June 14, 2010
“Xisbiga UCID oo Shacabka U Shegay Beentii Ugu Weyneyd ee Sanadkan” Xog. Arimaha Debedda UDUB
Waxaynu ognayahay in xisbiga UCID uu maalmahan dambe ku ololaynayay waxaan wax ku xukumi doonaa diinta islaamka ama shareecada Islaamka. Waxa is weydiin leh:
• Xisbiga UCID ma xisbi uu mabda’iisu yahay islaami iyo oogida shareecada islaamka ayaa?
• Xisbiga UCID ma xisbi ay maamulaan Culimo shareecada islaamka aqoon u leh oo islaami ah baa?
• Xisbiga UCID xataa hadaanu ahayn xisbi hogaankiisu yahay Culimo diinta aqoon u leh waa maxay doorka uu u ogol yahay Culimada?
Hadaan su’aalahan ugu kala horeeyo siday u kala horeeyaan. Xisbiga UCID waxa lagu aasaasay wadanka Finland waa xisbi siyaasadiisa iyo mabaadi’diisa ka soo dheegtay xisbiyada Social democratic-ga ee wadamada Scandinavian-ka. Waa kan xisbiga ucid oo qexaya aragtidooda iyo mabda’ooda siyaasadeed.
Vision
Justice and Welfare party (UCID) is a centre left party which has many similarities with Scandinavian social democratic parties and other western European countries. It has a broad and comprehensive political programs aimed to transform Somaliland society from impoverished, war-torn, and underdeveloped country to a modern social democratic state.” Markale xisbiga UCID oo sheegaya arimaha iyo siyaasada ay doonayaan inay ku dhaqmaan wuxuu yidhi waa kan:
UCID policy objective are:
• to make Somaliland a modern democratic welfare state which brings national policies closer to the people,
• to strengthen the human rights of every citizen and,
• to make the government more responsive, transparent and accountable,”
Runtii tiro malaha inta meelood ee aad ku arki karayso in Xisbiga UCID uu yahay xisbi mabda’iisu yihay xisbi Sooshaliis ah ama ku dhaqma mabda’a Social democratic. Markale Xisbiga UCID oo sheegaya sida uu yaqaan maamul wanaaga ee uu wadanka ku dhiqi doono waxa uu yidhi:
“Xisbiga UCID waxaa uu hirgalin doonaa maamul-wanaag iyo is-xukun casriya, dimoqraadiya isla markaana ka sallaysan qiyamkeena iyo horumarka dalku Hiigsanayo.”
Hadaba, arimahan iyo kuwo la mida oo ku dhamaystiran dhamaan documents-ka xisbiga UCID ayaa ka jawaabaya su’aasheenii labaad ee ahayd, Xisbiga UCID ma xisbi ay maamulaan Culimo shareecada islaamka aqoon u leh oo islaami ah baa?
Waxa kaloo la ogyahay Xisbiga UCID isagoo kaashanaya Xisbiga garabka Bidixda ee wadanka Finland in uu arji u qortay in uu Xubin ka noqdo Socialist International oo ah daladda axasaabta Sooshaliiska ah ee caalamka, taas oo shuruudihii lagu xidhay aanu weli wada buuxin.
Hadaynu ta mabda’a intaa kaga baxno, bal aan eegno xisbiga UCID doorka uu u ogolyahay Culimada. Ma waxa uu UCID siinayaa Culimada awood ka badan ta Axasaabta kale siinayaan Culimada? Waakan Xisbiga UCID oo cadaynaya doorka ay u ogolyihiin Culimada.
1.3.1 Guddida Culimada (Islamic Council)
Waxa aannu sameyn doonaa Guddida Culimada anagoo ka duulayna Distoorka Qaranka qoddobadiisa 115aad ilaa 121aad, guddidani waxay gudan doontaa waajibaadka dastuurku qeexey, isla markaana waxay iswaafajin doontaa xeerarka dalka iyo Shareecada Islaamka.”
Sida halkaa ku cad UCID culimada waxa ay u ogolyihiii oo qudha xaqa uu siiyay distoorka dalku, kaas oo ah xuquuq ay hadaba haysataan culimada SL ama ku waajib in xisbi waliba ugu yaraan xuquuq aan intaa kayarayn inuu siiyo culimada.
Hadaba, waa maxay baaqan marqudha uun ka soo yeedhay Gudoomiyahay Xisbiga UCID ee aan meel qudha oo ka mida mabaadi’dooda lagu sheegin.
Ma waxay ku kooban tahay oo keliya inuu ku sasabanayo codka dadweynaha si uu u soo boxo? Haday sidaa tahay maxaa uga diyaara hadii la doorto miyaan laga rabin in uu shareecada wax ku xukumo?
Maya, runtii way cadahay inaanu Faysal aaminsanayn inuu doorashada ku guulaysanayo haba yaraatee, laakiin waxaad moodaa inuu qandaraas ku qaatay inuu codka UDUB kala jebiyo si uu u soo saaro KULMIYE. Waxa kaloo cad inaan soobixidda Kulmiye, Ucid wax uga cabaa jirin khasaare mooyee.
Waxaad moodaa in Gudoomiye Faysal uu go’aan ku gaadhay inuu hogaanka Xisbigana ka tago xisbiga UCID-na aanu isaga ka dambayn. Laakiin waxa is weydiin leh:
Xisbiga UCID miyay isku wada raacsan yihiin siyaasadan lugooyada ku ah xisbigooda ee loogu danaynayo Kulmiye?
Miyay isku raacsan yihiin inuu faysal si sadxi ah u weeraro dawladaha jaarka? Miyay isku raacsan yihiin in la bilaabo in Diinta islaamka laga dhito wax lagu ololeyo iyadoo aan laga runsheeegayn?
Waxaan kula dardaarmayaa shacabka reer SL ee uu Faysal ku tala galay inuu gacanta u geliyo Xisbiga KULMIYE ee ay codkooda u diideen inay ka feejignaadaan tabaha Faysal oo ay ugu horayso sida uu ugu been abuuranayo diinta islaamka.
Haday runtii tahay Faysal sidee ayuu isu waafajinayaa shareecada islaamka iyo inuu yahay Xisbi Sooshaliis ah oo arji ugu xaraysan yahay Socialist Internation. Waxaan odhan karaa tani waa beentii ugu waynayd ee shacabka loo sheego intii ololaha doorashadu socday.
U codee UDUB oo u codee nabadda,midnimada, horumarka iyo xasiloonida Somaliland. Allaa mahadleh Guushana UDUB baa leh insha Allah
Maxamed C/lahi Ciise
Xoghayaha Arimaha debedda ee Xisbiga UDUB.
Email: maxamed67@hotmail.com
