May 26, 2010

Waxan Aad u Cambaareynaya Falkaasi Wixishnimada ah, Islamarkan Badawinimada ah ee Loo Geystey MD Cisman Abdillahi Cigaal.

Runtii waxaan aad iyo aad u canbaareynayaa falka foosha xun ee loo geystey gudoomiyaha ololaha ee xisbiga UDUB md Cisman Abdillahi Cigaal, falkaasi waxaan u arkaa mid wixishinimo ah oo runtii lagu carqaladeynayo geedi socodka doorashada bisha June dhici doonta. Runtii cidii falkaasi sameysay waxey u adeegayaan cadawga soomaliland ee diidan in ey doorasho xor ihi kaga ka dhacdo dalkeena.

Waxaan u arkaa fal jaahilnimo oo an laga fiirsan, maanta Cisman baa gacan la saaray  birtoolan rag kale oo mas’uul ah ama birmagaydo ah eyaa gacan la saari doona oo an runtii waxba galabsan, haddii u falkaasi ka dhashey hadaladii saxaafadu iyo warbaahintu fidineysa siyaasadu hageysay waxaan u arka falbadawnimo, Cisman wuxu mudan yahay in loo jawaabo ee maha in gacan loo qaado.

Waxaan ugu baaqaya dhamaan shacabka somaliland ee karaamada iyo sharafta leh in ey ka digtoonadan falkaasi waxishinimada ah oo kale in ey ku jawaaban, waan in la ogaada inuu falkaasi yahay mid lagu carqaladeynayo doorashada iyo geedi socdka hormarka JSL.

Wa bilaahi tawfiq

Omar Darood Hassan

Gudoomiyaha Guud ee Nordic UCID

Login