May 27, 2010
Cismaan Hindi oo weerarakii loogaystay Kulmiye dhakada ka saaray - Waraysi Kooban
Hargysa (Qarannews) - Waxa aanu caawa waraysi kooban la yeelanay gudoomiyaha ololaha doorashooyinka ee xisbiga UDUB Mudane Cismaan C/llaahi Cigaal, oo ku sugan gurigiisa ku yaala magaalada Hargaysa ee caasimada Somaliland, waraysigani oo caawa shabkada qarannews la yeelatay waxa uu daba socdaa weerar gacan ka hadal ah oo maanta Cismaan Hindi loogu gaystay barxada hore ee xafiiskiisa, iyada oo ay gacanta ka soo gaadhay dhaawac. dhaawacaasi oo ay gaysteen rag baabuurwatay oo ku soo weeraray xafiiskiisa oo ku yaala xaafda goljano ee magaalada Hargaysa.
S: Arintani oo mid ugub ku ah dalka, isla markaasna ah tii nooceeda oo kale ah ee ka dhacda dalka. Hadaba Cismaan waxa aanu waydiinay sida ay wax u dhaceen saaka iyo waxa sababay?
Waxana uu ku bilaabay oo yidhi saaka subaxdii markii aan u soo shaqo tagay xafiiskayga oo aanu soo hor istaagnay ayaa waxa aanu kadinkii aanu ka galaynay aanu ku aragnay 3 baabuur oo xidhay wadadii ama kadinkii aanu ka gali lahayn xafiiska, isla markaasna waxa aan la hadaly askarigii ila socday ee ilaaladayda ahaa oo aan ku idhi bal orod oo gudaha gal oo soo eeg sida ay wax yihiin iyo baabuurtan cida meesha dhigtay. Markii uu galay gudaha ayaa waxa igu soo dhaqaaqay rag tiradoodu ay ahayd ilaa 6 nin, markaa mid ka mid ah ayaa aad iyo aad iigu hanjabay oo budh weyn oo uusitay dhowr jeer igu waab waabiyay, mararka qaarkoodna gaadhigayga ayaabu la dhacay. Markii danbe ayuu is yidhi madaxa kaga dhufo dabadeedna gacanta ayaan iskaga qabtay markaa weeye marka uu nabarku uu gacanta igaga dhacay.
S: Madaama uu ninkani uu aad kuugu soo dhawaaday ma gartay ama hore ma u argtay wajigiisa?
J: Haa waan arkay wajigiisu iguma uu cusbayn waanan garnayaa.
S: Cismaan ninkan ma jiraan wax idin dhex maray oo la odhan karo way ku kaliftay in uu dagaalamo?
J: Walaahi maya waligay waxba namay dhex marin manaanu isugu iman wax haba yaraatee aanu ninkaasi ku dagaalano, hase ahaatee waxa aan idiin sheegayaa in ninkaasi iyo kuwii maanta la socday ee xafiiskayga igu soo weeraryba ay ka danbeeyeen xisbiga Kulmiye. Xisbigaasi oo aan ogolayn in wax laga sheego ama lagu dhaliilo, arintan maantana iyagaa ka danbeeyay oo waa mid cad oo daba socotay warar aanu is dhaafsanay madaxda xisbiga Kulmiye, aniga oo ka jawaabaayay hadal uu dhawaan gudoomiyaha kulmiye Siilaanyo uu aniga igu soo weeraray oo uu sheegay in hadii uu xukunka uu qabsado uu aniga Cismaan Hindi ahaan iyo rag kale oo madax ah uu jeelka na dhigi doono, taasi oo uu ku sababeeyay in aan anigu farta ku soo taagay.
Arintaasi iyo hadal uu dhawaan isna Maxamed Kaahin oo afhayeenka xisbiga Kulmiye ah uu isna suuqa ii galiyay oo uu saxaafda iga weeraray sheegayna in aan codadka shicibka aan suuqyada ku baayacaayo oo ay doorashada naga heli doonaan iyo aflagaadooyin kuwaasi ka sii daran oo ay xisbiga Kulmiye baryahaba igu hayeen markii aan ka jawaabay ayay hadalkaygii iska xejin kari waayeen markaas ayay arinkii siyaasda iyo hadalka ku koobnaa ay gacan ka hadal u badaleen oo sidaas ay miciin moodeen.
