May 31, 2010

“Xisbigii Seef La Boodka Ahaa oo Seeftiisii Galka Kala Baxay” BY - Naaleeye.

Dadka iyo dalka Somaliland waxa soo food saartay cabsi iyo sas xoog leh oo laga qabo siyaasada maafiyanimada ku dhisan ee ka soo yeedhaysa xisbiga xag jir ka ah ee Kulmiye. Dadku hore waa u dareensanaa dhibka ay keeni karaan kooxdaasi haddii ay kursiga ku guuleystaan, laakiin waxaan la moodeyn inay bilaabi doonaan shirqooladooda iyo dad leyntooda inta doorashadu socoto, waxa la yidhi nina caadi ma baajo bahalna ceedhin ma daayo, sidaas darteedna waxay durba bilaabeen dhagartii iyo fowdadii lagu yaqaanay.

Kooxdu durba waxay banaanka soo dhigeen qeybo ka mid ah naceybka ay u qabaan iyo dhibka ay la damacsanyiin qeybaha dalka halbowlaha u ah. Waxay sheegeen inay jeelka u wada taxaabi doonaan 40,000 ee shaqaalaha dowlada ah sababtoo ah waa UDUB ayey yidhaahdeen. Waxay kaloo sheegeen in xukuumada iyo xisbiga UDUB dhamaantood la maxkamadeyn doono.  Waxay kaloo sheegeen in ganacsatada dalka maxkamad la soo taagi doono sababtoo ah UDUB ayey u shqeeyaan ayey yidhaahdeen.

Kooxdan oo weyday taageeradii dhamaan shacabka marka laga reebo kooxo yar oo abaabulan oo magaalooyinka dadka ku laaya ama ku dhagax tuura.  Kooxdan oo loo arkay dad aan dalkan lagu aamini karin ayaa doonaya inay dadka codka kaga helaan hanjabaad iyo baqa-maal.  Dadku hadda waxay ku maadaystaan oo ku sheekeystaan waxyaabaha ka soo yeedhaya kooxdaas, dad badani waxay qabaan in nimankan maskaxdoodu aanay caadi u shaqeyneyn waayo dad miyir qaba waxaas kuma hadlaan. Dadku waxay isweydiinayaan xagey ka keenayaan maxkamadii xukumi lahayd 200,000 oo qof, iyo jeelkii lagu xereyn lahaa.

Kooxdan oo lagu yaqaan in dhiiga muwaadinku aanu qiimo la lahayn taasoo lagu bartay wixii ay hore uga sameeyeen gobolo badan oo dalka ka mid ah siiba magaalada Burco iyo weliba xasaradihii dhiiga muwaadinka qaaliga ah ku daatey ay ka sameeyeen magaalo madaxda Hargeysa ayaan la dhayalsan karin hadalada iyo hajabaadaha ka soo yeedhaya.

Kooxdan xag jirka ahi ma aaminsana midnimada Somaliland, dalkana waxay u aqoosanyiin 4 gobol oo kaliya, waxa kaloo laga dareemayaa xumaanta iyo naxliga ay u qabaan qaar ka mid ah beelaha somaliland.   Bal ila eega waxa ay qortay mid ka mid saxaafada kooxdu.

Cawil iyo toban odey ee H/Yoonis ayaa dhaqaalihi wadanka somaliland la degey

Kursiga ay beeshu xilligan xisbiga talada haya ka haysato waa wasaarada maaliyada ee uu madaxa ka yahay Cawil. suaasha meesha taala ee aan rabo inaan beesha soo dhex dhigo waxa ay tahay hadafka siyaasada beesha ma waxa ay ku qanacsanyihiin wasaarada maaliyada miyaanay meel sare wax ka eegeynin iyo hanweyni inay tiigsadaan jagadataladu ka go-do ee madaxweynanimo.

Beesha waxa lagu xantaa hunguriweyni, markaa malaha cawil iyo tobanka odey ee H/Y iyagu waxaba ay eegayaan furaha ceelka biyahain ay hayaan oo ah maaliyada Somaliland.

