June 13, 2010
Kulmiye oo La Doortaa Waxay La Mid Tahay Dagaal Sokeeye oo La Doortay.
Waxa soo dhawaatay maalintii loo ballamay ee 26 ka Juun. Waxa soo dhawaatay maalintii ummaddu masiirkooda meel dhigi lahayd. Waxa soo kordhaya wel welka laga qabo in masiirka dalkani ku dhaco gacmo aan masuuliyad qaadi karin, gacmo dhiig leh oo hore u soo galaaftay kumanaan reer Somaliland ah oo aan waxba galabsan, gacmo weli u ooman inay dhigaan fidno tii hore ka daran oo aan la xallin karin, sidaas darteedna, in dadku dareenkooda muujiyo xaq bay u leeyihiin.
Sida muuqata waxa dad badani sheegaan in Siilaanyo iyo kooxdiisu ay lumiyeen dareenkii iyo xusuustii, sababtoo ah ayey dadkaasi leeyihiin kooxdaasi waxay ka hadashaa oo kaliya wixii ka horeeyey 1990, kama hadlaan maskaxdooduna ma xusuusan karto waxa maanta jooga iyo waxa barri iman doona.
Haddii kooxdaasi doorashada ku guuleysato taasi waxay noqon doontaa guul darradii ugu weyneyd ee soo wajahda reer Somaliland, guuladaradaas oo ah mid aad gacmahiina ku sameysteen. Waxa jira oo durba la ogaaday goáano aan qarsoodi ahayn oy kooxdaasi rabaan inay fuliyaan bilaha u horeeya haddii ay doorashada ku guuleystaan. Go´aanadaas oo khatartooda leh waxa la sheegay in lagu fulin doono waxa ay ugu yeedheen “Maxkamadeynta UDUB iyo intii raacday” waxaana ka mid ah dad badan ama gruppo badan oo u udub dhexaad u aha Somaliland sida:-
: Madaxweynaaha Jamhuuriyada Somaliland.
: Wasiirada Somaliland.
: Masuuliyiinta UDUB meel kasta oy joogaan.
: Madaxda Hayádaha aminiga sida “Millatariga iyo Booliska”
: Madaxda shaqaalaha dowlada, sida madaxda bangiyada, dekadaha, garoomada, xafiisyada dowlada iyo qof kastoo loo arko inuu meel muhiim ah joogo.
: Badhasaabada gobolada.
: Maxkamadaha iyo xeer ilaaliyaasha dalka oo aanay aaminsanayn una haystaan inay UDUB leedahay.
: Qeybo balaadhan oo ka mid ah ganacsatada dalka oo la maxkamadeeyo iyo qeybo howlahooda ganacsi la fadhiisiyo, ganacsatadaas oo ah kuwa aan u adeegin kulmiye.
: Qeyb ballaadhan oo ka mid saxaafada Somaliland ee xorta ah, saxaafada aan beenta sheegin, saxaafada aan naxliga abuurin, saxaafada aan fidnadooda faafin, saxaafada aan iimaanka beelin, saxaafada aan odhan waxaa soo banaan baxay tobanaan taageerayaasha UDUB ah, barrina qorin waxa soo banaan baxay boqolaal kun oo taageerayaasha kulmiye, saxaafada aan qabiilka ku shaqeyn, saxaafada aan xag jirka noqon.
: Qeybo balaadhan oo ka mid madax dhaqameedyada Somaliland, kuwaas oo ah kuwa nabada ka shaqeeya, kuwa ka hor yimid marar badan oo kooxdani isku deyday inay mudaharaadyo iyo kacdoono ka abuuraan dalka.
Waxa la sheegaa in Guudoomiya kooxdan Axmed Siilaanyo ay hareereeyeen oo taladii ka qaadeen kooxo xag jiro ah oo askar u badan oo aan lahayn aqoon maamul, dhaqaale, bulsho iyo siyaasadeed midna, waxayna waxa ay ugu yeedheen maxkamadeynta dhinac wadaan burburinta wixii horumar dalku soo sameeyey 19 kii sanadood oo la soo dhaafay, waxaaana ka mid:-
: In la tirtiro wixii dowladu heshiis dhaqaale iyo siyaasadeed la gashay dowladaha caalamka, shirkadaha caalamka iyo ganacsatayaasha caalamka, laguna badalo qaar ay iyagu raali ka yihiin.
: In la tirtiro dhamaan goboladii iyo degmooyinkii cusbaa ee dowladu dhawaan magacowday, sababta oo ah kooxdaasi Somaliland waxay u aqoonsanyihiin 4 gobol oo kaliya.
