June 11, 2010
Maxamed Aar “Af Qalaad Aqoontu Miyaa” ….??
Dhamaan waxaan salaamaya bahda mareegaha slnd iyo dhamaan akhristayaashooda dunida dacaladeeda kala jooga intaas hadaan ku dhaafo salaanta guud xaqiiqdii waxa dhaba in qof kasta oo muwaadin ahi xaq u leeyahay inuu ka hadlo fekerkiisa ku waajahan dalkiisa hadii uu yahay masuul iyo hadii kaleba. Hadaba Maxamed Aar wuxuu in badan aad u cabsanaa dawlada hogaanka u ah slnd, dhinac walboo la taabto isagoo weliba ku dhawaaqay inaanu xusbina ahay, laakiin uu yahay nin u tafa xaydan geedi socodka dalka ee aanu xusbina ahayn. Waa arimihiisii hore ee inaga soo gaadhay Maxamed Aar.
Bal hadaba maanta wuxuu u xuubiibtay inuu isku toosiyo inuu xusbi ahaa hadana uu xusbi kale noqon doono waa arin ka fiirsigiisa u baahan. Waraysigii ugu danbeyey ee ku ku gedafeyey udub ayaa wuxuu ku sheegay in aanu la socon karin wixii aan fekerkiisa lahayn !!!!
Waa dhab ah in qofka fekerkiisu noqon karo taaba gal oo dadka wada qancin kara una muuqan kara mid soconaya, waxa bar bar yaal kaas in qofka fekerkiisu noqon karo mid aan waxba tari karin una muuqan kara wax aan waxba ka suurtoobi karin, isla markaasna aan waqtigaas loo baahnaynba.
Markaas aar wuxuu keliy ee cudur daar ka dhigay ragii aanu 8 sano soo wada shaqayn jirey fekerkaygii baa ka duwanaaday kay hayaan weliba wuxuu intaas ku daray in udub uu dhinacyo badan ku guulaystay oo ay ku amaanan yihiin tan keliya uu ku dhaliilayna tahay shaqo raadinta shacabka.
Waxaad markiiba arki karaysaa in fekerka ah shaqo raadinta umada uu yahay mid dhaliil uun loogu samaynayo udub balse aanay ahayn mid si dhab ah maanta dawlada an ictiraafka lahayn loogu dhaliili karo. Slnd sidaynu ognahay ma hesho taakule dawladeed oo debeda ah taas isba waa sheegay maxamed Aar ahaan.
Waxana hubaal ah in la caawiyo dawladaha haysta dawladnimada qaranimada midoobay calanku u saaran yahay isla markaasna ay waajahdo shaqo laan dhaqaale xumo etc.
Maxamed Aar wuxuu dhegaystay in xusbiga kulmiye furi doono asxaab kale, waxaan filayaa Masxamed Aaar waa nin aad u da yar, isla markaasna aan ahayn nin expert u ah asxaab badan, marka la furo dhibta ka danbaysa iyo cawaaqib wuxmada ka soo baxay.
Xaqiiqdii waqtiyadii dalku uu soo maray ee lixdameeyadii hargaysa oo keliya ayaa 100 xusbi yeelatay oo wada geed, wan, lax, orgi, qorax, dayax, fiidmeer, so and so. Dhibtii ka soo baxdayna waa wax qoran natiijadeedii, isla markaasna waxay gaadheen dadku in ilma qansax xusbi yeeshaan oo 5 nin ahi.
Waxa hubaal iy markhaati ma doon ah in fekerka kulmiye ee asxaab baan furayaa ahi marna dalka u horseedeeyn wanaag, laakiiin uu u horseedi doono burbur iyo tafaraaruq mar kale dib loogu noqdo qofka taas u dhega taagayaana uu yahay mid dan gaara ifinaya oon dan ka lahayn burburka iman kara.
Hadaba, waxa is weydiin leh sababta waqtigan xasaasiga ah ku kalifay Maxamed Aar inuu yidhaa waxaan iska casilay xilkii aan udub u hayey, isagoo hore inoogu sheegay inaanu xusbina ahayn ee uu yahay mwaadin slnd ah oo xilkiisii gudanaya, isla markaasna la shaqyn doona sadexda xusbiba, isagoo mararkii ugu danbeyey kulmiye ku eedayn jirey inanay ahay kuwo geedi socodka slnd diyaar u ah oo markasta duminaya siyaasada debeda.
Wa bilaahi tawfiiq
Abdula Dharaar
Email: dharaar17@gmail.com
