July 1, 2010

Rayaale iyo Siilaanyo Kii kursiga ku Fadhiistaaba Dalka ayuu u Adeegayaa ee Qolo iyo Shakhti Gaar ah

Doorashadii si fiican ayey Somaliland uga qabsoontay, shacabkiina waajibkii saarraa si xarraga leh ayaa uu u gutay aanay ku ammaanan yihiin. Qalad iyo sax wixii dabadood dhacayna waxba kama gelin. Kii sameeyey ayeyna u taallaa, oo ay nabar gardarro amma khayr mid uun u noqon doontaa. In uu Rayaale soo noqdo iyo in Siiraanyo yimaaddaana wax macna ah oo ay samaynaysaa ma jirto. Laakiin waxa mid lala yaabo ah dadka isku xiijinaya labada musharrax kii soo baxa ee qabiil iyo dano gaar ugu kala eexanaya. Taasi oo aan u arko in ay dal xumayn tahay, in ay fidmo abuur tahay. Haddii aragti taa ka fiican oo ka horumarsan la yeelan waayana waxa iman doonta in sharafta shacbigu keensadeen dib loo doon doono.

Nasiib wanaag.

Waxa jira wax nasiib la yidhaa oo sidiisaba qofku sheegto. Dadkuna ay uga markhaati kacaan, hadday maamul tahay, hadday ganacsi tahay iyo jaanib kaleba. Kaasi ayaana door ka cayaara, shaqada uu qof galo. Sidaasi daraaddeed, ay dadka iyo isaguba ku mahadiyaa amma lagu mahad waayaa. Hase yeeshee Xoog iyo xirfado aan isku gey geyso amma wax kale oo aan ku dadaashaa waa mid uu nasiibku ka hor imanayo. Guul darrana waxa keena shakhsiga nasiibkiisu la yimaaddo balaayo iyo baas. Guushana waxa loo tiriyaa raad qaboobaha la mahadiyo sida aan sheegnay.

Kursiga Madaxweynenimo ee loo tartamay.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, haddii Rayaale kursiga banneeyo maxaa is baddelaya? Haddii uu Siilaanyo guul darraystana maxaa imanaya? labadaa su’aalood ayaa gundhig u noqon kara, waxa ay dadka qaar ku dawakhsan yihiin.Qormadeennanna waxan ku eegeynaa jawaabta labadaa su’aalood iyo kuwa daba yaalla.

An ku bilownee, haddii Rayaale soo noqdo, waxba isma baddalayaan….haddiise uu guuldarraysto oo laga cod bato, waxa uu kursiga kaga daadagi doonaa si sharaf ah, oo dadkuna u qiraan heerka uu dalka soo gaadhsiiyey iyo ammaanka uu dalka ku hoggaamiyey. Calaamadna waxa u ah sida la yaabka leh ee maamulkiisu u suurta geliyey in ay doorashadii u dhacdo sidan la yaabka leh, haddii ay noqon lahayd diiwaan gelintii, ololihii doorashada, iyo dhisibiliinkii ay ammaanka u sugayeen. Isbeddelka dhici karaana waa mid dhinacyo badan taaban doona, haddii ay noqon lahayd ammaanka, kala dambaynta, maamul cusub oo udbihiisa iyo dhigihiisa wata oo xafiisyadii dawladda Rayaale yimaadda.

Dhanka kale haddii uu Ahmed Siilaanyo ku guulaysto doorashada waxa imanaya maamul cusub, oo wasiirradiisa leh, madaxdiisa sar sare leh.  Saami qaybsiga xukunka oo qabiil iyo gobol ku salaysan ayaa iman doona. Waxanu arrimaha cul-culus ee hor iman doona kaga bixi karaa isaga oo sameeya maamul waaya aragnimo iyo aqoon isku darsaday. Taasina dhibteeda ayey leedahay, oo waxa meesha ka bixi doona shakhsiyaad badan oo ay jid soo wada mareen jidiin soo wada cuneen. Laakiin aan waxba ka tari karin business-kan cusub ee dadka kale u baahan.

U malayn maayo in Ahmed Siilaanyo oo kale cadaawad u qaadi doono gobollada aanu foodka badan ka helin, waxanu isku dayi doonaa in uu ka kasbado saaxiibtinnimo, si uu xulafo ula noqdo wakhtiga fog. Tartankuna maaha mid maanta uun ku egaanaya, ee waxa iman doona tartammo ka daran oo aan la isku naxariisan. Sidaasi daraaddeed waayo aragnimada maantu waxa ay keeni doontaa is xulafaysi cusub la bilaabo.

Haddii uu Siilaanyo ku guulaysan waayo doorashada waxa dhici doonta in shacab badan oo taageersanaa buuq dhaliyo amma ka muddaharaado, laakiin aakhirka way iska degi doontaa.

Arrinta ugu muhiimsanina waa sida  Madaxweynaha iman doonaa uu dalka iyo dadka ugu shaqeeyo, isaga oo eegaya caddaaladda iyo sharciga. Si uu uga tago taariikh ma hadho ah. Oo barri markuu tago loogu xasuusto.

Hadal iyo gebo gebo, waxa cad in hawshii dabayaaqo marayso, oo la sugayo natiijadii iyo ku  dhawaaqisteedii. Waxanan akhristow mar kale si cad kuu xasuusinayaa, in aad qalbigaaga ka saarto naxliga, saaxiibkaagana aad wanaagga farto. Hawshanina waxa ay u taallaa Rayaale iyo Siilaanyo midkii kursiga Madaxweynenimada yimaadda.  Kuwa xiiqsanina waxa ay noqonayaan qaar ka sheekeeya doorashada iyo cidda heshay, oo aan kursiga shaqo ku lahayn.

Xisbiga UCIDna waxan ugu hambalyeynayaa sidii deggenayd ee uu hawsha uga qaybgalay. Faysal Cali Waraabana waxa uu galay taariikhda…iyada ayaana xusi doonta.

Ahmedweli Goth

Email: shueebi@hotmail.com

Login