June 22, 2010
Saxaafad Xag Jir ah oo u Adeegta Xusbi Seef La Bood ah
Xag jirnimadu waa nooc ka mid ah waalida, inta badana xag jirnimadu daawo ma leh ee waa loo dhintaa. Calaamadaha lagu garto cudurkaasna waxa ka mid ah:- In qofka ama ururka xag jirka noqdaa jeclaado had iyo jeer inuu aarsado oo dhiig badan daadiyo. Qofka cudurkaasi haleelo waxa ka luma dulqaadka iyo xigmada. Xag jirku waa ka had iyo jeer raba inuu xoog ku meel mariyo ajendayaashiisa isagoo heli kara inuu si silmi ah ku meel mariyo. Waana sababtaas sababta Al-shabaab iyo Kulmiye ugu midoobeen taariikhda madow ee mid kasta qoorta u sudhan marka la eego burburintii iyo xasuuqii ay hore ugu geysteen shucuubta reer somaliya iyo reer somaliland iyo waliba jabka iyo dhagarta ay weli la maaganyiin.
Waxa jira dad badan oo reer somaliland ah oo ka digaya khatarta ka iman karta sida websiteyada xisbiga Kulmiye u adeega ay u dhaqmaan ama “cisaabad” magac saxaafadeed sidata laakiin aan lahayn dhaqan saxaafadeed. Cisaabadaas oo u adeegta xisbiga seef la boodka ah ee kulmiye waxay meel ka dhac iyo xadgudub ku sameeyaan xeerarka iyo anshaxa u yaal saxaafada somaaliland gaar ahaan, iyo guud ahaan tan caalamka u degsan. Waxay sameeyeen wax kasta oo ka reeban inuu ku hadlo ama qoro qof damiir iyo iimaan leh. Dad badanina markay arkeen akhlaaq xumada, beenta iyo fidnada ay afuufayaan qoomkaasi waxay ku mataleen inay yihiin makarafoono shaydaanku ku adeegto.
Websiteyada kumliye u adeega waxa intooda badan maamula dad dhallinyaro ah oo qurbo joog ah oo aad loogu yaqaano isticmaalka alkahoolka iyo maan dooriyayaasha taasoo u fududeysa xisbiga kulmiye inuu si sahlan uga fushado danahiisa guracan iyagoo aan u tudheyn dhalinyaradaas, taasoo keenta inay arrimaha siyaasada iyo qabyaalada ugu shaqystaan, been u faafiyaan, qofkii la rabo loo aflagaadeeyo ama lagu been abuurto iyagoo aan la dhaafin Madax qaran, faaniin qaran, sodoaha la ciseeyo, boqorada la karaameeyo, culimada sharafta leh iyo xitaa beelaha somaliland ee loo arko inaanay aaminsanayn kulmiye.
Waxa kaloo jira websiteyo iyo wargeysyo aan badneyn oo Hargeysa laga maamulo oo mulkiilayaashoodu xubno sar sare ka yihiin xisbiga kulmiye, kuwaasoo iyagu jabiyey rekord kasta oo ka yaala been la sheego, fidno la abuuro, eex, qabyaalad iyo wax kasta oo If iyo aakhiroba ku xun ay ku caawin karaan Xisbiga kulmiye ee ay ka tirsanyiin. Mudadii ololaha doorashadu socotay dadka reer somaliland waxay la kulmayeen maalin kasta waxyaabo badan oo ka yaabiya oy soo daabacaan wargeysyadaasi.
In xeerarka iyo shuruucda saxaafada u degsan la jabiyey waxa u daliil ah in wargeysyadaasi iyo websiteyadaasi aanay haba yaraatee soo qaadin maalin kaliya boqolaalka kun ee ka mid ah taageerayaasha xisbiga UDUB ee maalin kasta oo xisbiga UDUB ololaha leeyahay ka soo banaanbaxa gobolada iyo degmooyinka dalka. Marka kaliya ay soo qaadaana waxaay soo daabacaan sawirada madaxda qaranka oo ka khudbeynaysa fagaarayaasha oo aan Hal qofna hor taagneyn. Waa la iska fahmi karaa in saxaafada kulmiye aanay xamili karin oo qalbigoodu siin karin inay shaashadaha kamarooyinkooda ku jeediyaan boqolaal kun oo taageerayaasha UDUB ah ee fagaarayaashu qaadi waayeen oo sidaas darteedna ” waa saxaafada kulimyee” ay door bideen inay ka indho qarsadaan.
