June 14, 2010

Isbedel Doonkii Udub oo u Tashaday in ay Baabiyaan Xisbiga Kulmiye

Anigoo magaacaygu yahay Ismaaciil Xuseen Barkhadle, oo ka soo jeeda beelaha gabiley dega, sideed sanadoodna hiil iyo hoolba si dadban iyo si toos ah ula shaqeenayaay xisbiga Kulmiye,  ayaa wax amakaag iyo fajac igu noqatay markaan arkay dadkii aan dalkan ka badbaadinayneyn oo ku soo biiray oo lagu soo dhaweenayoo, loona mushaxareenayo xisbiga Kulmiye oo ay ka mid yihiin Wasiirkii hore ee arimaha Gudaha Ismaaciil Yare, Maxamed Aar oo caayi jiray xisbiga, Cali Gaboonimo, Cabdilahi Darwal Wasiirkii hore ee Debidejinta, Abiib Timacad, Abdirisaaq Ciyaale, Yusuf kirix, Xildhibaan Dhaadheere, Xildhibaan Duur, Xildhibaan Sandoor iyo dadkaas oo aan la so kobi karayn oo ahaan jiray Udub. Qaarkood ay laba jeer ay Kulmiye ku idhaahdeen igama qudhunto.

Udubtii aanu u arkanay in ay liitay kuwii ay u arkeen in ay saaqidiin ka noqdeen ayaa sacabka loo tumayaa oo anaga imika Kulmiye na hogaamiyaa hantidii umadana hore u soo boobay.

Kuwas waa kuwa leh isbedel doon baanu nahay, oo Kulmiye ayaanu wax ku kordhineynaa; miyayna ahayn raag u hamuumaya hantiidii ay boobeen in loo cusbooneysiiyo, oo ayar Xisbi aanay ku soo dhididiin ay ayar Xil ay ku boodaan ay u haminayaan.

Hadaba, wax is weydiin leh Kuwaas ma hantii boob bay u socdaan; mayna ahayn rag qawl leh, oo maxay meel ugu adkeysan waayeen in ay meel wax ka badaalan.

Hadaba, Guudomiyaha Xisbiga Kulmiye in badan baa lala taliyay, raag aqoon leh oo faro badan leh oo u dhashay Somaliland oo ay ka mid yihiin Professor Axmed Xuseen Ciise, Economist Mohamed Xaaji  Mohamuud Omar Xaashi, Korneel Ibraahiim Dhago Weynee, Korneel Ciise Curaagte, Alla ha u naxariistee Marxuun Mohamed Saalaax Nuur (Fagaadhe), Kornel Abdiraaxmaan Aw Cali.

Ragaas oo dalkan qiimaha iyo qadariinta ay ka mudan yihiin nin walbaa ogyahay ayaa waxba ka sixi waayey xisbigan markaas maanta ma kooxdaas aynu soo sheegnay ayaa isbedelka dalku u baahan yahay ka saari karta, oo aynu shalay naqaanay.

Hadaba, wax iyana mudan in la is weydiiyo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Siilanyo hadii intii aynu soo sheegnay ee magacyada kor ku xusan uu talo ka qaadan waayay yuu talada ka qataa ee Xisbigan xadhiga u haystaa ileen dadka soo galay ayaynuu arkeynaaye?

Runtii iyo gebo gabadii wax aan halkan idinku cadeyneynaa in hadii aad tihiin muwaadiinta Somaliland u dhashay ee caashuurta yare e qoraxad wadhtada la idinka qaado in aad ilaashataan wixii aad DAN modaan ee nabad galyadiina ilaalinaya.

Kuwii 8 sano hore isbdel hore soo samayn waayey bal wax aad daawataan cajaldihii dorashadii hore ee UDUb raggaasii wixii ay ku qudbadnayeey ee ay Kulmiye ka sheegi jireen, Caqligina taas la kashadaa. Maanta hadaba wax noo cataaya in Xisbigu Kulmiye uu yahay UDUB dhalatay oo ay khiyaamo weyn dhacday.

Ismaaciil Yare, waa kii ku hanjabaayay wax an ahaan jiray ciyaalo Xashiishkii Hargeysa, Hadaba  ma Ciyaal Xaashiish xisbi iska soo eryay ayaa ragii sharafta mudnaa ee Kulmiye assasay kaga dheeraynayaa oo rabba in ay xisbiga baabiyaan si ay UDUB mar kale u soo baxdoo, waana arin laga soo shaqeeyay oo lagu baabinaayo Kulmiye.

By Eng.Ismaaciil Xuseen Barkhadle

Ismaaciil.Barkhadle@hotmail.co.uk

Login