June 14, 2010
Qaranimada Somaliland
1. Hordhac: Waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan bahwaynta reer Somaliland debed iyo gudaba, waxaan salaantaas oo kale hawada usoo marinayaa dhamaan hogaamiyayaasha iyo taageerayasha saddexda Xisbi qaean. Waxaan ku hambalyanayaa sida quruxda badan ee layaabka leh ee u usocodo olalah doorashooyinka madaxwaynaha, taas oo qaadanwaa iyo layaab ku keentay oo aanay filayn inay sidaas heerka sare ah ay u dhici karto oo aad iyo aad ugu yar qaradan (afrika) ayunu ku noolnahay.
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa ciidanka boliska ee gobolka Togdheer sidii geesinimda lahad ee ay shalato uga hortageen kooxdii argagixsada ahayd ee damacsanayd inay falal argagixiso ka fuliyaay, sakaalkii halkaas kaga geeriyoodayn waxaan ilaahay uga baryayaa inuu u naxariisto eheladii uu ka tegayna waxaan leeyahay samir iyo imaan.
Waxaa kale oo iyana xusid mudan inaka oo 26 ka June u dareeri doona doorashadii, taas oo dhamaan sacabka Somaliland ugu dhabar adaygay dhibaatooyin badan iyo dhul garir siyaasadeed oo soo maray 6 dii sanadood ee ugu danbeeyey, oo uu diiday shacabku inay ka lunto masiirkiisii ahaa inay doorasho xalaal ahi ka dhacdo dalk.
Hawlahaas oo dhan oo aynu kaga badbaadnay midnimadeen iyo goaankeeni ahaa ( DADKU WAA WADA SOMALILAND OO NINA NIN CAARO MA DHEERA). Hadaba waxaan halkan ku xusi doona dhul garirkii siyaasadeed. ee ina soo maray.
1. Ruxidii golaha gurtida. (way jiraysaa iyo jirimayso)
2. Kala diristii Komishanka qaranka.(koowaad)
3. Doorashadii gudoonka Barlamaanka.
4. Soo xulistii Komishanka qaranka (labaad)
5. Ku dhawaaqistii ururka Qaran.
6. Dib u dhacii doorashooyinka
7. Erigii wakiilka inter peace.
Iyada oo carqaldo iyo caqabado badan ina soo mareen, waxaan ka soo qaatay 7daa qodob.
2. Nuxurkii Qormada.
Waxaynu wada ogsoonahay inaanu nina keligii dal dhan maamuli karin ee uu u baahanyahay koox (wasiiro) wad shaqayn fiican leh (team work). Hadaba waxaan halkan kugu tusaalaynayaa labada xisbi (UDUB, KULMIYE) midwalbaaba Dawlada uu soo bandhigi doono iyo Wasiirad ugu tunka wayn.
taas oo aad is waydiisid ma wada shaqayn karaa mise ma wada shaqayn karaan?
Xisbiga UDUB.
1. Daahir Riyaal
2. Ahmed yaasim
3.Cirro (wasiirka gudaha ee hada)
4. Cawil
5. Warancade
6.Abdillah M. Ducaale
7.Sanyare
8.Xasan Gadhwayne
9.Ahmed H. Daahir
10.Ali Sandule
Wada shaqayn fiican baa ka dhaxaysay intii ay xilka hayeen. adigu qaylo kamay soo yeedhin.
Xisbiga KULMIYE.
1. Ahmed Silaanyo
2. Saylici
3. Muse bixii
4. Abdirahmaan abdilqaadir
5. Mohamed Xaashi
6. Gaboose
7. Mohamed kaahin
8. Fu’aad adan cade
9. Abiib (timacde)
10. Ina Iskeerso
Marxuun Abdi IIdaan waxuu yidhi (ANIGU DAAHA KAMA ROOGIN DADKU SE WAA YAQAANA). Hadaba waxaa iswadiin mudan ma wada shaqayn karaan? Alaa ina dili doone waa maya maya maya. Hogaanka Golaha Barlamaanka iyo tirada badanba waxaa leh labda xisbi ee mucaaradka ah (UCID iyo KULMIYE). Waxay cadeeyeen labada gudoomiye ee labdaas xisbi inuu barlamaanku fashilmay oo aanu shaqadiisi ka soo bixin.
3.Sulaaha is waydiin mudan
1. Xisbiga Kulmiye ee aynu soo sheegnay kuwa uu la damac sanyahay Wasiiradisa ugu tunka wayn inaanay wada shaqayn karin. Sidee buu ku dhisi karaa dawlad dalkan hanankarta?
2. Labada xisbi ee mucaaaradka ah ee ku guldaraystay hogaankii barlamaanka oo ah 82 xubnood oo qol keliyah ku jira.
Sidee bay Dalka Somaliland oo dhan ku hogaaminkaran?
3. Xisbiga Kulmiye ee markasta oo khilaaf siyaasi yimaado yidhaahda Dawladi ma jirto,malinta xigtana leh waanu wada shaqaynaynaa. Sidee bay dawladaha iyo Adunyadu u aaminaysaa?
4. Xisbiga Kulmiye ee ku dhawaaqay inuu xisbiyad badan furi doono, iyada oo aynu ogsoonahay inuu distoorka dalku xakameeyay xisbiyada badan ee durba isaga oo aan kursiga ku fadhiisan ku dhawaaqay inuu distoorka bal marayo. Sidee baynu hogaanka dalka ugu dhibi karnaa?
5. Xisbiga kulmiye ee bliaabay inuu u hanjabo ganacsatada qarakood inuu liisamada ka qaadi doono,shaqaalah dalkan kala dareerin doono isaga oo aan kursigaba
ku fadhiisn. Sidee baynu hogaanka dalka iyo awooda dalka ugu dhiibi karnaa?
6. Gobolka aynuu ku noolnahay khataro badan ku xeeran, waana gobolka aduunka ugu khatarsan,
Hadaba yaad ku aamini kartaa amnigaaga ma xisbi aanad waxaba karag mise mid aad hubtid iyada oo amnigu aanu ahyn wax lagu khamaari karo?
4. Gunanadkii
Waxa maanta guulah in qofkastab codkiisi gacanta ku haysto, hadaba wax qormadan kugu soo bandhigay inay kuu sahasho goaan qadashada markaad codaynaso.
Hadaba waxaan anigu kugula talinlahaa inaad aad iyo aad uga fiirsatid goaanka aad ku codaynaso, oo aanu noqonin mid aad berito iisku qoomamaysid.
hadaba waxaan ku odhan lahaa si aanad u qoomamayn codkaaga UDUB U CODEE, UDUB KALSOONIDAADA SII, UDUB U DHIIB HOGAANKA DALKA ILAYN WAA HAYIINE.
La soco qormada labad ee Qarannimo, Sidaas iyo codayn fiican.
Faisal M. Said (Faisal Bombo) - Leicester Uk
Email: said.faisal@google.com

