June 11, 2010

Aasaaska Dhabta ah ee Dawladnimada Somaliland Ayaa Iska Leh?

Ololaha dooorasha maxadweynaha ee ka bilaabantay Somaliland waxay ku leedahay Somaliland, jaararka, iyo dunidaba saamayn balaadhan. Doorashadu hadii ay nabad iyo musuq la’aan ay ku dhamaato oo kii ku guulaysta lagu hambalyeeyu waxay ummada reer Somaliland u soo hoyan doonta guul, amaan, nabad, iyo aqoonsi. Waxa ummada la gudboon si guulaha ilaa hadda la soo gaadhay loo sii wado in ay codkooda u meel dayaan oo ay ka fiirsadan cida ay u codaynayaan. Waa in ay ka fiirsadaan ajandayaasha tartamayaasha iyo waxay faaiidada inuu soo wadaan.

Tartamayaasha mucaaridku waxay ku ololaynayaan ISBADAL. Waxa ay badalyaan ay la xumeeyey waa in dadku iswayediinyaan inta ayna codkooda dhiiban. Waa in ay isweydiiyaan in isbadalku u yahay mid caafimaad qaba oo wadanka iyo ummadaba u dan ah iyo in yahay uun xungun jacayl iyo tartan an cilmi ku fadhiyin oo xumaan ka talis ah. Marxalada maanta Somalido marayso waxa loo baahanyahay in lagaga baxo nabad iyo wadajir. Wadirjka waxa keena sida qofku u meeleeyo codkiisa. Maanta Somaliland uma baahna qoloqolo iyo reer hebel. Waxan u baahnahay in lagala shaandheeyu tartamayaasha inaga oo ku salaynayna waxay soo qabteen ilaa hadda iyo waxay ku tala jiraan.

Waxan ognahay aduunwaynuhuna ka markhaati yahay in Somaliland horowmar iyo meel an laga noqon karayn ay soo gaadhay. Dadka ka war qaba waxa u gordhay wadanka iyo ummadaba ilaa 1960 waxay ka markhaati furayaan haddi ayna naftooda been u sheegaynin in la inoo tiriyo muddada an ka maqnayn wadajirkii Somalia. Horowmarka iyo nabada muddaas la gaadhay waxa lagu gaadhay talo ummadeed, talis xaq ah oo ajandihiisu yahay xugun nabad ka talis ah, iyo kobcin siyaasad iyo dhaqaale, iyo aqoonsi raadin.

Mucaardku wuxuu soo wadaa ISBADEL. Isabelku wuxuu xaq yahay marka xumguumada wadanka hogaamisaa ay hogaan xun oo wadanka iyo ummadaba u halis ah ay tahay. Isbadalka mucaaridku ku ololaynayaan muxuu ku salaysan yahay ama ujeedadiisu tahay? Ma loo baahanyahay ISBADAL? Waxa markhaati ma doon ah in an isbadal loo baahnayn, waayo horowmarka siyaasadeed iyo dhaqaale waxa ka talisay xuguumada wadanka hogaamisa maanta ee rabta in ay ku soo noqoto maamulka. Horowmarka la gaadhay mudadii u Madaxweyne Rayaale hayay xugunka wadanka maxaa ka horey uu xoguumadihii hore qabteen.

Wax walba bilowboo ahayaa markoo Rayaaale qabtay xugunka. Wuxuu wadanka soo gaadhisiiyey heer qaran oo waduunweynuhu aqoonsanyahay. Wuxuu soo dhisay nimaad xuguumadeed oo leh distoor, qaybu xumadeed, iyo gulayaal siyaaseed, xeer iyo distoor ilaalin, ciidan ka kooban military, booliis, nabad sugid, baayca mushtar xor ah. Nidaamka dowladeed ee u Rayaale iyo xuguumada u hogaamiyaa ina soo gaadhsiiyeen waxba inuugama horayn haddii runta laga sheegu oo aan qiiqa la isku qarinaynin.

Waxa inaga maqaan ee mucaaridku rabaa maxay tahay? Somaalildo waxay ku mahmaahdaa midho dhul yaala midho geed saaran looma daadsho. Isbadal an al hubin ujeedadiisa in loo halqan taakaa waa xaaraan iyo talo xumo. Waxa maanta inagu haboon in an iska dayno eedaynayda an sal lahayn iyo reer hebel maxaa doorashada ugu jira. Danta inuugu jirtaa waxay tahay in an ilaashanu nabada guud iyo wadada toosan een  haynu oo an ku adkaysano. Mucaarid iyo muxaafiba waan ognahay waxa inu fiican hadii danta gaarka ah la dhaafo oo lama huraanka la dhowro. Haddii uuna xasad jirin iyo qabiil ku dirir waxaan ka dheregsanahay in Rayaale iyo xumadiisu ay sharaf ku mutaysteen aasaaska dowladnimo ee maanta an ku faano adoonweynuhuna inagu amaano.

Doorasho wacan oo xalaal ayaan shacbiga Somaliland u rajaynayaa

Mohamed Ali Mousa

Ottawa, Camada

Email: mmousa@rogers.com

Login