Markay awoodi waayeen inay soo tabiyaan mowjadaha iyo ma hiigaanada soo burqanaya ee taageerayaasha UDUB ka mid ah ayaa waxay door bideen inay iyagu iska qoraan wixii been iyo buhtaan shaydaankoodu u soo tabiyo, bal ila eega qeyb yar oo ka mid ah kumanaan bog oo ka mid aha beenaha lagu magacaabo ” beenaha caanbaxay” ee wiigagii u dembeeyey ay soo afuufayeen:-
A) In Madaxweynaha somaliland markii uu booqashada ku tagay Boorama uu yidhi waxaa tartamaya Samaroon iyo Isaaq.
B) In wasiirka maaliyada mudane Cawil uu D.Jabuuti u doonay Hal Milyan oo doollar oo gudoomiyihii hore ex-barakaat ugu deeqay kaambeynka doorashada ee xisbiga UDUB.
C) In Taageerayaashii xusbiga UDUB ay ka dareereen Wasiirka maaliyada iyo xoghayaha guud ee UDUB oo u khudbeynaya.
D) In saraakiil ka tirsan waaxda sirdoonka somaliland shaqadii laga eryey kadib markii ay diideen inay soo basaasaan guriga Axmed Siilaanyo.
E) In gudoomiyihii hore ee ex-barakaat uu leeyahay kala badh saamiga shirkada Telesom ee somaliland.
F) In xisbiga UDUB uu kula taliyey taageerayaashooda inay codka siiyaan xisbiga UCID.
G) In dhamaan masuuliyiintii xisbiga UDUB ee gobolka sanaag ay ka baxeen xisbigaas.
H) In madaxweyne-kuxigeenkii Somaliland uu ka guureeyey magaalada Burco iyadoo kulamadii uu la yeeshay dhalinyarada iyo haweenka uu ku dhamaaday natiijo laáan.
I) In Madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenkiisa ay ka ololeynayaan Gabiley iyo Boorama kadib guuldaradii gobolada bari ay kala soo hoydeen.
J) Siciid Sulub waa dilaalka kowaad ee dowlada xarku galay, waa nin u badheedhay inuu xoolaha ummadda wada iibiyo.
K) In Xukuumadu si hoose u sii deysay nin ka mid ah raggii hubeysnaa ee dhimashada iyo dhaawaca u geystay booliskii Burco.
Hadaba dadka reer somaliland waxaan weydiinayaa, dadka waxaas qoraya ma lagu sifeyn karaa inay ka tirsanyihiin saxaafada xorta ah?
Ma la odhan karaa waa dad miyir qaba?
Ma yihiin dad waxay sheegaan oo dembe la rumeysan karo?
Jawaabtu waa iska cadahay waa maya! waxaan ku tilmaami karnaa oo kaliya qowleysato u taagan sidii ay u bur burin lahaayeen damiirka iyo sharafta muwaadinka qaaliga ah, iyo inay yihiin qaar khatar ku ah ammaanka iyo jiritaanka dalka iyo dadka, iyagoo raadinaya dhaqaale iyo derajo.
Waxa xaqiiq ah in madaxda Kulmiye ee raaliga ka ah dhaqaalaha iyo juhdigana ku bixinaya in waxaas oo been abuur ah loogu kaambeyn gareeyo ay iyaga “Saxaafadooda” ka liitaan oo ay yihiin kuwo ka arradan milgaha madaxnimo.
Sidoo kale waxa run biyo kama dhibcaan ah, in xisbiga UDUB ka soo sifeeyey xisbiyadii mucaaridka gobolada galbeed, hadana ay wax yar ka hadheen ka sifeyntii gobolada bari.
Naaleeye.
Email: naaleeye111@hotmail.com

