May 27, 2010
Wafdigii xukuumada Iyo Hogaamiyayaasha Dhaqanka Ee Gobolada Sool/Sanaag-bari iyo Buuhoodle Oo Shir Amniga ay ka yeesheen Go’aamo Ka Soo Saaray.
Harowo (Laas-caanood) - Waxa maanta shir balaadhan oo ay yeesheen wafdigii xukuumada ee socdaalka shaqo ku joogay gobolka Sool, xildhibaano degaankaas ka soo jeeda iyo hogaamiyayaasha dhaqanka ee degaankaasi maanta ku yeesheen magaalada Laas-caanood ee xarunta gobolka Sool lagaga dhawaaqay go’aamo la iskula qaatay oo lagu sugayo arimaha amaanka ee gobolada dadkaasi degaan.
Hadaba, sida wararka laga helayo magaalada Laascaanood ay ku waramayaan shirkan siyaasiyiinta, hogaamiyayaasha dhaqanka iyo waxgaradka gobolada Sool, Sanaag Bari iyo Buuhoodle maanta ku yeesheen magaalada Laascaanood ayaa danbeeyay rabshadihii dhawaan ka dhacay degaanada Buuhoodle iyo Widhwidh oo beelahaasi degaan, kuwaas oo ku dhex maray dad beelahaas ka soo jeeda iyo ciidamada Ethiopia iyo Somaliland.
Kulankan oo badi waxgaradka goboladaasi ka soo qayb galeen, waxa gaba gabadii lagu gudoonsaday go’aamo ay ka mid yihiin dhismaha gudi ka shaqaysa nabadaynta iyo horumarinta degaanadaas oo sida la qorsheeyay ka koobnaan doona 13-xubnood, kuwaas oo dhamaantood noqon doona qaybaha bulshada dad ka soo kala jeeda, laguna wado in maalinta bari ah lagu dhawaaqo.
Waxyaabaha kulankaas la iskula soo qaaday ayaa sidoo kale ay ka mid ahaayeen horumarinta goboladdaas sidii looga shaqayn lahaa oo taa badalkeeda meesha looga saari lahaa, kala tafaraaruqsanaanta beelaha degaankaas, waxa kale oo halkaa baaq looga diray qurba jooga beelahaas oo loogu baaqay in horumarka goboladaas ay ka shaqeeyaan, isla markaana ka dheeraadaan inay qaadhaan iyo taageero ku bixiyaan dagaalada iyo rabshadaha aan waxba u tarayn dadweynaha degaanka.
Si kastaba ha ahaatee waxa uu shirkani noqonayaa kii ugu waynaa ee xubno miisaankan leh oo siyaasada iyo dhaqanka ka kala socda oo dadka goboladaas degaa ka yeeshaan arimaha masiirkooda, waxaana sida dhamaan dhinacyadii ka qayb galay qireen ka soo baxay go’aamo aad loogu diirsaday oo wax wayn ka taraya dhibaatooyinka dagaalada iyo rabshadaha ah ee hadheeyay degaano ka tirsan goboladaas mudooyinkii u danbeeyay.
Masuuliyiinta xukuumada ee shirkaa joogay oo u badnaa wasiiro, ayaa kala ahaa wasiirka Caafimaadka Somaliland Md. Axmed Cali Casoowe, Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Md. Cali Sandule, Wasiirka horumarinta degaanka Maxamed Xagar Dirir, Badhasaabka Gobolka Faarax Askar, Xildhibaan Indho Indho, kuwaas oo markii shirku dhamaaday ka waramay waxyaabihii kulankaas lagaga wada hadlay iyo in uu ku dhamaaday jawi is afgarad ku jiro, iyagoo xusay in maalinta bari ah laga sugayo in xubnaha gudida ee shirka lagu gaadhay lagu dhawaaqo. Si deg deg ahna ay u hawl galaan.
Todobaadkan ayaa maleeshiyooyin ka soo jeeda beelaha dega goboladaas aynu sare ku soo sheegnay ay isku dhaceen ciidamada dalka Ethiopia eek u sugan degmada Buuhoodle, halkaas oo dagaal qadhaadhi ku dhex maray labada dhinac dhaawac iyo dhimasho badan iyo waliba bara kac balaadhanina ka dhashay, sidoo kale degaanka Widhwidh waxa isna ka dhacay rabshado dhex maray maleeshiyo jid gooyo dhigatay iyo ciidamada qaranka Somaliland halkaas oo dagaalo koob koobani ka dheceen, hasa yeeshee aan sidaa u sii buurnayn, si kastaba ha ahaatee waxa wali socota qaboojinta shaqaaqooyinkaas, taas oo dadka waxgaradka ee beelahaasi aad uga xumaadeen ficilada aan dantu ugu jirin ee dad intooda badan dibadaha ku maqani ku kacayaan.




Harowo Desk-news: Laas-caanood Somaliland
