June 13, 2010

Faysal Cali Waraabe oo si Buuxda ulu Wareegay Shaqadii Gaboose

dr-gaboosefaysalAkhristaasha Sharafta Leh Iyo bahda oo Dweynenewsba Waxaan Idinku Salaamayaa Salaanta Islaamka ACWW.Akhristaw ninbaa laga hayay (ADUUNYADA NIN NOOLAW, MAXAA ARAGTI KUULAABAN), akhristaw waxay dad badani la yaabanaayeen Gaboose oo loo haystay nin damac leh oo higsanaya kursiga madaxtooyada ayuunbaa subax keliya lagu war helay Gaboose ah madaxa ololaha gobolada bariga ee xisbiga kulmiye. Arintaasi waxay riyo iyo afkala qaad kunoqotay dad badan oo taageeri jiray oo markii danbe qofba meel udhaqaaqay.

Akhristaw inbadan ayaynu Tviiyada ka daawanay gaboose oo labada qawlal xumbo katuuraya oo ilkaha isla dhacaya oo baanaya,akhristaw aduun hawli kama dhamaatee waxaynu la soconay in gaboose iyo wefti uu hogaaminayaa u ambabaxeen gobolada bariga.waxaynu sibuuxda ula soconaa in gaboose riyadiisii dhicisawday ka dib markii dadkii uu ku baanayay diidmo xoogan kala horyimaadeen.

Akhristaw fashilkaas ku habsaday gaboose waxay gebi ahaanba bedeshay hanaankii iyo istaraatijiyadii xisbiyada mucaaradka siiba kulmiye.

Akhristaw arinkaasi wuxuu sababay in gaboose la xadido dhaqdhaqaaqiisii iyo in gudoomiye faysal lala galo wada hadal,wada hadalkaas oo uu si laxaadleh uga shaqeeyay ina waqaf ayaa waxaa faysal lagu qanciyay mar hadii aanu soo baxaynin xilkuna ka dhamaanayo inuu udagaal galo sidii siilaanyo kursiga ugu fadhiisin lahaa,bedelkeedana dhaqaale siiyo. Intaas kadib faysal wuxuu utafaxaytay inuu cod waafiya ka raadiyo beeshiisa kana bilaabo oodweyne iyo deegaanada hoosyimaada isagoo weliba sita kaarto cusub oo islaambaan idinku xukumayaa.

Akhristaw waxaynu ka war haynay inuu xisbiga ucid soo qadimay manafeestadiisii meelna kaga may jirin inuu kitaabka wax ku xukumi doono hadii uu ku guulaysto doorashada,maxaase bedelay barnaamijkii xisbiga. Nin baa laga hayay (ASHAHAADLE BEENLAW MAXAA AAHA KUGU AASAN),hadaba faysal maanta wuxuu xidhanyahay saadhkii siilaanyo xaalka faysal wuxuu taagan yahay dusha ka ucid hoostana ka kulmiye.

Hadaba, shacbiweynaha reer sld waxaan odhan lahaa ha ka digtoonaadeen shirqoolka faysal iyo siilaanyo,taageerayaasha ucidna waxaan odhanlahaa ucid waa loo dhameeyay ee ama ka tashada ama daba qabta soomaalidu waxay tidhaahdaa ninkuu digay kuma dilin.

Reer oodweyne iyo cidii ku abtirsataba waxaan leeyahay ha eersanina gacantii kana fiirsada mardanbe iyo ANIGOO WAX DILI KARA……!

Hadal iyo gebogebadii faysalaw ninbaa laga hayay dameertu geele hayga didisee weliba wey isii qururuf leedahay,maadigoo la ogyahay waxa denbi kugu aasan ayaad maantana shaadhkii gaboose laga bixiyay laguu soo xidhay walee af llibaax baad halis utahay.

Wabilaahi Tawfiiq

A. Kaar

Source: Qarannews

Login