July 1, 2010
Jaaliyadda Kuwait: Hambalyo madaxweyne Mr. Ahmed Mohamed & A/Rahman Abdilahi Ismail Saylici
Conguratulations to Mr. President & the vice president.Waa guul usoo hoyatay ummadda reer Somaliland.Waa guul usoo hoyatay dimuqraadiyadda Somaliland.Waa tusaale kale oo muujinaya mudakarnimada iyo biseylka dimiqraadinimo ee dadka Somaliland. Waxa aanu hambalyo u direynaa Mr.Madaxweyne Ahmed Mohamed Silanyo iyo madaxweyne ku xigeenkiisa Mr.Abdiraman Ismail Saylici.
Waxa aanu u hambalyeynaynaa musharaxiinta tartankii madaxwenanimada lagaga guuleystay ee sida sharrafta leh ugu qancay natiijada kasoo baxday codbixintii dadku ka dhiibteen doorashadaa taariikhiga aheyd ee maalintii 26/06/2010 ka qabsoontay JSL.
Waxa mkale oo aan mahadnaq ,hamablyo, iyo bogaadinba u direynaa gudida doorashooyinka oo runtii si wanaagsan u hogaminayey hawsha loo igmaday ilaa iyo kolkii loo dhaariyey in ay qabanayaan hawshan.
Waxa kale oo aan hambalyo u diraynaa dadweynaha sharafta leh ee sida wanaagsan ugasoo qeyb galay codbixintii ee ilaashaday nabadgalyadooda iyo in ay qoraan taariikhda oo ay caalamka tusaan biseylka siyaasadeed iyo mudakarnimdooda siyaasadeed.
Alahayoy hogaan kheyr qaba oo horumar iyo barwaaqo u horseeda ummadda
Alahayow madaxda cusub noqdaan kuwii halka ay manta joogto JSL kor ugasii qaada.
Alahayow u sahal masuuliyadaa mugga weyn ee dusha ka fuushay Mr.Ahmed Mohamed Silanyo iyo ku xigeenkiisa Mr.A/Rahaman Saylici.
AAMIIN!!!
Jaaliyadda Somaliland, Kuwait
