May 28, 2010

Kulmiye Waa Xusbi Ayaan Haysaa

Dhamaan waxaan salaamayaa mareegaha wararka S/lnd iyo akhristayaashooda qiim leh ee dunida dacaladeeda kala jooga, hadaan intaas ku dhaafo salaanta guud oon ka marag kaco cinwaanka maqaalkan ee aha kulmiye waa xusbi ayaan daran ayaa run ahaantii ah mid xaqiiq ah, sababtoo ah ilaa maantadaa aynu joogno iyo ilaa maalintii la aasaasay xusbiyada qaranka ayaan mar qudha xusbiga kulmiye wax iska bedelin siyaasiyan iyo dhaqan ahaanba.

Hadaba, taas waxa sabab u ah masuuiyiinta hagaya xusbiga oo ah iyagu kuwo aan marnaba ku dhaweyn qaranimada la hiigsanayo xusbigu waa xusbi qaran lexo jeclona ka hayso shacabka slnd si ay u helaan dheeli tiraan ka dhex samaysanta xusbiga markaa talada haya iyo kan aan talada dalka hayn uu umadu fariinteeda ku sii gudbin karto wixii markaas u baahan wax qabad.

Si kastaba u qaadoo xusbigan kulmiye sideedaa sano wuxuu ku habsaamay hebel baa wax cunay,hebel baa ahaa faqash, hebel baa ahaa basaas, hebel baa doonaya somaliweyn, hebel baa ilko samaystay, hebel baa shirkado qandaraas la galay etc.

Maanta oo ah maalin la doonayo in xusbi walba la arko ujeedooyinkiisa ayaa masuuliyiinta kulmiye kadlayaan madaxweynihii baa dhoofay !!!

Shirkado ayaa deal lala galay,lacag baa la soo daabacay, kebilka africa ayaa lacag la soo siiyey dawlada,ganacsato slnd baa lala shiray, hadaba miyaanay ogeyn daw darnimada caynkan ah in umadu aragto oo ay dhabanka iyo gacmaha isku hayaan inigu shaqsi baan ahoo ama yaabin nimankan doonayaa inay sidan dalka ku xukumaan laakiin waxaan la yaabay cawaaqib xumada ay kulmiye xusbi qaran ahaan kaga tegi doonan una noqon karta calamad aan ka hadhin abid cid kastoo masuul ka noqota.

Waxaba ka sii daran oo yaab leh dr gaboose oo leh anigu xusbiga kama tirsani waxaana ahay gudoomiyaha ololaha gobolada bari !!!!!!!!

Tu kaloo ka daran baa jirtee taana bal aan sheego waa murtidii raximu laah xaaji adan dhamaan xusbiga kulmiye inta u ah hawl wadeenada mid yidhaa kama tirsani iyo mid yidhaa waan ka tirsanahayba mid aan slnd xil ka soo qaban ma leh oon lagu khasaari wax uu dalka u qabto daayee aan masuuliyadii u hayey waxba ka qaban muuse biixi isagoo masuul dawladeed ah buu hantidii qaranku u kiraysnayd ilaa iminkana u kiraysan tahay!!!!!

Maxed xaashi wuxuu ahaa masuulkii hantida qaranka ka iibsaday carwo one markuu ku daray carwo two marxuum cigaal yidhi xilku waa meerto mar hadad hantidii cunatay qaranka !!!!!

Siilaanyo wuxuu ahaa masuulkii wasarada maaliyada shil uu soo xereeyo daaye  maaliyadiiba lacag waa laga waayey!!!!!

Dr.  gaboose wuxuu ahaa masuulkii wasarada daakhiliga dasturka maanta yaala isagaa ka mid ahaa ragii qalinka gu duugay indha laanta maantana leh dastuurku waa qaldan yahay oo xukumada ayuu anfacayaa dadka kalese ma anfacayo!!!!!!

C/raxmaan saylici wuxuu ahaa wastaad meeshuu doono deyrka mariya haday dariiq tahay iyo haday masaajid tahay iyo haday ceeel tahay!!!!!

Bal hadaba akhristayaasha qiimaha iyo qaderinta mudanow miyaan xusbiga kulmiye aanay ku habsan ayaan daro weyn oo raad ku yeelan doonta mustaqblka soo socda caqabad aan laga talaabsana ku noqon doonta cid walboo masuul ka noqota waqtiyada soo socda.

Sidaas oy tahay inaan w aayo ahi ka muuqan kulmiye ayay hadana hadh iyo habeenba wax ka sheegaan xusbi aan ku habsaamin wax aan manfac iyo muqaal toona u keeni karin.

Isku soo wada duubo waxaan arkaa mar kale iyo udub uu dalkan hogaanka u qabatay in kastoo iminka ucid uu dar dar xoog leh la soo baxay oo wax ka bedelay istaraatiijiyadii hore ee uu kulmiye uga ekaa waxaana leenahay hanbalyo.

Wa Bilhaa Tawfiiq

Cabdula Dharaar

Email: dharaar17@gmail.com

Login