May 31, 2010

Bedelashadii Kaadhadhka Codbixinta Doorashooyinka Oo Bari Dhamaanaysa, Fasaxaada Ololihii Xisbiyada Iyo Digniinta Komishanka.

comm2-small Hargeysa (Harowo) - Mudadii tobanka cisho ee dheeriga ahaa ee lagu daray bedelaada kaadhadhka codbixinta iyo wadaniyada ee Somaliland ayaa lagu wadaa maalinta bari ah ay soo gaba gabowdo, si hawlaha doorashada iyo u diyaar garowgeeda u danbeeya loo galo sida komishanka doorashooyinku qorsha u dhigeen hadii Alle idmo.

Sida gudida doorashooyinku hore u qorsheeyeen waxa goob kasta oo ka mid ah goobihii kaadhadhkii hore ee diiwaan galinta laga qaatay mudo ku siman lix cisho si siman loo siiyay ka dibna waxa xarumaha degmooyinka loo soo raray goobihii degmo waliba lahayd si cidii ay dhaaftay halkaa uga sii qaadato, hawshaas oo mudo toban cisho ku siman degmo walba la siiyay.

Inkastoo dadku ka cabanayeen markii hore wacyi galin la’aan iyo dadka oo aan ugu diyaar garoobin sidii diiwaan galinta oo kale hadana waxaa la dareemayay in dib wax laga fahmay taas oo meelo badan oo dadku aad ugu yaraa markii danbe laga dareemayay in kaadhadhka si habsami leh loo qaadanayay.

Gudidad doorashooyinka Somaliland ayaa sheegay in si rasmi ah ay dalka Somaliland doorashada madaxtooyadu uga qabsoomi doonto hadii Alle idmo bisha Juun 26-keeda, halka 3-da juun ay u qorsheeyeen in ololaha xisbiyada qaranku kaanbaynkooda ku samaynayaan bilaabmayo, iyadoo xisbi walba heli doono saami todobaad ah, balse aan isku xig xigin. Maalintii shalay ayaanay komishanka doorashooyinku soo saareen sida kaltanka xisbiyadu u dhacayo, iyagoo sheegay in maalinta sadexda juun uu xisbiga UDUB ugu horayn doono ka dibna uu ku xigi doono Kulmiye, UCID sidaana maalin walba xisbi ku yeelan doono.

Gudida doorashooyinka qaranka Somaliland ayaa ka digay in xisbiyadu ku kacaan arbush iyo carqaladay iyagoo sheegay in xisbigii sameeya rabshado iyo fawdo, maalin aan kalkiisa ahayn ay talaabo ka qaadi doonaan oo sida afhayeenka komishanku sheegay ay masuuliyiinta xisbiga rabshad sameeya iyagu masuuliyada qaadi doonaan.

Si kastaba ha ahaatee waxaa dhamaan xarumaha xisbiyada qaranka laga dareemayay maalmihii u danbeeyay olole kulul oo ka sareeya kii caadiyan xisbiyadu u qabsan jireen, taas oo muujinaysa in xisbiyadu si rasmi ah u guda galeen ololohooda ka horba intaan la gaadhin wakhtiga loo qorsheeyay.

comm2

Harowo Desk-news: Hargeysa Somaliland

Login