June 24, 2010
Sadaasha Dabaylaha oo Sheegay Udub Sidaha Qabatay Hogaanka Dalka
Dhamaan waxaan salamayaa mareegaha wararka slnd iyo akhristayaashooda qiimaha leh ee dunida dacaladeeda kala jooga. Hadaan intaa salaanta guud ku dhaafo waxa uu maqaalkani ka saadaaliyey dabaysha xoogan ee jirta malmahan ugu danbeeya ee khamiista iyo jimcaha.
sabtiduna ay tahay maalintii loogu tala galay in ay dhacdo doorashada madaxtooyadu
bal hadaba dabaylahaasi waxay sheegeen waa weather forcast kii u danbeeyaa in xusbiga udub uu mar labaad hogaanka dalka qabtay taas oo ay weliba ku xariiqeen qashinkii udub oo dhan ayay mucaaradka ka buuxisay hada dabayshaas baa sida qashinka e la soco weliba waxay aad uga buuxisay xusbiga kulmiye oon isagu lahayn gabood adag oo lagaga celiyo dabaylahaas dadka xusbiga taageersanaa.
Xusbiga ucid baa noqday mid isagu hanaan adag ku socday maalmihii ugu danbeeyey laakiin ay waxyeelo ka soo gaadhay dabaylahaa maansuunku oo hadii ay ka xijaabtaan noqon lahaa kan u soo baxa hogaanka dalka.
Weliba xusbiga ucid wuxuu qabsaday dhamaan media wararka oo dhan si habsami leh wuxuuna tilmaamay xusbigaasi in isbedelka la rabo uu isagu yahay kan u taagan sababo badan oo uu ka dhawaajey.
Bal hadaba saadashan dabaylahan maanta ay sheegeen xusbiga udub ma yahay mid ku cimra qaadanaya dadka iyagu majara hababshey qaabkii qaranimada ee ku shaqeeyey qaab qabiil oo weliba aad u liita sida salaadiinta ,boqorada,noqday idaacadii radio ma qaloocshe!
Waxa doorashadii inaga xigaa waa maalinta jimcaha oo keliya saadashanina waa mid laga soo akhriyey dabalaha dhacaya ee umada u kala war qaada sida cilmiyan looga faaliyo darajada dabaysha dhacay iyo inta ay gaadhsiin karto kicinta biyaha bada.
Bal hadaba saadaashu waa imisa caalwaa oo udub waxba ku soo kordhin waayey ayaa ku biiray xusbiyada mucaaradka gaar ahaan kulmiye kuma soo koobi karo halkan balse waxaynu dareemi karaa qaar badan oo ismaciil faqsh ka mid yahay miisan intee leg bay yeelan karaan.
Qa bilaahi tawfiiq
Abdula Dharaar
Email: dharaar17@gmail.com

