July 4, 2010
“Ruux haduu kuu darnaan jiray waa lagu digtaaye, bal dayaay waa kaa wadaadkii sii dabayshadaye.” Marwo Kaltuun Xaaji Daahir Cigaal
Hargeysa (Jam) - Marwo Kaltuun Xaaji Daahir Cigaal oo ahayd marwadii maxweynihii hore ee Somaliland marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, ayaa madaxweynaha la doortay ee cusub Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo ku-xigeenkiisa Md. Cabdiraxmaan Saylici ugu baaqday inay mideeyaan dadweynaha reer Somaliland, isla markaana ka bogsiiyaan tafaraaruqii lagu sameeyeyey, iyada oo madaxweyne Rayaale-na u soo jeedisay inuu sida ugu dhakhsaha badan uga tabaabushayto xarunta madaxtooyada.
Marwo Kaltuun Xaaji Daahir oo shalay saxaafada ugu warantay hudheelka Xaraf ee magaalada Hargeysa, waxay hambalyo iyo bogaadin u dirtay masuuliyiinta xisbiga KULMIYE ee ku guulaystay doorashadii madaxtooyada iyo shacbiga reer Somaliland ee sida nabada ah codkooda u dhiibtay 26 June 2010.
“Wax aan leeyahay Madaxweynaha cusub midee dadka aad Madaxqweynaha u tahay mid ku doortay iyo mid aan ku dooran, mid ku jecel iyo mid ku neceb, mid kuu dhaw iyo mid kaa fog oo tafraaruqii hore loogu riday ka bogsii.
Madaxweynaha waqtigiisii dhammaaday waxaan leeyahay, waktiga sharcigu kuu fasaxayo ka hor ka tabaabushayso, anaga geeridii marxuum Cigaal, iyada oo xabaashii la joogo ayaad na sugi kari wayday, aniga oo sideedii sanno ee aad xilka haysay ahaa qofka keliya ee aad adigu u calool xumayd, markaa anigu maanta waxaan leeyahay, ruux haduu kuu darnaan jiray waa lagu digtaaye bal dayaay waa kaa wadaadkii sii dabayshadaye.
Axmed Siilaanyana waa nin weyn oo dal iyo dad yaqaan ah oo siyaasi ah oo qofkastaaba waxa uu ka mudan yahay garan kara, labadooduna (Siilaanyo iyo Rayaale) laba nin oo la isbarbardhigi kara maaha oo nasiibka iyo wakhtigaa dadka isdhaafiyey. Daahir Rayaale markiisii hore muu ahayn nin siyaasi ah ee wuxuu ahaa nin ciidamada ka tirsanaa oo si alle ayuun buu xilka ku qabtay (markii uu madaxweyne-ku-xigeenka noqday) oo qolo reerkooda ah ayuun baa soo hagtay si uu u buuxiyo kaalinta madaxweyne-ku-xigeen ee bannaanayd xiligii Cigaal oo intaa uu Somaliland xilkeeda hayey ayuun bay indhuhu u furmeen.
Laakiin Axmed Siilaanyo waxa uu ahaa nin ilaa lixdamaadkii siyaasada ku soo dhex jiray oo xilal kala duwan soo qabtay oo soo taliyey, markaa labadooda la isma barbardhigi karo, intii madaxweynihii hore ee marxuum Cigaal geeriyoodayna Axmed Siilaanyo iyo xaaskiisu mar walba way ii iman jireen, balse Rayaale dib iskumaanaan arag, qofka qudha ee uu iska ilaalin jirayna aniga ayuu ahaa,” ayey tidhi Marwo Kaltuun Xaaji Daahir Cigaal.
Source: Jamhuuriya Online
