May 30, 2010

DOOD FURAN: SIILANYOW MAY ISAGA HUBTAA RAGA QAAR

Waxaan aad ula yaabay oo aad moodaa inaanay waxba ka faa’idaysan ama ku qaadan ollolayaashii ee doorashooyiinkii hore SL madaxda sare-sare ee xisbiga mucaaridka Kulmiye oo markaay ollolahaa doorashada gelayaan la gole yimaadaan hadlo ka muuqato caddifaad iyo hanjabado aay hore ugu qasareen.

Baal hadaba suu;aashu waxaay tahay madaxda sare-sare ee xisbigu miyaanay wadatashan oo is maaqlin.

Kulmiye waxaa kaloo kusoo biiray ururka qaran oo xadhig iyo xaabsii soo maray cadifaad iyo cadho badanina ku gaaxday oo aad moodo inaanay waadiin daan kulmiye  aay doonayaan gole ama faagaare (Platform) aay cay iyo hanjabad kaga arrgoosdan mamuulka Riyaale.

Waxaaynu la wada socona inuu  Xisbiga Kulmiye   maalmo dhoweyd  soo bandhigay barnaamijkooda siyaasadeed ee aay ku doonayaan inaay dalka ku hoggaamiin lahayeen haase yeesha halkaay umadda ka dha- dhicin lahaayeen waxaay qaban doonan haday doorashada ku guulays daan Muse Bixi  Dr  Gaboose Mo Xaashi waxaay bilaabeen  hadlo dhawaaci karaa ollolahaa amase himilada Xisbiga iyo hanashada kursiga.

In badan iyaay doodi ka taagnayd  Muse Bixi Dr Gaboose iyo  Mohammed Xaashi tolow dacaad ma ka yihiin inuu Axmed Siilanyo kursiga madaxtinimada Somaliland ku guulaysdo.

Qore:  Cali C/laahi Ismacil Dheeg

London UK

Login