June 17, 2010
“Beenta Saxaafadda Somaliland Ma Waxaa Lagu Duudsiyayaa Xaqa Dadka Reer Somaliland?” Dr. Cabdi Ibraahim Xasa
Waxa dadka reer Somaliland ee dibada iyo guduhuba markhaati cad ka yihiin in saxaafada Somaliland in ka badan boqolkiiba 90% ay ka shaqeeyaan kicinta kala kaxeynta Shacbiga Somaliland ee midnimada, walaalnimada iyo wada jirka ku bahoobey. Waxa markhaati cad ah oo ninkasta oo reer Somaaliland ahi ogyahey in Saxaafadu dulmiga Ugu weyn ka gashey dadka reer Somaliland, balse ay moodaan in ay dibta ugu weyn ku hayaan Xukuumada Somaliland. Waxa kale oo marag madoota ah in dadku wada ogyahey U xaglinta axsaabta Mucaaradka taa soo keentey in markasta oo ay damcaan in ay wax ka sheegaan xukuumada kala saariwaayaan danaha Somaaliland iyo ta xukuumada.
Hadaba jaha wareerka iyo qiiq isu qarita saxaafada xilkeedii gabtey oo kuna sifowdey fidinta beebta cad iyo taageerada xaqdarada ah waxa marag ka ah shacbiga reer Somaaliland oo xukumi doona xaq darada iyo fidno abuurka runta ka fog ee dhalanteedka dadka lagu habaabinayo.
Sida taariikhda Somaliland ku cad Saxaafada waxey ku guuldareysatey in ay run sheegto laga soo bilaabo dhismihii qaranka Somaliland sanadihii 1993 ilaa iyo2010 intaasiba dadka Reer Somaliland dibad iyo gudaba ee nabada iyo wada jirka jeceli waa arkayeen waxaaney isu raacsanyihiin in saxaafadu tahey cadowga keliya ee Somaaliland, kuwaasi la tuhunsanyahey in ay shisheeye u adeegaan, horumarka iyo nabadana ka soo hor jeestaan.
Waxa si buuxda dadka reer Somaliland u fahamsanyahey in Saxaafada beenta ku caan baxdey iyo XUSBIYADA mucaaradku walaalo yihiin oo mar kali ah aaney kala hadhin. Waxaan dadka reer Somaliland u iftiiminayaa dibna u xasuusinayaa dhacdooyinkan:
1: Dhacdadii MAXJARKA XOOLAHA EE BERBERA:Mucaaradku maxey yidhaahdeen……..lama dhisi karo maxjar, xoolahana jabuutaanu marin. Saxaafaduna wey ku Raacdey oo ay waliba buunbuunisey garabna saartey Mucaaradka iyadoo ka been sheegtey wixii jirey waxa ka marag ah shacabka reer Somaliland.
2: Dhacdaii riiga maxey saxaafadu qortey…………..maxeyse Mucaaradku ka yidhaahdeen dadkaa ka marag ah.
3: Falkii foosha xumaa ka dhacey inta u dhaxeysa kala beydh iyo dilla maxey Mucaaradku yidhaahdeen ……….maxeyse Saxaafadu ka qortey?
4: Isu deygii xil ka qaadida xukuumada ee golaha guurtida maxey Mucaadadku yidhaahdeen ……. Maxey Saxaafadu ka qortey?5: Shirkii Beeleedkii Garadag maxey Mucaaradku yidhaahdeen ………….Maxeyse Saxaafadu ka qortey?
5: Diiwaan galintii gobolada bari maxey Mucaaradku yidhaahdeen………………Maxeyse Saxaafadu ka qortey?
6: Foolxumooyinkii faraha badnaa ee ka dhaceyey golaha baarlamaanka Somaliland maxey ka yidhaahdeen?
Intaasi dhacdo ee aan kor ku soo xusey iyo in kale oo ka badan oo dadka reer Somaliland xasuusanyihiin waa astaamaha ay Mucaaradka iyo Saxaafada Beenta ku sifowdey Ay ku mideysnaayeen,hadaba waxa is weydiin leh dadka reer Somaliland miyey iloobeen wixii dhacey ee hore,mese xoriyadoonka ayaan dhab aheyn.
Hadaba, qof kasta oo reer Somaliland ah waxa la guboon in uu xisaabtamo oo si fiican uga fikiro mustaqbalkiisa, ka ubadkiisa iyo dalkiisa. Waxaana hubaal ah in manta ay Somaliland wada dhantahey bari iyo galbeedba oo waliba ay nabadgalyo wada tahey, sidaa darted dadka la dooranayaa in yihiin qaar hakaasi ka sii wadi kara, balse aaney noqon in dub loo noqdo oo la garanwaayo lagana murugoodo mustaqbalka.
Dadka reer Somaliland waxaan weydiinayaa in dhacdooyinka kor xusani yihiin wax ka sheega Xukuumada Riyaale iyo in ay ka soo hor jeedaan jiritaanka dalka Somaliland?!!!!!!!!1
WA BILLAHI TAWFIIQ;
Dr, Abdi Ibrahim Hassan
Melbourne, Australia
Email: aahas3@hotmail.com

