June 23, 2010

“Kala garo Run iyo been” Xoghayaha Arimaha Debedda ee Xisbiga UDUB

snall1 Waxaan Salaamayaa Guud ahaan Shacabka Reer SL. Waxa la joogaa xiligii doorashada ee codka lagu ridi lahaa, waxa la joogaa xiligii shacabka reer SL ay u baahnaayeen inay si dhab ah uga fekeraan cida ay dooranayaan. Waxaan halkan si kooban ugu soo ban dhigi  doonaa sadexda xisbi iyo Musharaxiintooda/madaxdooda  iyo waxa ay ku kala duwan yihiin.  Waxaan ka jawaabi doonaa suaalahan:

Madaxda Xisbigu ma leeyihiin tariikh wax qabad oo lagu dhiiran karo?  Ma ka run sheegeen oo wax jira ma ku doodayeen mudadii oluhu socday? Si loo rumaysan karo. Balan qaadka manifestadooda ma la rumaysan karaa?

Hadaan ku horeeyo xisbiga Mucaaradka ah ee UCID:

Inkastoo anaan rabin inaan ku dheeraado dhaliisha UCID, waayo waa xisbi xanaaq dhaw oo aan u bislayn dooda iyo in la dhaliilo.Waxaan se ku koobsanayaa UCID waa xisbi hogaankiisa sare  yihiin dad ku cusub siyaasada (junior politicians) oo anay lahay taariikh hogaamineed iyo wax qabad lagu qiimeeyo,marka laga reebo Baarlamaanka oo ay Kulmiye shuraako kula yihiin sharafna aany ka soo hoyn. Waa xisbi aan hogaankiisu lahay miisaan ay Somaliland kaga saari karaan xaaladan Citiraaf la’aanta ee xasiloonidarada badani inagu xeerantahay.

Mudada ololuhu socday madaxda UCID kamay run sheegin waxqabadka dawladda oo waxay meel walba ka lahaayeen dawladu waxba may qaban. Hadana Gudoomiye faysal ayuunbaa marqudha Boorame ka cadeeyay in dawladu wax qabatay, Maanifeestadoodu waa xisbi Dimoqraadi ah hadana mar uun bay yidhaaheen Shareecada ayaanu wax ku xukumaynaa, wada shaqayn dhaw ayay la lahaayeen Kulmiye mudadii ololuhu socday,  hadana maanta Gudoomiye Faysal Kulmiye digada ayuu ka dhigay ( Si uu u qariyo tuhunka laga qabo wada shaqaynta isaga iyo Kulmiye).

Waayo aragnima la’aanta  UCID waxa tusaale u ah Manifestadooda waxa ku qoran in  miisaaniyada dawladda 20% ka mida lagu bixin doono waxbarashada( see page 35), caafimaadkana lagu bixindoono 20% kale( see page 32), Halkaasi waa 40% oo miisaaniyaddi dawladda ay rabaan inay dhisaan ah.
 Waxa is weydiin leh imasa ayay ugu tala galeen Difaaca iyo Nabad gelyada oo ay hadda ku baxdo in ka badan 50% oo miisaaniyadda dalka ahi.

Waxa is weydiin leh waa maxay miisaaniyadda u hadhay 15-ka wasaaradood e hadhay maadaama ay yidhaaheen waxaanu dhisi doonaa 18-wasaaradood. Xataa hadii ay ciidankana siduu maanta yahay u dayaan waa over 50% markaa   (50% +40% = 90% oo miisaaniyadii dawlada ah.).

Tani waa tusaale cad inaany fikradba ka haysan siday ukala mudanyihiin (priorities) hawlaha u yaala dawlad aan citiraaf haysan, cadaw badan leh, ku dhex taala mandaqad dagaalo ka holcayaan.

Shacabka reer Somaliland cidii ka fekeraysay inay UCID doorato waxaan leeyahay UCID may gaadhin xili ay dalka hogaankkiisa hanato, waxay joogtaa xili ay u taba baranayso siyaasada iyo hogaaminta dalka.

Hada bal aan eegno Xisbiga Kulmiye oo madaxdiisu yihii madaxdii SNM iyo wasiiradii dawladihii soo maray SL iyo madaxda maanta ee baarlamaanka JSL qaarkood. Waxa taariikhdu qiraysaa in hogaanka sare ee Kulmiye laga soo bilaabo SNM ilaa Hogaanka Baarlamaanka JSL ee maanta  aanay jirin taariikh wax qabad oo uu ku faani karaan.

