May 26, 2010

Cismaan Hindi Run Buu Sheegay, “Marag Iyo Markhaatina Way Leedahay.”

Dhamaan waxaan salaamayaa mareegaha wararka ee S/lnd iyo dhamaanba akhristayaasha dunida dacaladeeda ka jooga intaas hadaan ku dhaafo salaanta guud oon dul dhigo cinwaanka maqaalkan ayaa wuxuu yahay mid daba socda war uu gudoomiyaha ololaha xusbiga udub u sheegay umada oo ahaa ninkii lagala quustay hogaankii SNM laga sugi maayo inuu qaranka s/lnd, taas ayaa waxay tahay arin xaqiiqa, isla markaana marag iyo markhaati badan leh, wixii aan xogogaal u ahayna la doonayaa in loo sheego oo weliba laga dhaadhiciyo siday ahayd.

Hadaba, hadii la helayo oo laga helayo shacabka S/lnd dad nin walba ku cadeeya waxa uu yahay waxaa hubaal ah oon cidna la weydiiyeen in S/lnd mar hore la ictiraafi lahaa.

Hadaan dib ugu noqodo gudoomiye Hindi ayaa wuxuu yahay nin aan marnaba ka beydhin runta iyo xaqiiqda xusbiga tala haya ee udubna labada nin ee Hindi iyo Cali Gurey ayaa  waxay yihiin  niman ka dhex muuqday bulshada doonaya jiritaanka S/lnd, gaar ahaan xusbiga talada haya ee Udub.

Hadaba, hadaan aniga oo ka mid ah shacabka S/lnd aan raaciyo xaqiiqaha jira ee ku geedaaman gudoomiye xusbi Siilaanyo ayaa waxay tahay waqtigii uu hogaanka gudoomiyenimo hayay snm oo weliba uu ahaa gudoomiyihii ugu waqtiga dheeraa ayaanu haba yaratee wax la taaban karo ku soo kordhin, ragii ka horeyey iyo c/raxmaan oo ka danbeyeyba waxay dhaliyeen guulo wax ku ool ah siyaasiyan iyo geedi socodba.

Maalintii ugu danbeysey ee mujaahid Axmed Mire amarka ku siiyey ciidankii snm ee ku sugnaa jiida hore ee loogu tala galay inay deken dekenka u qaadaan ciidankii faqshta isla markaasna mujaahid waliba kalsooni buuxdey u hayey inuu noolaado iyo inuu dhintaba gudoomiye Siilaanyo wuxuu noqday siigo dheere kale oo ka soo mudh baxa ururka snm.

Si kastaba arinku ha ahaadee waqtigii c/raxmaan tuur dalka kuqabtay lix bilood gudahood, kuna dhawaaqay S/lnd inay tahay lama taabtaan, isla markaasna ku tala galay shacabka slnd inaan mar danbe xabadi ka dilin qof nool ayaa gudoomiye siilaanyo ku noqotay nabar ku yaal, isla markaasna uu ku fekerey inuu dawladaa shacabkeedu isu sare taagay uu burbur iyo carqalad ku abuuro, iyadoo ay dhaaftay kana hoos baxday inuu dawladnimadaa taageero, waxa ha ka helo ama yuu ka heline dawladaas oo damaan mujaahidiintii snm ka ahaayeen masuul sare iyo mid hooseba Siilanyo mooyee.

Hadaba, waqtigii maxed ibrahim cigaal ku guuleystay madaxnimada slnd ayuu noqday siilanyo wasiirkii maaliyada markii wasaaarada maaliyadu waxba ku soo kordhinweydey slnd ayaa mudane cigaal xilkii ka wareejey oo yidhi duce qabe xilku waa kaa weyn yahay, taasi waxay keliftay iyo duruufo kale oo ku xeeraa in siilaanyo yidhaahdo waan ka baxay siyaasadii maadama oo aanay muuqan kalsooni uu ku haystowaxqabdkiisa.

Isku soo wada duuboo dunidani waa gelinba ceyn waxaan looga baran siyaasi dunida ka mid ah oo isagu dalbaday inuu ka fadhiisto siyaasada ayaa hadana dib u soo noqday isagoon meelna ka sheegin inuu ku soo laabtay siyaasadii isagoo daliil uga dhigaya inuu intii uu maqnaa uu aqoon badan soo korodhsaday gudoomiye siilanyo se uu soo noqday isagoon waxba soo korodhsan intuu maqnaa.

Isku soo wada duuboo gudoomiyaha ololaha xusbiga udub been muu sheegin wuxuun buu sheegay wax jira iminkana waxayba maraysaa in gacanta laysula yimaado waxaanse ku soo af jarayaa ninka hargaysa in lagu gaaraco oon cidi is weydiinayn waa is garanayaa cismaan hindina maaha nin meel dheer ka yimi waa ehlul beled.

Wa bilaahi tawfiiq

Cabdula Dharaar

Email: dharaar17@gmail.com

Login