June 13, 2010

Isbadal Doonka Xisbiga Kulmiye Wuxu Ku Salaysanyahay In Beelaha Qaar Laga Boobo Waxay Haystaan oo La Siiyo Beelaha Kale Ee ay Balanta U Qaadeen.

Inkasta oo ay madaxda xisbiyada Somaliland ka simanyihiin beer laxawsiga beelaha lagu xod xodanayo  iyo kala jiidashada shacbiga guud ahaantiiba hadana waxa dhegaha dadka ku badan baryahan dambe Kulmiye oo beel heblaayo xaflad u qabtay iyo waliba masuuliyiinta kulmiye oo markasta kaga dhawaajiya in ay rabaan isbadal isla markaana xafladaha sida furan ay ugu soo dhawayeen beelaha ay rabaan in ay food ka helaan ku sheega in ay badali doonaan sadqaybsiga beelaha gobolada wada degaayi ay isku helaan iyaga oo waliba qaada balamo aad u badan oo ay ku hafinayaan beelaha sad biirsiga u ooman.

Tusaale hadaan u soo qaadano shacbiga goblka Awdal waa layaqaan cidna loo sheegi maayo sadka ay ku leeyahay dawlada dhexe ee soomaliland. Dhinaca kalana waxan ognahahay in maamulka gobolka kajira iyo hay adaha dawliga ahba ay beel walba dad kaga jiraan.

Sidaas oo kale ayuunbayna gobolada dalka Somaliland uga simanyihiin marka gobol wax lagu qaybsanayo, xisbiga Kulmiyana kuma talinayaan haatan in ay badali doonaan nidaamka caamka ka ah dalka ee wax lagu qabsaday laakiin waxay wadaan isku celcelin iyo beeshan ka qaad oo beeshan kale u dhiibin ay ku sameeyaan bulshada.

Waxase is waydiin mudan madaaba aanu Xisbiga Kulmiye lahayn waxan badalaynaa nidaamka wax loo qaybsado oo ay kaliya rabaan beelaha wax maanta haysta in ay ka qadaan oo ay siiyaan kuwa ay maanta foodka ka rabaan oo ah runtii beelo aad u kala duduwan ayna horyaacayaan shaqsiyaad mansab doon ihi bal siday wax u gaadhsiinayaan kuwa ay rabaan in ay wax u qaybiyaan hadiiba ay dhacdo in ay ku guulaystaan Kulmiye in ay ka boobaan beelihii horay wax u haystay?

Tanise ma noqon kartaa cadaalad saxa mise waa cadaalada kulmiye oo ku salaysan kana ka qaad kana sii. Qaar ka mida masuuliyiinta sar sare ee Kulmiye oo ay ugu horeeyaan Siilaanyo iyo Saylici ayaa nidaamka nuucana aad ugu fara dhuudhuuban oo siilaanyana waxa uu rabaa in uu beelaha bariga kuwa uu isaga uuni rabo xilka wadanka iyo ka goboladoodaba la wadaago.

Sida uu dhanka kalana Saylici dhawrjeer kaga dhawaajiyay in uu maamulka gobolka Awdal wax ka badali doono isaga oo waliba hadalao hore oo ku lidiya beelaha qaar ka jeediyay fadhiyo uu markaa isagu u haystay in ay ku koobnaayeen dadka isaga la fikirka ah.

Hadaba, waxay u muuqataa in isbadal doonka Kulmiye ku salaysanyahay beelo ka qaad oo beelo sii taasina waxay ku tusaysaa daacad la,aanta iyo cadha abuurka Xisbiga Kulmiye.

Gaba gabadii beelaha quutaraynaya dawlada uu Kulmiye soo dhisi doono hadiiba ay ku guulaystaan doorashada madaxwaynaha waa in ay ogaadaan weelka meesha uu kulmiye soo hordhigay waxa kujira iyo tirada ay ku soo dul fadhiisteeni in ay kala badan yihiin.

Isla markaana halka cantoobo ee ku jiraayi aanay noqon Karin laba cantoobo dadkuna waa wada beelo beelina beel looma boobi karo oo waa xaqdaro masuuliyiinta kulmiyana waa been waxa ay ku balan qaadayaani maadaaba aanay Karin in ay dhamaan beelaha ay balanta u qaadayaan wax wada gaadsiiyaan.

Waxa kale oo iyaguna halkan soo fadhiya oo aan marnaba yeelayn in laga fara maroojiyo waxay haystaan haatan beelaha kale ee reer Soomaliland ee uu kulmiye rabo in uu ka fara maroojiyo maamulka inta gacantooda ku jirta waana mida dhalin doonta in uu Kulmiye ku guul daraysto in uu doorashadan ku soo baxo, waxana laga yaabaa in ay u dhaami lahayd reer Kulmiye iyaga oo wax kale kaanbayn ku gala inta ay leeyihiin beelaan awooda dalka ka fara maroojinaynaa oo kuwa anaga na taabacsan ayaan ku wareejinaynaa.

Warjiraaba cakaaruu iman waana inoo 26 Jun hadii Eebe awooda lihi inoo idmo

Cabdale Farax Sigad

Email: sigad12345@yahoo.co.uk

Login