May 31, 2010

Ceerigaabo: Dhallinyaro Taageerayaal ah oo ku Biiray Xisbiga UDUB

ceerigabo-udub-laba-small Ceerigaabo (Harowo) - Xarunta guud xisbiga UDUB ee magaalada Ceerigaabo ayaa kulan ballaadhan oo galabnimadii axadda halkaas lagu qabtay waxa sida uu kusoo warramay weriyaha Maalmaha ee gobolka Sanaag C/laahi Xuseen Darwiish  Urur-weynaha Dhallinyrada Dangarad ee Ceerigabo caddeeyeen mawqifkooda siyaasadeed iyo taageeradoodaba in ay si buuxda kula soo biireen oo la bar-bar taagan yihiin Xisbig UDUB.

Taasoo sida dhallinyaradaasi halkaas ka caddeeyeen ah mid ka dhalatay talo midaysan oo iyaga iyo madax-dhaqameedkooda  waayeelkooda  waxgaradkooda  iyo aqoonyahankooduba ay si buuxda isula qaateen.

“Annagu urur ahaan waxannu nahay kuwii doortay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo manta maammulkiisu gaadhsiisan yahay dhammaan gudaha iyo xuduudaha Somaliland haseyeeshee muddadaas kaddib siyaasadda waannu ka madax bannaanayn”. Sidaas waxa hadalkiisa ku bilaabay guddoomiyaha urur-weynaha Dangarad Shabcaan C/raxmaan Jaamac.

Isagoo hadalkiisa sii watana wuxu yidhi “Annagoo la tashannay mdax-dhaqameedkayaga  waayeelkayaga  waxgaradkayaga iyo aqoonyahankayagaba waxannu manta halkan ka caddaynaynaa in aannu si buuxda kalsoonidayada  codkayaga  iyo taageeradayadaba kula soo biirnay xisbiga talada haya ee Udub.  Waxannuna mahdda ugu ballaadhan halkan ug soo jeedinaynaa Maayorka Ceerigaabo Md-Ismaaciil Xaaji Nuur oo in bdan hawshn iyo hawlahaygii horeba si weyn noogala qayb qaatay”.

Jaamac Ismaaciil Muuse oo ah Ch-Caaqilka Beelaha Muuse Ismaaciil oo isaguna fagaarahaas ka hadlay ayaa waxa hadalladiisii ka mid ahaa.

“Dhallinyarada iyo dhammaan dadka maanta halkan fadhiya oo ah cidina uma maqna ceelna uma qodna aad iyo aad ayaan idiinku mahad naqayaa hawshan idinkoo nala tashaday aad isku duubnida mawqifkiinna halkan uga caddayseen”.

Isagoo Cheif-caaqilku xukuumadda iyo xisbiga Udub la hadlayana wuxu yidhi  “Xukuumadda iyo Xisbul-xaakimka Udub waxan leeyahay manta waxannu marayna halkii ugu danbaysey waayo  halkani (C/gaabo) dalka intiisa kale waa ka go’doonsan tahay  Wasiir malihin  Agaasimayaal guud ma lihin  Waddo ma lihin  Deked ma lihin  halka berigii hore ninka xoolo lala rabo naloo soo beddeli jirey waxannu maraynaa in aannu baryo ugu jirno lacagta cas-cas ee Boosaso iyo dekedda Puntland  markaa arrimahaas waxan leeyahay wax ha laga qabto  Dhallinyaradanina waa is caddeeyeene Udub iyo xukuumadduna ha is caddeeyeenxilliganna xaaladdu waxay maraysaa (Ama maanta deyn baxay oo Dalawo geel ka iibsadey  Ama daalac layraac oo Beeyoba dib uma gurin”.

Xubnaha Udub heer gobol iyo degmoba ee iyaguna fagaarahaas ka hadlay ayaa dhinacooda si buuxda usoo dhoweeyey Urur-weynahan Dangarad ee madax-dhaqameedkiisa iyo waayeelkiisa iyo waxgaradkiisa iyo aqoonyahankiisuba weheliyaan kuna soo biiray xisbigan UDUB.

Dhinaca kalena arrintani ma aha urur dhallinyaro oo keliya balse waa mid ay ku idil yihiin dhallinyarada dhamaan beelaha H/Yoonis-bari ee Ceerigaabo islamarkaasna leh guddi dhisan oo arrimahooda ka talisa kuna tiirsan cuqaasha  guurtida  waxgaradkooda  aqoonyahankooda iyo weliba Maayorka degmada Ceerigaabo   taasi darteedna waxa la odhan karaa waa dhallinyaro xagga talada  tayada  iyo  waxqabadka toonna aan lahayn wax gol-daloolo ah  laguna meel mari karo go’aan kasta iyo talada ay isla qaateen.

ceerigaabo-udub

ceerigabo-udub-laba

Harowo Desknews: Ceerigaabo

Login