S: Sida aanu wararka ku helany waxa ragaasi kaa riday askarigii ilalada kuu ahaa oo dib kuugu soo laabtay maqlayna buuqa iyo sawaxanka, markaa miyay idiin suurto gali wayday in aad ragaasi wax ka qabataan?
J: Walaahi anigu markii aan arkay in askarigii uu rasaas ragii ooda kaga qaaday waxa aan isku duubay isaga oo aan is idhi yaanu iyaga laynin oo aan meeshaasi dhiig ka imanin, waxa aanan doorbiday in aan wax dhiig ahi aanay daadan, madaama aan aniguna aanan wax weyn qabin ragiina la garanaayo, xoogaa kadibna booliskii oo ordaaya ayaaba na soo galay ragii iyo sadexdii baabuur ee meesha lagu jarayna waanu waynay oo way yaaceen, aniguna ciidankii booliska ayaan u waramay oo sharciga ayaan u hogaansanahay oo booliska ayaa laga sugayaa waxa ay arintani ka qabtaan.
S: Cismaan waxa aad arintani si cad dhakada uga saartay xisbiga Kulmiye, horena waxa u jirtay rag aad ku dagaalanteen magaalada oo iyagu xisbigaasi ka soo jeeda oo uu ka mid ahaa xildhibaan ka soo baxay gobolka Hargaysa, arintani kuwaas hore ayuunbay daba socotaa ma la odhan karaa?
J: Maya lama odhan karo, kuwaasina way jireen, lakiin arintaasi hada ma ay taagnayn oo mudo ayaa laga soo wareegay, maxaa weerarkani uu hore ugu dhiciwaayay oo uu ugu soo beegmay markii aan u jawaabay madaxdii kulmiye ee aniga i weerartay, waxa aan idiin sheegayaa in xisbiga Kulmiye yihiin kuwo cuqdadaysan oo aan waxba maamuli karin oo xanaaqu uu dusha uga soo baxay, isla markaasna gacanta iyo afku ka soo horeeyo oo hanjabaaya uun intaas, mana aha qaar umad hogaamin karaan, xisbigaasi waa mid ay wada dareensanyihiin dhamaan shicibka reer Somaliland oo ayna marna dooran doonin.
Taasi waxa ka sii daran oo ay intaa meel walba la taaganyihiin in ayna sharciga iyo dastuurka dalka u yaala ayna aqoonsanyn oo ay iyagu sugayaan uun in ay ku aarsadaan, sharciga iyo dastuurka marka ay iyagu dalka qabsadaan taasina waa riyo oo dhicimayso oo shicibku ka yeeli maayaan oo codkooda ku keensanmaayaan balaayo iyo waxii laga soo gudbay maanta dalku halka uu maraayo waydinkaa arkaaya oo heer jaamacadeed ayaa la maryaa waxa se iyaga ka go’an in aan dalka la aqoonsan inta Daahir Rayaale iyo Axmed Yusuf Yaasiin ay madaxweyne iyo ku xigeen ka yihiin, waad arkaysay in ay dhawaan lahaayeen waxii dawladu ay heshiis la soo gasho dal shisheeye ahi ma aha mid socon doona taasina waxa kuu muuqata in ayna ogolaynba in dalku uu dhaqaaqo oo wax la qabto taasi oo qudhaatana ma aha ee waxyaabo badan oo dalka iyo dadka lagu curyaaminaayo ayay ku kacaan.
S: Cismaan waxa ay xisbiga Kulmiye idinku eedeeyaan in aydaan rabin in ay doorasho dhacdo oo aad dalka qas ka abuuraysaan arintaas bal ka waran?
