July 4, 2010
Faallo: Siilaanyo oo Badka Soo Dhigay Tabahii u Qarsoonaa ee uu Umada Ku Kala Qaybinaay
Waxa magaaloooyinka waaweyn ee Somaliland ilaa maanta aad looga hadalhayay magacyada xubno ka kooban 15 xubnood oo uu soo xushay madaxweynaha cusub ee la soo doortay mudane Siilaanyo xubnahaasi oo noqon doona sida warsaxaafdeed uu soo saaray uu ku sheegay madaxweynaha cusub xubno mihiim ah oo xul ah oo uu kala soo dhexbaxay xisbigiisa iyo shicibka Somaliland kuwaasi oo uu u arkay in ay yihiin kuwo soo bandhigi doona ama ka talo bxin doona qaab dhismeedka ay yeelanayso dawladiisa cusubi.
Hadaba, magacyadani ayaa afkala qaad ku noqday bulshada reer Somaliland badidooda kadib markii lagu dhex arkay shaqsiyaad aan sinaba ugu haboonayn in uu Siilaanyo soo xusho, kuwaasi oo umada ay wax badani ka tirsanyso isla markaasina looga baahnaa Siilaanyo in uu qaado ama sameeyo isbadal ka duwan kii Sagaashanaadkii, teeda kale waxa gudidani uu Siilaanyo soo xulay u badan dad isku beel ka soo wada jeeda, taasi oo uu Siilaanyo isha ka laliyay in uu cid ka soo xusho gobolka Saaxil, Odweyne, Ceerigaabo, Galbeedka Burco, iyo deegaano ka mid ah Sool iyo Sanaagba, iyo deegaano badan oo ka mid ah gobolka Awdal laftiisa.
Gudigan uu soo xulay oo ay xitaa ka dhex muuqdaan dad aad u xagjir ah isla markaasna aan marnaba qarsan colaada ay u hayaan qaybo ka mid ah bulshada Somaliland, ayaa waxa ay dad badani is waydiinayaan maxay noqon doontaa dawlada ay kula talin doonaan ama ay la dhisi doonaan Siilaanyo, se miyaanay arintani hordhac u ahayn shaki badan oo in mudo ah ay shicibka Somaliland ay ka qabeen Siilaanyo iyo maamulkiisa.
Sida ay doonataba ha ahaatee arintani waxa ay dhaawac weyn ku tahay bilowga maamulka Siilaanyo oo maantaba ka cadhaysiiyay kumanaan kun oo qof oo ku kala nool gobolada dalka iyo meelo kale oo caalmka ka mid ah, kuwaaso oo ay ka midyihiin qaar ka mid ah tageerayaasha xisbigiisa.
X. Saalax Diiriye
Source: Qaran News
