May 30, 2010

27 May Waxa Xususs Ku Mudan Muj. Mire Axmed Mire oo Maanta Nool.

Dhamaan waxaan salaaamayaa mareegaha wararka S/lnd iyo akhristayaashooda dunida dacaladeeda jooga kala joogaa intaas hadaan ku dhaafo salaanta guud  xaqiiqdu waxay tahay oon cidna ka qarsoonayayn in maalintaasi tahay maalin lama ilaawan ah guud ahaan shacabka slnd ee doonayey inay meel iska saaraan taliskii siyaad bare ee foolxumada iyo fidnada ahaa gaar ahaana ay lahyeen mujaahidiinta snm.

Bal hadaba mujaahid axmed mire oo maanta nool ayaa ah ninka keliya ee gaarka taajka dahabka ahi u dul saaran yahay nasiib daro se umadu waxay had iyo jeer amaanan ninku maalintaa uu dhinto taasina waa naxli,iyo xaasid,buqdi ,iyo xiqdi basharka ku abuuran inaan inta qofku nool yahay aan dadku sheegin libinta iyo wanaaga uu leeyahay.

Balse anigu waxaan ka marak kacayaa in mujaahid axmed mire uu yahay mujaahidka keliya ee maalintaa hogaanka mujaahidiinta snm hayey ee daadihinayey dhamaantoodna ay kalsooni ku qabeen guul iyo gobanimana kala kulmay una babac dhigay xoogii dalka somalia.

Mujaahid Mire wuxuu dhawr jeer ka dhawaajey sidii xaqiiqadu ahayd maalintaa waxaanuna uga marti nahay inuu ka dhawaajo wixii mihim ah ee shacabka slnd wax u tari karaya.

Bal hadaba akhristoow arinkan mujaahid mire miyaanu ahayn mucjisooyinka aduunka dhamaan mujaahidiintii ku geeriyootay xoraynta dalka ilahay ha u naxariisto janadiina ilahay ha ka waraabiyo inta noola cis iyo sharaf ha ku noolaadaan.

wa bilaahi tawfiiq

Abdula Dharaar

Email: dharaar17@gmail.com

Login