J: KKKKKK…. Qosol iyo dhoola cadayn: Way cadahay cida qaska wadaa in ay yihiin xisbiyada mucaaridka ah waliba xisbiga Kulmiye ayaa markii horena aan ogolayn doorashada oo diwaangalintii khaldanydna isku dhajinaayay, hadana anagaa ogolaanay oo madaxweynahu uu saxeexay waanu ku dhawaaqay xiligii ay komoshinka doorashooyinku ay cayimeen, anagu xisbi ahaana diyaar ayaanu u nahay in aanu sidaasi ku galno anaga oo waliba arkayna qaladaad in ay jiraan, hadana waxa aanu ka doorbidnay qaladka aanu arkayno ta umada iyo qaranimadeena oo aanu marwalba uga damqasho badanah xisbiga Kulmiye.
S: Cismaan dhwaan waxa aad soo martay dhamaan gobolada iyo degmooyinka dalka oo dhan, markaa rajo intee leeg ayaad ka qabtaa in xisbiga UDUB uu ku guulaysan karo doorshada fooda inagu soo haysa ee bisha danbe dhici doonta?
J: Walaahi kuu faanimaayo guusha uguweyni waxa ay raaci doontaa udub, marka la isku daro tirada ay heli doonaan labada xisbi anagaa ka kor mari doona oo waliba si xarago leh ayaan uga badin doonaa, dadkuna waxa ay nagu dooranayaan nabad iyo horumar iyo anaga oo doorashada dabadeed shicibka uga hayna balan qaadyo dhanwalba leh oo lagu diirsan doono. Markaa saxiibkay Maxamed Kaahin waxa aan leeyahay badka iskeen oo iimaanso waxa aad ka hesho umada somaliland oo buuq iyo muran ha keenin.
S: Idinka hadii la idnka badiyo sidaasi ma yeeli doontaan?
J: Waxa aan kugula hadlayaa waa guul ay udub kaga sarayn doonto labada xisbi oo la isku daray taasi hadii ay dhici waydo wax muran ah oo dhacayaaba ma jiraan lakiin waxa aan hubaa in aanu ku guulaysan doono numbar-aad u heer sareeya oo aanu dadka oo dhan ku leenahay xisbiga nabada sidaasi aad u dooran doontaan ayuu idiinku sii shaqayn doonaa nabada iyo waxyaabo badan oo kaleba, guushuna waa udub ayaan ku leeyahay.
S: Cismaan waxa uu madaxweynahu uu maanta magacaabay gudi qaban qaabo oo doorashada gali doonta sidee ayaad u argtaa arintaasi?
J: Arintaasi waa mid ay xisbigu isku ogaayeen waana mid aan la socday waanan taageersanahay waana mid ka mid ah guulaha uu xisbigu hiigsanaayo, waanan la shaqayndoonaa oo aan u hogaansamidoonaa madaxda xisbigayga taasina waa tii aanu guusha ku gaadhaynay hordhaceedii, aniguna shaqadaydii ayaan wadanayaa oo waa caadigeedii.
S: Cismaan goorma ayaa laga yaabaa in aad shaqada ku laabatid madaama oo aad dhaawac aad qabtid?
J: Anigu waxba ma qabo nabarkayguna jabitaan iyo wax halis ahna ma aha bari toos ayaan xafiiskaygii ugu shaqo tagayaa oo aan shaqadaydii u bilaabayaa, waxna ma aha wax sidaasi u sii weyn sida ay saxaafada mucaaridku ay buun buuninayaan waxoodaasna waxba kama jiraan, hanjabaada iyo caga juglaynta Kulmiyena noqon maayaan kuwo carqalad agliya hab u socodka doorshada iyo ta ololaha xisbiga UDUB, waa hal bacaad lagu lisay hanjabaadoodu.
Waxana aan leeyahay dalka maanta waxa uu marayaa meel ay caalmka oo dhami inaga arkayaan waxa ay xukumadaasi aan caalmka ka helin caawimo ay qabsatay maantana Somaliland waxa ay maraysaa heer wanaagsan oo aqoonsi qar qarka loo saaranyahay ee yaanay magac xumo kale maantana idin raacin ee joojiya dhibaatooyinka aad ku haysaan talaabo kasta oo wanaagsan oo ay xukumadu qaadayso.
Source: Qarannews
