June 11, 2010

Kulmiye iyo Xaabo Uruursigiisa Shacbiga Foodayaa Wuu Arkaa! Ismaciil Faqash In Uu Hungureeyey Xataa Way Ogyiin.

Maalinba wax kaa yaabiyaad aragtaa. Maanta waxa xusbiga Kulmiye ku biirey Ismacial Faqash, oo ahaa ragii maamulkan madaxweyne Riyaale sharafta ka xayuubiyey ee sida sharci darada ah ugu dhaqmay xilkii loo dhiibay ee dalka guud ahaanba ka muujin jiray rajio xumida iyo khalkhalka. Waxa umaddu ay xasuusataa dhacdooyin badan oo fool xumaa oo uu Ismacial Faqash ku kacay taariikhdana u galay raadweyn oo ceebana ku reebay maamulka Riyaale Kahin. Intii Riyaale uu xilka hayey wixii ceeb iyo musuq maasuq dhacay Ismaciil Faqash, waxa uu lahaa qaybta ugu badan ee fadeexada iyo maamul ku tumasho ahaa ee aynu markhaatiga ka wada ahayn goor xeedho iyo fandhaal kala dhaceena Riyaale uu eryey Ismaciil Faqash.

Hantidii qaranka ee uu lunsaday ismaciil ayaa ah mid aad u badan oo markii ugu danbeysey Riyaale iyo Cawil ay ku eedeeyeen in uu dhacay mushaharkii ciidamada qaranka taariikhda ismaciil maaha mid aan aynu xumaheeda halkan ku soo koobi karo balsi waxa uu maanta ka mid yahay KULMIYE, oo waxa uu ka rabaa in shacbigu foodsiiyo.

Ayaan daro iyo guul daro ka wayn ma arko in maanta xisbiga kulmiye ku ololeeyo waji qabiil ood in badan maqlayso iyago ku faanaya websit-dadana galinaya Beel heblaayo ayaa nagu soo biirtay oo ah wax aad looga xishoodo, iyo laf hebel oo udub ka soo wareegtay kuna soo biiray kulmiye ayaanu u dabaal degeynaa shacbigu waa in uu qiimeeyaa asxaabta mucaaridku wadada ay u marayaan xilka qaranka waa in laga feejignadaa dhaqamada xun ee aan ku salaysneyn nidaamka wanaagsan ee sharaftu inoogu wada jirto.

Kulmiye waxa uu si badheedha shaaca uga qaaday in uu ku ololeeyo nidaam reereysan oo salka ku haya qabiil ama jilib jilib dadkuna uma baahna nidaamkii hore loogu fashilmay ee gaadhay in reer reer kale weerare.Maanta mushtamacu uma baahna cid u abtirisa ee waxa ay u baahan yiin cid daryeesha oo baahidooda bulsho ka waranta oo sida UCID xaaladooda hoose ogaata oo yididiilo iyo rajo u tilmaanta maaha inta durbaan laga dultumo inta qayishana waraysata kadibna ka carowda dadku waxa ay u baahan yiin cid jeebkooda uga soo saarta wax inta liidatana hoos u eegta oo taagero isla barbar taagta sida UCID.

Dawladaha kale ee caalamku markay doorasho ay qabanayaan ama gelayaan ma eegaan oo keliya qofka madaxnimada u ordaya ee waxa la eegaa dhamaan cida ku jirta dawladaa ay doonayaan in ay dhisaan ama cida uu wato musharaxa jagada madaxweynenimada u taagan kadibna dhamaantood oo dhanbaa shacbigu miisaanka saaraa shakhsi shakhsina waa loo saaraa.

Hadaba, waa in aynaan qofka madaweynimada u sharaxan oo keliya aynaan eeginae ee waa in aynu eegnaa dadka musharaxu wato ee hadii ay tartanka helaan noqonaya dawlada berri kuwaas oo wixii ay ahaayeenuun la tagaya xafiisyada dawlada ee bulshada looga adeegayo waa in laga digtoonadaa raga uu KULMIYE wato oo ah kuwii ka qayb qaatay dawladii Ina Cigaal (AHN) oo aynu ku baranay waxa ay yiin iyo xumahii ay sida badheedhka ah uga qeyb qaateen iyo isku ditkii shacbiga ee ay horboodayeen, Waxa kale oo ka mida ragii dawlada Riyaale, ka midka ahaa ee sida foosha xun ugu dhaqmayey xilkii umadu u dhiibatay waxa ka mida Ismail Faqash oo hada ku biiray kulmiye, Ismaciil Faqash waxa uu ahaa ragii ugu musuq maasuqa iyo fidnada badnaa maamulkii Riyaale, ee aan marnaba xeerinaynin xilka uu hayaa qiimaha uu umada ugu fadhiyey.

