloosan, imikase adigu waxba kama tari kartid anaga iyo qayrkaana waxba kama tari karno, yaan lagu wiiqin, nin dan lihi yaanu ku jabin ee taariikh dalka kaga tag”  “ ugu danbayn Waxaan u mahad-naqayaa shacabka Somaliland guddo iyo dibadba sida fiican ee ay doorashada ugu rideen, waxa kale oo aan u mahad-naqayaa komiishanka sida wanaagsan ee ay u xukumeen hawshii doorashada oo aad moodaysayba niman soo jireen ah oo doorashooyin hore ka taliyay.”

Md Xaaji Cabdi Waraabe waxa uu la hadlay kooxda Al-shabaab ee ka dagaaalanta dalka Soomaliya, waxaana ka mid ahaa hadalkiisii “Qolada koonfurta waxaan ILAAHAY uga baryayaa in uu dabkaa ka bakhtiiyo, dhalinyarada Al-SHABAAB waa dhalinyaradayadii, kuwa la dilayanaa waa dhalinyaradii oo aabayaashoodbaanu garanaynaynaa markaa waxaan leeyahay ILAAHAY dantooda ha garansiiyo oo qoriga ha dhigaan oo kursiga iloobaan oo dadka dabada ka riixaya diidaan.”

Dhinaca kale Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Gaal) oo isna madasha hadalkooban ka jeediyey ayaa waxa ka mid ahaa hadaladiisii  “Marka ugu horeysa waxaanu hambalyo iyo bogaadin u diraynaa dadwaynaha reer Somaliland oo xilkoodii gutay, way codeeyeen oo si xarago leh ayay u codeeyeen oo nabadgalyo ayay ku codeeyeen la’aan toodna inoomay suurto-gasheen waanu ku hambalyaynayaa Somaliland-na waa guul u soo hoyatay, doorashooyin dhowr ah ayay soo gashay, doorashadii labaad ee Madaxtooyadana maanta ayay qabsatay iyada oo baqe inagu jiray ILAAHAYNA wuu inaga kor qaaday.”

Md Saleebaan Nuur waxa uu intaa ku daray “Waa la qiraa cida guusha leh ee dalka iyo dadka wax u tarta, gudida doorashooyinka Qaranku waxa uu goluhu u qirayaa in mudadii koobnayd ee ay xilka hayeen ay u guteen shaqadoodii si wanaagsan oo xilkasnimo ah, aniga oo ku hadlaya afka Baarlamaaka Somaliland-na waxaan leeyahay hambalyo iyo bogaadin naga guddooma.

Waxa kale oo iyaduna amaan iyo bogaadin leh sida Madaxwaynuhu u aqbalay natiijada doorashada Madaxtooyada, haddii doorasho la gallo cid-baa adkaata cidna way guul-daraysataa, axsaabta iyo Madaxdeeda waanu u mahad-naqaynaa waayo haddii ay isqabqabsadaan oo ay dagaal abaabulaan sidan quruxda badan may dhacdeen.”

Guddoomiyaha Guurtida Somaliland waxa kale oo uu si gaar ah amaan u soo jeediyay ciidamada qalabka sida ee Somaliland “Ciidamada Somaliland maaha wax la iloobo siiba ciidamada qaranka (Milatariga), tuulo walba waanu tagnay, meel walba way ka qayb-galeen wayna inoo ilaaliyeen nidaamka iyo nabadgalyada magaca umaddana waanu ku bogaadinaynaa oo waanu u mahad-naqaynaa.”

Waxaanu intaa raaciyey “Waxa intaa ii raaca doorasho galnay si qurux badana way inoogu qabsoontay markaa waxa inoo taala inaynu midhaheeda maalo oo horumarna raadino taasina waxa ay ku imanaysaa inaga oo bulsho ahaan gacmaha isqabsana oo aynu ictiraaf iyo horumar ku raadino, golayaal, xukuumad, mucaarad iyo muxaafid ayaynu hawsha u wada gudano oo xukuumad kali ahi waxba ma qabatee aynu hawsha la garab galno.

Golayaasheena haddii ay awal kala qaybsanaan ka dhex jirtay waala ina eegayaaye waa inaynu hawsha si wanaagsan u gudanaa oo aynu wixii khilaaf ah halkaa iska dhignaa, ma lihi xukuumada timaada yaan la toosinin waa in la toosiyaa wixii ay ku khaldan-tahayna waa in mar walba la tilmaamaa, wixii wanaagsana waa inaynu ku garab galaa.

Axsaabta adduunka ee tartamadu dhex maraan intaa way ishaaramayaan, laakiib danta qarankooda kama tagaan, waxaan leeyahay qaybo ayaa inagu jira bulsho ahaan horena way inoogu jireen, doorashadiina way sii muujisay waa inaynu midnimadii iyo isku duubnidii raadinaa, xukuumada dhalatayna waxaanu jecelahay inay sidaa nagu hogaamiso, golaheena malaha loogama barane, baarlamaan waajbkiisu waxa weeye, dawladu haddii ay khaldanto inay qabato oo aanay inaga noqon nabadgalyada uun aynu ku tuntuunsano, nabadgalyadu waxay kuu xaqiijisantaa marka aad wixii khaldan xukuumada maalintaa joogta ka qabato, markaa waa maalin wayne ciida hambalyo, ma idin lihi aynu banaanada u soo baxno.”

Source: Haatuf News

Login