July 2, 2010
Madaxweyne Rayaale Iyo ku Xigeenkiisa Md. Yaasiin oo Markii ugu Horaysay ka hadlay Mawqifkooda Natiijada Doorashada
Hargeysa (Harowo) - Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ayaa si rasmi ah u cadeeyay inuu aqbalay natiijadii komishanka doorashooyinku ka soo saaray doorashadii madaxtooyada, isla markaana u hambalyeeyay Masuuliyiinta cusub ee Somaliland Loo doortay. Md. Rayaale iyo Ku xigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa labadooduba sheegay in ay ku qanceen, wixii ay soo qabteena taariikhdu xusi doonto. Dimuqraadiyaduna kow ka tahay. Sidoo kale xoghayaha guud ee xisbiga UDUB Jaamac Yaasiin Faarax oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in go’aanka Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa dhamaan bahwaynta xisbiga UDUB iyo taageerayaashoodu la qaateen.
Hadaba hoos ka dhegayso waraysi dhamaan masuuliyiintaasi siiyeen laanta afsoomaliga ee BBC-da wariyaheeda magaalada Hargeysa.
Get Flash to see this player.
