July 4, 2010

Madaxweynaha La Doortay ee Jamuuriyada Somaliland

Ka dib markii uu Xisbiga KULMIYE ku guuleystay doorashadii dalka ka dhacday, haatanna laga eegayo dhismaha dawlad tayo leh. Ka dib markii aan isku qanciyey in ay lagama maarmaan tahay in aan kala tashado qaar kamid ah waayeelka Xisbiga iyo waxgaradka qarankani leeyahay, qaab dhismeedka ay yeelanayso dawlada cusubi. Waxaan goaansaday in aan magacaabo guddidan qaran ee magacyadoodu hoos ku xusan yihiin. Kuwaas oo xilkoodu noqonayo:

Soo jeedinta talooyin la xidhiidha qaab dhismeedka dawladda cusub, gaar ahaan tirade wasaaradaha ay ka koobnaanayso xukuumaddu iyo hayadaha madaxa banana ee la abuurayo.

Magacyada Guddida

1. Muuse Biix Cabdi         Gudoomiyaha Gudidda

2. Dr Adna Aadan Ismail         Gud Kuxigeenka Gudidda

3. Prof Xuseen Bulxan

4. Dr Maxamed Siciid Gees

5. Dr Maxamed Rashiid

6. Prof Ismail Muumin Aar

7. Cabdicasiis Maxamed Samaale

8. Baashe Maxamed Faarax

9. Dr Maxamed Cabdi Gaboose

10. Dr Xuseen Maxamoud Xoog

11. Xil Dr Ahmed Kijaandhe

12. Eng Maxamed Xashi Elmi

13. Xil Cabdiraxman Yusuf Cartan

14. Sheekh Maxamed Ali Gadhle

15. Muniir Abusite

ALLAA MAHAD LEH

Ahmed Mohamed Silanyo

Madaxweynaha La Doortay ee Jamuuriyada Somaliland

Login