June 26, 2010

Doorashadii Somaliland Oo Ku Dhamaatay Nabad Iyo Goobaha Codbixinta Oo Albaabadda Loo Xidhay.

doorashadii-somaliland-small Hargeysa (Harowo) - Waxa soo gaba gabawday isla markaana si rasmi ah loo xidhay dhamaan goobihii codbixinta doorashada madaxtooyada Somaliland oo maanta oo bisha juun tahay 26-si rasmi ah uga qabsoontay dhamaan gobolada iyo degmooyinka dalka. Subaxnimadii hore ee saaka ayay dadweynaha ku dhaqan somaliland waxay u dareereen goobaha codbixinta iyagoo laga dareemayay in qof walba go’aankii iyo cida uu danaynayo inay hogaanka dalka qabato uu diyaar u ahaa sidii uu codkiisa ugu hiilin lahaa.

Magaalada Hargeysa xarunta hay’adda shaqaalaha dawlada waxa codkiisa ka dhiibtay isla markaana noqday qofkii ugu horeeyay ee rasmi ahaan halkaa uga codeeya, Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, Marwada Madaxweynaha Huda Barkhad kuwaas oo codkooda ka dhiibtay goobtaas, ka dibna waxa uu madaxweyne Rayaale sheegay in doorashadani guul wayn oo somaliland u soo hoyatay ay tahay, halka Marwo Huda Barkhad intaa ku dartay in xisbiga UDUB ay aad ugu kalsoontahay inuu guulaysto.

Waxa kale oo iyaguna goobtaas ka codeeyay Musharaxiinta Jagada Madaxweynaha ugu tartamaya xisbiyada Mucaaridka ah ee Kulmiye iyo Ucid kuwaas oo mid walba markii uu codkiisa dhiibtay ka dib uu saxaafada uga jawaabay su’aal ay ka waydiiyeen warfidiyeenadu dareenkooda iyo sida ay doorashadan u arkaan, waxa ay dhamaan musharaxiintu ka sinaayeen in nabad lagu codeeyo iyagoo aad mid walba ka dareemaysay sida uu shacbiga ugu boorinayo ilaalinta amaanka iyo dawladnimada.
Labada musharax ee jagadda Madaxtooyada ugu sharaxan xisbiyada mucaaridka ee UCID iyo Kulmiye Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Eng. Faysal Cali Waraabe waxa ay labadooduba muujiyeen sida ay u filanayaan natiijo wanaagsan in xisbiyadoodu ka helaan codbixinta.

Madaxweyne ku xigeenka somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa isna codkiisa ka dhiibtay xarunta hay’adda shaqaalaha dawlada isagoo markii uu codkiisa dhiibtay ka dib saxaafadu waydiisay dareenkiisa, isla markaana uu kaga jawaabay in uu aad u sareeyo, rajaynayo in guul iyo nabad ay ku dhamaato. Musharaxiinta jagooyinka madaxweyne ku xigeenka ee xisbiyada UCID iyo Kulmiye Dr. Maxamed Rashiid Sh. Xassan, Iyo Eng. Saylici ayaa iyaguna codkooda ka dhiibtay magaalada Boorama.

Guud ahaan dalka oo dhan ayay ka wada qabsoontay codbixinta doorashada madaxtooyadu marka laga reebo laba goobood oo ka kala tirsan Buuhoodle iyo Sool oo shaqaaqooyin yar yari ka dhaceen, waxaanay tani muujinaysaa sida maamulka uu hogaamiyo Madaxweynaha Somaliland dalka u gaadhsiiyay meel aad u saraysa.

 

doorashadii-somaliland-1

 

doorashadii-somaliland-2

doorashadii-somaliland-3

doorashadii-somaliland-5

doorashadii-somaliland-6

doorashadii-somaliland-7

doorashadii-somaliland-8

doorashadii-somaliland-9

doorashadii-somaliland-10

doorashadii-somaliland-11

doorashadii-somaliland-13

doorashadii-somaliland-14

doorashadii-somaliland-15

doorashadii-somaliland-17

doorashadii-somaliland-19

doorashadii-somaliland-20

doorashadii-somaliland-21

doorashadii-somaliland-22

Harowo: News-Desk Hargeysa Somaliland

Login