: In la tirtiro dastuurkii ummaddu ugu codeysay 97% Haa, iyadoo aan afti la marin si ay ugu madaxbanaanaadaan qorshayaashooda maafiyanimada ku dhisan.
: In wax laga bedalo siyaasada arrimaha gudaha ee dowladu dejisay ee ku dhisan isa-saamaxa, isu dulqaadashada iyo midnimada, laguna bedalo yaa maali jireyeeey, yaa Isaaqeeey iyo yaa SNM aheeeeey.
Arrintaasina ma aha mid qarsoodi ah oo waa kii Maxamed Xaashi oo ka mid ah madaxda kooxdaas oo meel fagaare ah kula hadlayey taageerayaashooda wiigii hore ku dhawaaqey inay khalad ahayd in la saamaxo waa siduu hadalka u dhigaye qabaailkii ka soo hor jeeday SNM.
: In wax laga bedalo siyaasada arrimaha debeda, siiba siyaasada ku wajahan wadamada deriska ah oo kooxdu u aragto in wadamadaasi aad ula dhacsanyihiin iskaashiga iyo wax wada qabsiga kala dhexeeya dowlada Somaliland.
Somaliland waxay gaadhay horumar, waxay hanatay xuduudaheedii oo aan muddo 40 sanadood ah kaamil noqon. Waxay gaadhay demoqraadiyad aanay gaadhin dowlado la ictiraafsanaa 50 sanadood iyo ka badan. Waxa aaminay oy heshiisyo dhaqaale, siyaaso iyo wax wada qabsi la gashay qaar ka mid dowladaha ugu waaweyn caalamka. Waxay tirtirtay kala shaki iyo kala erdhow hore u soo dhex maray beelaha Somaliland iyadoo abuurtay beertii maxabada, isku kalsoonaanta iyo isu tanaasulka. Waana sababtaas sabta aanay ugu baahneyn Somaliland wax hore u wada mooyee wax dib u celiya.
Waxaa jira aqoonyahano badan oo khatarta kooxdan xag jirka ah ku qiyaasay kansar “cancer” hadduu helo meel uu ku faafo ilbidhiqsi ku dili kara kumanaan qof, iyagoo sheegay in qaabka uu xisbigaasi u ololeynayo iyo qaabka ay wax u qoraan saxaafadooda aan xilkaska ahayn ee qabiilku dilooday ay tahay mid ku dhisan Isir naceyb isla markaasna dhiiri gelinaysa aargudasho taasoo keeni karta ayey yidhaahdeen dagaalo sokeeye iyo kala yaac Somaliland ku yimaada.
Nin maqaal hore qoray wuxuu yidhi ” anigaa aabahaa dilay, anigaa adeerkaa dilay codkaagana waan rabaa”. Hadaba su´aashu waxay tahay maxaa dhacaya hadaad codkaaga siiso ninkii aabahaa iyo adeerkaaba dilay oo weliba helay awood dowladeed? Waa inuu awowgaa iyo walaalkaana ku daraa.
Somaliland waxay gaadhay horumar, waxay hanatay xuduudaheedii aan muddo 40 sanadood ah kaamil noqon. Waxay gaadhay demoqraadiyad aanay gaadhin dowlado la ictiraafsanaa 50 sanadood iyo ka badan. Waxa aaminay oy heshiisyo dhaqaale, siyaaso iyo wax wada qabsi la gashay qaar ka mid dowladaha ugu waaweyn caalamka. Waxay tirtirtay kala shaki iyo kala erdhow hore u soo dhex maray beelaha somaliland iyadoo abuurtay beertii maxabada, isku kalsoonaanta iyo isu tanaasulka. Waana sababtaas sababta aanay ugu baahneyn maanta Somaliland wax uruuriya mooyee wax kala sheeg sheega.
Ugu dembeyntii waxaan leeyahay reer Somaliland, haddii aad codkiina galisaan gacan aan aamin ahayn, haddii aad codkiina siisaan seef la boodyo aan dulqaad lahayn dowladnimona hanan karin, haddii aad codkiina siisaan kuwii abaabulay kana qeyb qaatay dagaaladii sokeeye ee lagu hoobtay, waxaad u diyaar garowdaan bur bur, bara kac iyo madaafiic dushiina ku soo hoobata. Ninka waxa soo socda aan garan waxa joogana ma garto.
By Naaleeye Nuur
Email: naaleeye111@hotmail.com

