May 27, 2010
Wasiiru Dawlaha Cusub Ee Wasaarada Maaliyadda Oo Magaaladda Oog Kaga Qayb Galay Xaflad Lagu Dar Dar Galinayo Xisbiga UDUB
Oog (Harowo) - Wasiiru dawlaha cusub ee dhawaan Madaxweyne Rayaale u magacaabay wasaaradda Maaliyadda Md. Cali Maxamed C/laahi (Biikalo) ayaa ka qayb galay xaflad balaadhan oo taageerayaasha iyo masuuliyiinta degaankaasi ku qabteen isla magaaladda Oog. Xafladan oo si wayn loo soo agaasimay ayaa ujeedadeedu ahayd sidoo loo dar dar galin lahaa laamaha iyo xafiisyada xisbiga UDUB ee degmada Oog. Waxaana xafladaas ka qayb galay
wasiiru dawlaha maaliyada Somaliland Md. Cali Maxamed C/laahi (Biikalo), masuuliyiinta maamulka degmada Oog iyo taageerayaal badan oo xisbiga UDUB ka tirsan.
Masuuliyiinta kala duwan ee degmadda oo iyagu ugu horayn xafladaas ka hadlay ayaa ka waramay taageerayaasha xisbiga UDUB iyo sida ay diyaar ugu yihiin inay ka qayb qaataan sidoo loo dar dar galin lahaa hawlaha xisbiga, isla markaana codkooda diyaarka ula yihiin sidii ay codkooda u siin lahaayeen marka doorashada la gaadho musharaxiinta xisbiga ee Madaxweynaha iyo ku xigeenka Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo Md. Axmed Yuusuf Yaasiin.
Dhinaca kale wasiiru dawlaha cusub ee wasaarada Maaliyadda Md. Cali Maxamed C/laahi (Biikalo) oo isna xafladaa ka hadlay ayaa ka waramay xiligan iyo sida loogu baahan yahay in la dhaqaajiyo hawlaha xisbiga isagoo taageerayaasha xisbiga ku booriyay inay guntiga dhiisha iskaga dhigaan si ay u hirgaliyaan himiladooda.
Md. Cali Maxamed C/laahi (Biikalo) waxa uu aad uga waramay xisbiga UDUB iyo soo yaalkiisa, iyo sida uu u yahay xisbi qaran oo aan cidina cid ka xigin, cida dhaliishaana xaqiiqada u soo noqon doonto mar ay noqotaba, waxa uu dadweynihii xaflada ka soo qayb galay ugu baaqay inay qaataan kaadhadhka codbixinta isagoo sheegay in taasi u saamaxayso inay codkooda dhiibtaan oo xiliga doorashada siiyaan cidii ay rabaan.
Sidoo kale waxa iyaduna halkaa ka hadashay xoghayaha siyaasada ee xisbiga UDUB Marwo Ismahaan Yuusuf Cali oo iyada lafteedu ka mid ah wafdi sare oo ka tirsan xisbiga UDUB oo socdaal ku gala bixinaya gobolada dalka. Tan iyo markii maalintii shalay uu Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin soo saaray wareegtada uu ku magacaabay gudida dar dar galinta ololaha doorashada ee Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin gudoomiyaha ka yahay waxa la dareemayay xawli balaadhan oo hawlaha ololaha doorashada ee xisbigu ku dhaqaaqay.
Harowo Desk News Oog Somaliland.
