June 21, 2010
Kulmiye Waa Dalad ay Xisbbi oo Kala Duwani ay Ku Bahoobeen
Dadweynaha reer Somaliland badankoodu kulmiye muuqaalka guud waxay u arkaan in uu yahay xisbi mucaarid ah oo ka mid ah saddexda xisbi qaran laakiin xaqiiqada dhabta ah sida way ka duwan tahay wayna ka fog tahay. Rumayso ama ha rumaysan kulmiye wuxuu ka kooban yahay 3 xisbi oo magaca guud uun ka dhexeeyo oo mid kastaba ujeedooyinkiisa hoosta ku wato iyo agendayaashiisa u gaarka ah. Xubnaha ambareeladu waxa ka dhaxeeya ama ay heshiis ku yihiin oo kaliya in ay marka hore u guusaan ama iska kaashadaan sida loo ridayo dawaladda manta talada haysa si ay taas ugu guulaystaana waxay aad ugu dedaalaan in ay qariyaan kala fogaanta aragtiyahooda siyaasadeed.
Hase ahaate dadka tirada yar ee u duun daloola waxa ka socda kulmiye dhexdiisa (In side the party) way og yihiin in kulmiye hal xisbi ka faro badan yahay, aragtidan oo kale waxa la qaba dadka ka baxsan Somaliland ee dusha kala socda ama isku taxalojiya in ay fahmaan waxa ay u taagan yihiin seddexda xisbi ee UDUB, KULMIYE iyo UCID.
Xogaha laga helayo garabada kulmiye oo mid kastaba wax u gaar ah u taagan yahay waxay werwer ku abuurtay dadweynaha iyo beesha caalamka gaar ahaan kuwa aad ka u daneeya qadiyada Somaliland. Waxa la og yahay in saddexda xisbi ee dalada ku bahoobay aanay iskaga aragti ahayn dhinacyada siyaasada, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo gooni isu taaga Somaliland.
Sida darteed ma dhisi karaan xukuumada isku hadaf ah oo xadhiga meel u wada jeedaysa haddiiba ay dhacdo in ay doorashada ku guulaystaan waxaana la filan kara qarax ka dhasha khilaafaadkii mudada la huurinayey, waxaana iman kara loolan siyaasadeed oo mid kastaba isku dayo in uu muquuniyo labada kale. Dagaal kooxiba koox isleeday khaaraji waxay horseedi karta nabad galyo xumo iyo in nolasha caadiga ah ee dadweynaha khalkhal la galiyo.
Haddaba, waa kuwee saddexda xisbi ee daladda guud (Umbrella) ku midoobay? Xisbi wuxuu u taagan yahay ama rumaysan yahay in aanay somalidu kala maarmin Karin ha dhawaato ama ha dheeraate, suurta galkeeduna waxay ku xidhan tahay uun wakhtiga iyo hadba sida looga gudbo duruufaha iyo qalalaasaha siyaasadeed ee koonfurta. Qoladani marnaba si toos ah uma muujiyaan aragtidooda dhabta ah isla marka kama taageero la’aan qaar ka mid ah beesha caalamka.
Xisbiga labaad wax hor boodaya siyaasiin aan aqoon iyo khibrad badan toona u la hayn dibloomaasiyada heer caalami ah iyo ta mandiqada toona xata siyaasada arrimaha gudaha kama laha aragti fog (vision) oo la higsan karo, taageeradooda waxay ka raadiyaan beelo ka mid beelaha Somaliland. Hase ahaate iyagu waxay aaminsan yihiin madaxbanaanida Somaliland. Xisbiga saddexaad wuxuu ka kooban yahay ururo diini ah iyo urur siyaasadeedkii qaran oo iskaashaday.
Ujeedooyinkooda wax badan lagama oga ila hada waxa kali ah ee laga og yahay in ay hanaanka dimuqraadiyada iyo nidaamka axsaabta badan ka soo horjeedaan Madaxda qaran markii ay ka socon weyday in ay tartanada doorashooyinka ka qayb qaatan waxay si xeeladi ku dheehan tahay ugu biireen dalada kulmiye si ay halka ugu fushadaan agendayaashooda. Qoladani (Wadaado + Qaran) waa xisbi qunyar socod ah oo aan wax xidhiidh la lahayn ururada diiniga ah ee mawqifkoodu fogaaday laakiin loolan adage ee ay kula jiraan labada kale waxay ku khasbi karta in ay gacan taageero waydiistaan ururada xaq-jirka ah.
Akhristayaashu waxa laga yaaba in ay su’aal isweydiiyaan oo ah ururada daladda ku wada jira miyaanay iska warhayn side ayey isku aamineen, wax way iska og yihiin, waxna way u kala qarsoon yihiin oo waa u sir, hase ahaatee mid kastaba wuxuu isle yahay kuwa kale awrkaaga ku kacso waana lays gaadaya.
Hadaba haddii aad tahay muwaadin kulmiye taageera midkee ayaad codkaaga siinaysa saddexda xisbi ee kulmiye ka kooban yahay codkaaguna waa mid qudha. Muwadin ka feker oo hadana mar labaad ka feker oo ka fiirso halka aad codkaaga siinayso, ka digtoonow in aad bari ka maalin naftaada ku hiifto waxa aad gacantaada ku geysatay.
Waxaad kala dooranaysa Udub iyo mustaqbal rajo leh iyo Kulmiye iyo Ucid iyo mustaqbal hubaal la’aan ah ( In certainty). waxaad kala dooranaysa 63 wasiir oo laga eryey xukuumadihii kala danbeeyey oo dhamaantood lagu eryey xil gudasho la’aan iyo musuqmaasuq iyo xukuumada mudane Daahir Rayaale Kaahin. Waxa la kala dooranaya laba marxaladood oo kala ah 1992 iyo marxalada dalku ku marayo manta.
Cabdiraxman Cadami
jargeysa Somaliland
