May 31, 2010

Komiishanka Doorashooyinka Oo Sheegay In Taageerayaasha Xisbi Ee Rabsha Xisbi Kale Talaabo Laga Qaadayo, Masuulna Madaxda Xisbigoodu Ka Noqonayaan.

Hargeysa (Harowo) - Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa xisbiyada Qaranka ugu baaqay in ololohoodu noqdo, mid is qancin iyo kasbashada muwaadiniinta ah, balse aan laga aqbalayn, rabshad iyo qalaalaase inay isu gaystaan, iyagoo si cad u sheegay in taageerayaasha xisbi kale aflagaadeeya ama rabshad ula taga maalinta ay xafladooda qabsanayaan talaabo ciidamada amaanku ka qaadi doonaan.

Hadalkan komishanka doorashooyinka ayaa qayb ka ahaa ku dhawaaqista bilowga ololaha xisbiyada ee u diyaar garowga doorashada, oo 3-da juun si rasmi ah u bilaabmaya xisbi walbana la siiyay maalintiisa oo ay kaltan ku kala qaadanayaan mudo 21-cisho ah oo ololuhu soconayo. Hadaba komishanka ayaa sheegay in xisbiga fara galin ku sameeya xisbi kale maalinta uu xafladiisa qabsanayo talaabo laga qaadi doono, masuuliyadeedana madaxda xisbigaasi yeelanayaan. Hoos ka dhegayso hadalkii komishanka doorashooyinka oo uu ku dhawaaqay afhayeenka Md. Maxamed Axmed Xirsi (Geele.

Get Flash to see this player.

Login