Riyaale khaladka ugu weyn ee uu sameeyey waa markii uu cawil u dhiibay furaha dhaqaalaha maaliyada, Riyaale xeerka qabiilka garan maayo oo malaha waa nin reer galbeed ah, hase ahate waxay ahayd inuu daalacdo gabayadii loo tiriyey beelaha, beel kastaba laga hadlay waxa ay dhaqan u leedahay, sidaas waxa aan u leeyahay cawil iyo tobanka odey ee H/Y dhaqaalihii wadanka waa ay dejiyeen, tobanka odey waxa ay rabaan inay subaxii ku quraacdaan dhowr neef oo ADHI ah, laba iyo tobanka duhurnimowaxay rabaan inay ku qadeeyaan oo liqaan dhowr neef oo geel ah galabtii waxa u dheer, qaadkooda iyo arrimahooda kale,, habeenkii fiidka waxay rabaan inay casho ka dhigtaan ilaa laba Dibi oo LO ah oo suqaar looga dhigo hilibka hada ogaada waa tobankaas odey ee u dhow cawil oo kaliya kharashkooda waana inay helaan maalin kasta oo waagu beryo.

Dhaqaalihii wadanka lagu dhisi lahaa waxa uu galay tobankaas odey, cawil waa uu ku khasban yahay, madaxweyne Riyaale waa uu ku khasban yahay ka hadal malaha, waxana ay ballan qaadeen odayadaas in sidaas howshu u socoto taladana ay sidaas UDUB u hayn doonan.

Hadaba beesha H/Y hadaynu nahay ma tashanaa oo cawil iyo tobanka odey ee dhaqaalihii wadanka dajiyey ma ka qabanaa ummadda reer soamaliland, mise waa aynu ku eeganaa?

Beesha H/Y horta rayi meel iskuguma keenan sababtuna waxa ay kala degan yihiin deegaano kala duwan, xitaa BEESHU isku dhaqan maha oo isku af, xaga lahjada maha anigu waxa aan beesha aad ugu bartey qurbaha qaas ahaan canada, markii canada horaantii Somalidu soo gashey 1986-90, guryaha waxa lagu gali jirey beel beel, markaa hadaan ka hadlo beesha Isaaq, dhibka ugu weyn waxa uu ahaa guriga beesha H/Y, is fahan la-aan kii jabuuti ka yimid- kii Hargeysa ka yimi kii burco ka yimi, kii berbera ka yimi- kii ceerigaabo ka yimi, kii muqdisho ka yimi, kii carabaha ka yimi, kii wadamada sawaaxiliga ka yimi waa sujuuga, aynu hal guri ah iskugu wada mino, bismilaahi qeylada halkaas ka dhacdey dhagaha ayaa faraha la galin jirey.

Beelaha kale ee Isaaq waa ay deganaayeen, markiiba waa isfahmi jireen, tusaale ahaan beesha Ciida-gale badankoodu waxa ay ahaayeen dad isku hal deegaan ka yimi oo Hargeysa u badan oo is wada yaqaan, markiiba waa is fahmi jireenbeesha Arab sidoo kale badankoodu waxay ka iman jireen Hargeysa iyaguna waa is fahmi jireen, beelaha kale sidoo kale.

Kii Jabuuti ka yimi iyo kii reer ceerigaabo, bal koley adbais fahan sii xitaa af-somaliga ay kuwada hadlayaan isfahmi maayaan, waxa ka sii daran dhalinyaradii ku dhashey carabta oo iyagu haba yaraatee wax af-somali ah aan garaneynin, kii sujuuga ahaa oo ka sii daran, kii muqdisho oo yaaban oo fajacsan, kii Hargeysa iyo Burco oo isgaashaan buureystey oo mid noqdey, arrinku markuu halkaas marayey ayaan anigu runtii ka cararey magaaladii aan degana ee Ottawa unqa guurey magaalada Vancouer west canada, oo Somalida iska daaye dadka madow ilaa hada aanan deganeyn ama ku yar yihiin, ilaa hadana waa deganahay.