Haddaba, waxa is weydiin mudan Kulmiye iyo Guddomiyahiisa xaalkoodu ma nin qoyani biyo iskama dhawraa.Siilanyo waxa uu umada u sheegaa is bedel iyo ictiraaf keenid ee horto waa su’aale yaa keena isbedelka? Miyaa la odhan karaa askarta ku xeeran Siilaanyo ee hanjabaada iyo laab giraaca cadaystay ayaa isbedel keenaya, Miyaa la odhan karaa Ismaciil Faqash baa keenaya is bedel iyo wasiiradii hore ee ku fashilmay maamulkii Cigaal, wasiiradaas oo uu ugu weynaa Siilaanyo oo ahaa wasiirkii maaliyada ee wakhtigaa Cigaal.

Wasiirada kale waxa ay ka mid ahayeen ragii tan madaxweyne Riyaale ee aynu ka dheregsanay tayadadii iyo muuqaalkii ay lahayeenba.Umad yahay taariikhda dib ha loo eego oo ninkii hore aynu ugu hungownay yaanu hantidii uu boobay haylaha uu ka goostay isla keen soo hor taagin oonu ina odhan i doorta runtiina umana baahnin kii ceelka inagala lumay in uu hogaanka qabto mar danbe.Mushtamacani in badan ayuu dhib iyo daryeel la’aal ku jiray wakhtigaa dheer ee baahida dawal tayo lahi haysayna waxa ay ka dhaxleen waayo aragnimo iyo xogogaalnimo ay ku kala saaraan ninka dantooda wada iyo  kafantooda tolaya ee kiishadaha u gaarka ah wata.

Shacbiga sharafta iyo qadarinta mudan waxaan farayaa UCID waa dareenka shacbiga waa hogaanka aynu raadinayney, waa rajadeenii guud, waa aqoontii qoomiyadeena oo isu timi.Cidii wanaaga ku sifowda ayaynu u baahanay in aynu xilka u dhiibano waana in aynu cidii hogaanka inoo qaban karata aynu is barbar istaagnaa oo aynu ku tageeraa nabadgelyada ay sidaan ee aynu u baahanay, daacadnimada ka muuqata iyo islaamnimada dhabta ah ee ay xanbaarsanyiin.

Ucid waxa ay ku sifoobeen rabitaanka shacbiga reer somaliland waxaanay u taaganyiin sidii ay u soo dhisi lahayeen dawlad tayo leh oo ku caan baxada cadaalada, sinaanta muwadiniinta, daryeelka bulshada,kor uqaadida kitabka Alleh iyo wacyi gelinta muwadiniinta iyo baahinta xarumaha diinat oo lagu fidiyo deegaanada miyiga dhamaan dalkoo dhan,dardar gelinta bulshada iyo shaqo abuurid dheeli tiran oo aan magaalana magaalo u baahan.

Hadalka waxaan ku soo khatimayaa waxa aynu u baahanay waa degenaasho iyo inagoo ka fiirsana cida aynu codkeena siinayno waxana aynu Allehna ka baryaynaa sida kheyrku inoogu jiro inagoo isku duubana aynu qawlka wanaagsan iyo islaamnibada cida xanbaarsan aynu xilka u dhiibano. waxaan shakhsiyan u arkaa in ay kuwaasi yiin UCID inteena badanina  ilaa qabtaa kuna taageeraysaa UCID.Hadaba waxa aynu ku balanay waa sidii rajada guud iyo xasiloonida shacbiga ku suurto geleyso.

Maxamed-Amiin Dahir Caynaanshe

Columbus ,Ohio - Usa

Email: amiincaynaashe@yahoo.com

Login