Waxaad ogtihiin inta kooxood ee ay SNM u qaybsanayd iyo khalkhalka dhexdeeda ka jiray, waxaad ogtihiin in Hogaanka KULMIYE yihiin ragii ka hor yimi Dawladii C/raxmaan Tuur(AHN) waxaad ogtihiin Madaxweyne Cigaal(AHN) in uu iyaga ka fuudhyeelay oo uu siiyay wasiiradii igu cus-cuslaa, waxaad ogtihiin wixii wadnka ka dhacay, waxaad ogtihiin in Madaxweyne Cigaal (AHN) aanay u suurta geli inuu dhiso dawlad xasiloon ilaa uu ragga KULMIYE hogaamiya dawladiisa ka dhexsaaray, waxaad ogtihiin golaha Baarlamaanka JSL oo ay madaxda Kulmiye qaarkood maamulaan inta goor ee gacanta la isula tegay iyo fashilaada ka taagan.

Xaga doodii ay soo ban dhigeen mudadii ololuhu socday madaxda Kulmiye mar qudha kamay runsheegin wax qabadka dawladda, waxay meel walba la soo taagnaayeen dawladdu waxbaba may qaban, hadana markii ay dawladu waxqabadkeedii qoraal iyo afba ku soo bandhigtay qodob qudha way beenin kari waayeen.

Hadaba tolow hadaynu waxaas oo dhanba iska ilowno balan qaadkoodu uun run mayahay? Waxa cad in manifestada Kulmiye ay iyadu is burinayso meelo badan oo kamidana aanay suurta galba ahayn waxa ku qorani. Hadaad akhrido manifestada Kulmiye (page 7) Hogaamiyaha Kulmiye laftiisu waxa uu ku tilaamamay riyo aanu balan qaadayn gaadhisteeda.

Hadaba waxa is weydiin leh intaas oo goor oo la tijaabiayay Madaxda kulmiye ma waxbay iska hagranayeen? Jawaabtu waa maya e sidaas ayay nolosha u yaqaanaan. Hadaa tolow ma is bedeleen ilayn qofku waabuu is bedeli karaaye? Jawaabtu waa mayee madaxda Kulmiye waa kuwii aynu ogayn oo intay seexdeen uun soo toosay.

Shacabka reer Somaliland cidii ka fekeraysay inay Kulmiye doorato waxaan leeyahay ka fiirso ilayn qardo lama xoogsadee, kafiirso oo si koran u feker.

Hadaan bal eegno xagga UDUB oo ah Xisbul xaakimka waa xisbi la tijaabiyay oo aan u baahnayn in la maleeyo ama la qiyaaso xagay u dhaqaaqidoonaan. Waa xisbi wax aan la  dafirikarin qabtay, waa xisbi aduunyadu ku kalsoontay oo aan wer-wer laga qabin, Waa xisbi intii uu dalka Xukumayay salka dhulka la dhigay, caruurtii ilaa jaamacado ka baxday, wadanka la aaminay oo la maal gashaday, waa xisbi hadii uu soo boxo SL halkii ay joogtay hore uun ay uga sii soconayso.

Waa xisbi aan reer qudhi dominate-garayn oo loo simanyahay, waa xisbi waayo arag ah oo faham dheer u leh waaqaca aynu ku noolnay.

UDUB waa badbaadada Somaliland. Hadaad UDUB doorato waxaad dooratay Hogaamiye daacad ah, hogaamiye degan, hogaamiye waayo arag ah, hogaamiye Jecel midnimada SL. Waxaad u hiilisay qaranimadii SL waxaad u hilisay nabadii iyo xasiloonidii SL waxaad u hiilisay hogaamiye daacad ah oo ay ku taamayaan cadawga SL, waxaad u hiilisay hogaamiyihii cadwga SL markay far kala bixi waayeen ay ku weerareen qasriga madaxtooyada..

Ucodee UDUB oo xaqiiji guusha qaranka SL. Guusha qaranku waa guusha UDUB.

Allaa mahad leh Guushana UDUB ayaa leh Insha Allah.

Maxamed C/llahi Ciise

Xoghayaha Arimaha Debedda Xisbiga UDUB

Email: maxamed67@hotmail.com

Login