May 29, 2010
Hargeysa: Suldaan Cusub Oo lagu Caleemo saaray Maanta.
Hargeysa (Harowo) - Waxa magaalada Hargeysa maanta loogu caleemo saaray Suldaan cusub oo ka mid noqon doona salaadiinta beelaha Sacad Muuse, Kaas oo hab dhaxaltooyo ah, taajkiisu ahaa, waxaana Suldaankan Cusub lagu magacaaba Suldaan Ibraahim Suldaan Sulub Nuur, oo ah Suldaan beelaha Sacad Muuse.
Caleemo saarka Suldaankan ayaa ka danbaysay ka dib markii dabayaaqadii todobaadkii hore uu Aabihii oo Jagadan Suldaan-nimada isagu hore u hayay uu ku geeriyooday dalka boqortooyada Sucuudiga oo loo geeyay xanuun haleelay.
Xafladii dhaqan ahaan lagu caleemo saaray Suldaankan cusub ayaa waxa goob joog ka ahaa, masuuliyiin ka kala socday xukuumada, xisbiyada Mucaaridka, Shirgudoonka Golaha wakiiladda, Salaadiin, Cuqaal iyo dadweyne kale oo tira badan. Waxanay si rasmi ah uga dhacday Aqalka suldaanka oo ku yaala magaalada Hargeysa.
Suldaan Ismaaciil Suldaan C/raxmaan, oo ugu horayn ka hadlay xafladaas ayaa waxa hadalkiisi ka mid ahaa, “Munaasibadani waxay iskugu jirtaa laba duco oo is huwan oo kala ah inaynu u ducayno Ilaahay naxariistii jano ha ka waraabiyee Marxuum Suldaan Sulub Nuur, oo ku geeriyooday Magaalada Hargeysa waxaanu ilaahay uga baryaynaa inuu marxuumka naxariistii jano ka waraabiyo qoyskii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.
Munaasibada labaad waxa weeye duco kale oo ah caleemo saarka Suldaan Ibraahim Suldaan Sulub Nuur, oo ah wiil uu dhalay Suldaanka geeriyooday. Waxaanu ilaahay uga baryaynaa inuu suldaanka cusub u fududeeyo xilkiisa isla markaana uu noqdo Suldaan ka shaqeeya danta guud ee dalka iyo adkaynta nabadgelyadaba.”
Suldaanka cusub Suldaan Ibraahim Suldaan Sulub Nuur, oo ka hadlay munaasibadii caleemo saarkiisa ayaa sheegay inuu ka shaqeyn doono danaha dalka Somaliland waxaanu u mahad celiyay cuqaashii iyo bulsho weynta u garatay inuu buuxiyo xilka Suldaanimo ee uu baneeyay Abihii Suldaan Ibraahim Nuur. Waxa kale, oo Suldaanka cusub booqasho sharafeed ugu imanayay dad aad u tiro badan oo ay ku jireen masuuliyiin ka tirsan xukuumada, Goleyaasha iyo asxaabta Somaliland.
Caleemo saarka Suldaanka oo ay ka soo qeyb galay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (C/Raxmaan Cirro), Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Cabdilaahi Ismaaciil Cali (Cirro), Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, Guddoomiyaha olalaha doorashada xisbiga KULMIYE ee gobolada galbeedka Somaliland Md. Baashe Cabdi Gaboobe, Maayar Ku Xigeenka Caasimada Hargeysa Md. Maxamed Cabdilaahi Uurcadde, Xoghayaha Guud ee Xisbiga UCID, Salaadiin iyo cuqaal tiro badan oo lagu soo casuumay.
Waxa kale oo ka hadlay madaxda iyo masuuliyiintii kala duwanaa ee xaflada yimi, oo si wayn uga waramay doorkii suldaankii Geeriyooday ku lahaa nabada iyo horumarinta Somaliland iyo hawlaha Suldaankan looga baahan yahay. Waxaanay xafladaasi ku dhamaatay jawi dagan.

Harowo Desk-news: Hargeysa Somaliland
