June 24, 2010
UDUB: Hambalyo Horu Dhac Leh
Aniga oo ah Suldaanka beesha Muuse Ismaaciil Bari (Suldan Moxamed Sh. Axmed Cali Adan) waxaan hambalyo hur dhac leh u dirayaa Xisbiga UDUB guusha u kasoo hooyey waxqabadkii intii uu hayey xukunka wadanka Somalilad oo ay ugu weynayd sugidda nabadgelyada xuduudaha Somaliland.
Waxaan filayaa in uu xisbigu ku guulaysto sidii uu u wadi lahaa badbaadinta wadanka Somaliland oo aad uga fiicnaatay jaararkooda Somalia iyo kuwa kale oo ku xeeran.
Waxaan usoo jeedinyaaa dadka ku nool Sanaag oo dhan inay ay cod kooda siiyan xisbiga badbadinta Somaliland (UDUB) oo aan qabyaalad ku dhisnayn sida ay ka muuqato dadka hogaaminaya xisbigan.
Wadan yar ayanu nahay oo aan u baahnayn manta in anyu yagleel galno oo u guurno meel aan nabad lagu hayn. Waxaa la inagu taakulayey in aynu qunyar socodnimo meel ku gaadhno . Isqabqabsi iyo kuri ku dagaalan wali uma aynu bislaan. Dawlada wixii ka xun waa loo sheegi karaa , hase yeeshee kursiga iiga kac meel ina gaadhsiin mayso.
UDUB talo wanaagsan ayay wadaa ee ha la is garab taago ayaan ku talin lahaa aniga oo qof wayeel ah oo danta wandaka tixgelinaya.
Hadii taa ladiido waxaan ka baqayaa in nabadgelyada manta aynu haynu meel fog laga doono.
Wa bilaahi al tawfiiq. Suldaan Moxamed Sh. Axmed Cali Aden (Suldaanka beesha Muuse Imaccil Bari).

Source: Medeshivalley.com