Hadaba dhakafaarkaas naga qabsadey canada ayaan u arkaa in gudaha somaliland uu ka hasto beesha H/Y , hada ninka cararaya ee ku jira xisbiga kulmiye waa Gaboose waa nin reer koonfur muqdisho H/Y ah kaaf iyo kala dheeri, kuwan uu hada cawil atooraha u yahayna waa reer Hargeysa, waxaba ay u arkaan Gaboose nin xamraawi ah, oo talada beesha aan waxba ku lahayn waa sida aan u arko, hase ahaate Gaboose waa nin culus oo reer magaal ah oo aqoon badan haysta, waana dhakhtar, hase ahate ma fahmi karo xeerka odayaasha H/Yoonis ee doonaya inay ku qadeeyaan dhowr geel ah, xeerkaas cawil ayaa kaga xariifsan.

Aqoonyahankii H/Yoonis ee qurbaha joogey marka aad weydiiso, waar maxaad wadankii u tagi weydeen oo uga qeyb qaadan weydeen siyaasada wadanka badankoodu waxay ku leeyihiin waxa aanu ka baqeynaa odayaasha H/Yoonis, WHY? kharash badnaantooda, waxa yar ee lala tago odayaasha ayaa afka u dhiganaaya, talada beeshana iyaga aya ka atoori ah cid kaga daba hadli kartana ma ay jirto, markaas adeer in aanu wadamadayada qurbaha ee qabow iska joogno ayanu iska jecelaanay, tusaale ahaan waxgaradka aqoonyahanka Sacad Muuse iyo Habar jeclo, waa ay ku dhiiradaan inay wadankii tagaan, waxana ay helaan soo dhaweyn wacan iyaga ayaaba kharash loogu daraa, iyo guryo dhisan iyo inay guursadaan hablo yar-yar ee 16-18 ilaa 25 ah, bal nasiibkaas eega bal markaas sidee loola tartami karaa aqoonyahanka H/Jeclo iyo Sacad Muuse?.

Hadalkeyga anigoo soo koobaya waxaan leeyahay dhamaan dhalinyarada iyo aqoonyahanada beesha H/Yoonis waa in dhaqankan wax laga bdala lagana qeyb galaa horumarka iyo dhismaha, iyo siyasada Somaliland, odayadana iska qabanaa, una sheegnaa in hada aduunku hore u maray oo casri yahay odayadana iska qabana, una sheegnaa in hada aduunku hore u maray oo casri yahay oo ay joojiyaan Hilibkan badan ee ay cunayaan oo ay cuanaan khudarta macmacaanka iyo kaluunka habeenkiina ay boorash iyo koob caano ah ay ku seexdaan, taladana ay la qeybsadaan dhalinyarada iyo aqoonyahanka dibadaha jooga ee doobka badnkoodu ku noqdeen, una diyaariyaan guryihii ay aqoonyahanadaasi degi lahaayeen iyo gabdhihii ay guursan lahaayeen, odayadan waa inay joojiyaan gabdhaha yaryar ee ay guursanayaan iyo xaasaska badan, booskaasna u baneeyaan aqoonyahanka beesha H/Y.

Saxaafada xisbiga seef la bood ahi waxay hadalkeedii ku soo gabagabeysay, Gadh hunguri ah H/Yoonis iyo nin Herer jooga aya leh, waxay kaloo tidhi ” taladaas waa ay seegtay Riyaale, kama fiirsan afweynida beesha waxay ahayd inuu beelaha kale u dhiibo maaliyada? Wakhtiguse hada waa ku yar yahay daba qabashona ma laha waxaynu dhowrnaaba waa codeynta xisbiyada siyaasada oo bilaama iyo in wax isbedalaan, waxanse rajeynayaa kheyr iyo barako

N:B:- Dadku ilaahay ha baryaan in kooxdaas sharkooda ka xijaabo, doorashaduna si nabad ah ha ugu dhacdo.  Waxaan kaloo ka codsanayaa beelweynta sharafta leh inaanay ka jawaabin aflagaadooyinkaas sababtoo ah ujeedada ay leeyihiin ayaa ah inay iska hor keenaan oo isku dhuftaan beelaha Somaliland ee walaalaha ah si ay uga fushadaan siyaasadooda ah qeybi oo xukun.

Naaleeye Nuur

Email: naaleeye111@hotmail.com

Login