June 26, 2010
Wasiirka Is Casilay Waxba Uma Arko, oo Wuxuu La Mid Yahay “Kaluun Bad Ka Baxay”
Salaan aad u mudan ayaan u tabinayaa guud ahaan shacbiga Somaliland kuwa codaynaya iyo kuwa aan codaynaynba. Intaas hadaan ka gudbo, waxa jirta oo ilaahay bini aadmiga ku abuuray Maskax iyo Caqli qofka haga kuna jiheeya meesha uu haldoor moodo. Marka u horaysa, waxkastaa xili gaara ayay dhadhan leeyihiin, waxa ka dhigan bilihii aynu soo dhaafnay oo ay macna wayn samaynaysay Hebel xisbi ayuu ka baxay xisbi kalena wuu galay taasi xiligii ay qiimaha lahayd wuu dhamaaday Ninka wasiir ahaa ee yidhi maalintii la codaynayay ayaan UDUB ka baxay waxa uu ka dhigan yahay KALUUN BAD KA BAXAY dhawaana waynu arki Wasiir Jana ka bood iyo Rag kale oo leh: ALLA LABIYO TOBAN JEER MIYAY LIIDNIMO NA RAACDAY!!!
Doorashadii hore ee madaxtooyada ayaa waxa jiray nin wasiir ahaa oo Rag Kulmiye ahi ay yidhaahdeen: Waar kulmiyaa helay, hubsiimo hal baa la siistaaye shaw Calankii Kulmiye oo gaadhiga ugu jiray ayuu la soo baxay balse wuxuu noqday nin LAF CAD TOOBIN KU HAYA, HALKII AYAA FAKHRI SIYAASADEED KU DHACAY WASIIRKII. KIIYO LOON GUURAY OO BILAA MOORAL AH AYUU SUUQA LUGAYN JIRAY KAN MAANTANA ANIGA KA SANWAA AHAAN WUXUU IIGA DHIGAN YAHAY KAAS IYO MID KASII LIITA.
TAAGEERAYAASHA XISBIGA UDUB waxaan ku adkaynayaa in aanay cidi naga gacan sarayn maanta falaadhuna circa ayay ku ganantay ee ha la sugo cagtana haloo dhigo natiijada doorashada. Waxaan kaga baxayaa ASAL RAACA XISBIGA UDUB WAY KA DHARAG SANYIHIIN SIDAY WAX U SOCDAAN NINKII GAADHIGAA XAWAARAHA KU SOCDA KA BOODA ISAGAA BAWDADA KA KALA JABI ANAGU BOODI MAYNO KULMIYE IYO UCIDNA KU DOORSANMAYNO UDUB HADII NALAGA HELANA HANIYO AYAANU LEENAY SALAAMU CALAYKUM.
Fiiro Gaara: Shaqsi uma jawaabo, Afxumana umada uma horseedo, taasaynu isku ognay Akhristayaal.
SANWAA CUMAR YARE
GUDOOMIYAHA GUDIDA - SIYAASADA XISBIGA UDUB - QATAR.
E-Mail: Address:muwadin01@hotmail.com
