July 4, 2010

Maxay Kafilayaan Madaxwayne Siiraanyo Dadka Awdal iyo Salal

Aniga oo ah muwaadin somalilander degana qurbaha ah kana soo jeeda gobolada awdal iyo salal marka hore aslkum wwbr  waxan salamayaa dhamaan dadwaynaha reer somaliland gaar ahaana awdal iyo salal sidii quruxda badnayd ee ay codkooda u dhiibteen una cadeeyeen mawqifkooda ku aadan jiritaanka somaliland iyo rabitaankooda siyasadeed gude iyo dibadb.

Marka labaad waxan hanbalyo u dirayaa madaxwaynaha cusub iyo kuxigenkisa waxanan leenahay hanbalyo sidoo kale waxan salamaya madaxwaynihii hada xilka wareejin doona lee ahay waxad noqotay halyay muujiyay geesinimo dulqaad waayo aragnimo  kana bixi la wali maskaxda dadka sidii quruxda badnayd eed ugu hanbalyeysay xisbiga ku dhinaca kale marka la eego somaliland inteeda kale way ka duwanayeen dadka awadal iyo salal maxa yeelay waxa kaso wada jeeday 3 musharax.

Dadka goboladu u codeeyeen mawqifkooda 80 boqolkiiba una codeeyeen xisbiga udub o ah dawlada hada xilka lagala wareegayo kana codeeyay xisbiga hada ku guulaystay ee kulmiye hadaba dadka gobolku su alaaha horyaala o ah maxad kala kulmayaysaan xisbigii aad ka codayseen muxuse ku danbayn fikirkii ay ka qabeen xisbiga kulmiye oo ah xisbi xagjira ama ay ku jiraan rag xagjira.

Hadaan tusaale soo qaadano 3 nin sida madaxwanaha cusub siiraanyo muuse biixi  iyo maxamad xaashi oo ah sadexda ugu awooda badan dawlada cusub anha 3 nin dadku aad uga afgodayaan waxay kala kulmi doonaan horena u yiri hadalo lidi ku ah reer awdal ama dadka aan ku abtirsan SNM iyada hadana la oran karo siraanyo waa ninka siyasada somali land ugu wayn kuna taami jiray inuu mar uun awooda dalka hanato dadka lagu tilmaamo mujaahidiintii SNM hadba aan maqalo hadaladodii qaar ka mida.

1 - Maxamed caashi waxan ka xasuustaa wakhtigii ololaha ay ku jireen daahiraw umaad dhalan hargaysee hadad madaxtooyda ka bixi waydid ul ama bakoorad baan kaaga soo saaraynaa.

2- Muuse biixii-isagoo maalin ka hadlaya qadiyada ceelbardaale reer gabilay idinkaa leh dagaanka ceel bardaale xagiina waad helaysaan hadaan doorashda ku guulaysano iyada oo layiraa maalintaa xataa musharaxa m\waynne kuxgeenka saylici oo ka soo jeeda gobolada ayaaba la joogay  maalintaa inkastoo aanan hadana warkaa la hubin.

3- Madaxwayne siraanyo-qudbadii maalintii ugu danbaysay uu ka jeediyay khayriyda hargaysa -dadkii aan saamaxnay oo  iyagoo dalka ka baxaya aan joojinay ayaa maanta hadlaya iyadoo lala yaabay hadalka dadkuna is waydiiyeen ma wuxu u jeedaa reer awadal kaliya mise dhamaan waxan ku abtirsan SNM . Sidoo kale qudbadii ugu horaysay markuu noqday madaxwaynaha -guushii SNM baan maanta gaarnay iwm , hadaba maxay kala kulmi karaan reer awdal dawlada cusub ragaasina ku jiran  miyay ka tagayaan balan qaadayadii  ay dadkooda u qaadeen ama xagjirnimadi lagu yaqaanay oo ay noqon doonaan masuul dadku uu mid u yahay dhaman somlailand dagani xisbiga guulaysatay.

Iyadoow reer awadal ka codeeyeen kulmiye hadana malaga yaabaa inay uba dhaanto dawladii ay gadhwadeenka ka ahaayeen reer awdal ama xisbiga udub.

Su’aasha meesha taala ayaa ah hadii dadka reer awdal 100 kiba boqol codkooda meel u jihaystaan sida maanta dhacday maxa xal u ah mise waxan ku qasbanahyay marba halkay rabaan dadka ku abtirsada SNM su aashaa waxay u taalaa dadka awdal iyo salal iyada o dhinaca kalena minority ka yihiin baarlamanka soomaliland dhamaan dadka aan ahayn SNMta

Geesta kale waxay dadku is waydiinayaan sideebuu m\waynexigenka c\raxman saylici mala jaanqaadi karaa siyaasada madaxdii SNM ahna rag ruugcadaa ku ah siyasada ama kasoo qabtay mamuladii hore somalia ama somalilndbba xilal kala duwan

isagoo la sheego inuu saylici ku cusub yahay shaashada siyaada ama tan xisbiga xilka la wareegayaba waayo dadka reer boorama magaran karaan siduu ula jaanqadi karo amase uu u noqon doono  nin usoo gooya cadka sida gobolada kale noqdana nin ka adag  fikirka reer boorama ka qabaan oo ah inaanu ahayn nin cadkoda uga goyn kara xisbigiisa kulmiye.

Guntii iyo gabagabadii waxaan lee ahay dadka reer awdal ilaashada nabadiina xaqiina lana shaqeeya maamulka cusub.

Madaxwaynaha siraanyo waxan lee ahay ilaahay hakugu asturo xilkna dadkuna isku mid hakuu ahaadaan SNM iyo waxan ahaynba m\xigenka saylicina waxan lee ahay sidoo kale  adiga ayaana hada kamul noqon doona xaqa dadka gobolda awdal iyo salal hana is oran kumay dooraan o ha iska seexan waxa laga yaabaa marka wax qabad kaaga la arko in sida udub laguugu codayn doono waxaan ku lee ahay magac baan hore u qaadnee aduu cadkeena keen waxaan kuu rajaynaa guul .

Nabad Iyo Caano

Qalinkii Ciise Xasan Maydhane Faarax

Email: macalinka1234@hotmail.com

Login