July 1, 2010
Xoghayaha Arimaha debedda ee Xisbiga UDUB oo ka hadlay Natiijada Doorashada.
Marka hore Waxaan salaan qaaliya u dirayaa Shacabka reer SL meel ay joogaanba. Waxa kaloo aan salaan u dirayaa dhamaan madaxda iyo taageerayaasha Xisbiga UDUB oo muujiyay dedaal iyo olole aad u hufan. Inkastoo aynu samaynay dedaal badan hadana waxa muuqata in la inooga badiyay kalsoonidii shacabka, waa arin u baahan in dib loo eego oo la qiimeeyo sababaha keenay in shacabka reer SL inaga codeeyaan.
Marka labaad maadaama uu badan yahay cadawga JSL, maadaama doorashadani ahayd tijaabo laga qaaday dawladnimada Somaliland, nabada aynu haysano iyo aqoonta iyo garashada shacabka reer SL, Waxa muhiim ah in aynu maanta, saacadan muujino wada jirkeena iyo in aynu doorashada iyo tartanka u qabanay in la kala badin karo oo hogaanka dalku uu ku jiro gacanta shacabka.
Anigoo ka tirsan madaxda sar-sare ee Xisbiga UDUB, aniga iyo ilaa hadda madaxda xisbiga intii aanu wada xidhiidhnay waxaanu ku qanacsanay natiijada doorashada ee ay ku dhawaaqeen gudiga doorashooyinka qaranku.
Waxaanu u aragnaa in axsaabta siyaasaddu soo bandhigeen olole siyaasadeed oo qurux badan, doodo hufan iyo ugu dambayn codayntii 26-kii June oo aduunyadu ka markhaati kacday inay ahayd codayn cadaalad, habsami iyo xasilooni ku dhacday. Waa Guul QARAN.
Dhamaan taageerayaasha Xisbiga UDUB meel kastoo ay joogaana waxaan leyahay waxaynu la wadaagnaa shacabka reer SL guusha QARANKA oo ah in doorashadu ku dhacday nabad iyo Xasilooni taasoo ah guul u bahan in aynu kuligeenba ku faano.
Waxa kale oo guul weyn u noqondoonta Xisbiga UDUB oo aan xisbi kale oo la wadaagaa jirin in aynu hannayno oo u hambalyayno xisbiga ku guulaystay rabitaanka shacabka reer SL, arintan oo noqondoonta geesi nimo, taariikh wanaagsan iyo Guul uu Xisbiga UDUB u soo hooyay qaranimada JSL.
Xisbiga Kulmiyena waxaan leeyahay hambalyo, Waxaad la wareegi doontaan hadii Alle qadaro wadan dhisan, nabada , xasiloon, shacabkiisu walaalo yahay, haysta qadarin caalami ah, citiraafkii uu haatan daaqada saaranyahay oo dawladnimadu gaadhsiisantahay dhamaanba gobolada dalka oo ay wax badani u bilaabanyihiin wax badan oo horumar ahna idinka ayaa la idiinka fadhiyaa inaad ku kordhisaan. Waa xilweyne Alle ha idiin Fududeeyo, wixii danta qaranka ahna sidii hore ayaa axsaabta qaranku uga wada shaqayn doonaan.
Shacabka reer SL waxaan leyahay UDUB waa Xisbigii dhisay ee taariikhda ku galay nidaamka maanta shaqeeya ee axsaabta badan, maantana waxaanu qaranimada SL ku soo kordhinaynaa oo taariikhda ku gelaynaa in UDUB noqoto Xisbigii ugu horeeyay ee isagoo talada dalka haya doorasho noocan oo kale ah looga guulaystay ee Xilka si sharaf leh u wareejiya, Alle hanoo fududeeyo.
Allaa Mahadleh Guushana SL ayaa leh.
Maxamed C/llaahi Ciise
Xoghayaha Arimaha Debedda ee xisbiga UDUB
