May 11, 2010

War-saxaafadeed Madaxtooyada ah:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Daahir Rayaale Kaahin, ayaa saaka ka soo degay dhabaha dayuuradaha ee Magaaladda Hargeysa, isaga oo la socday diyaarad khaas ah oo ka soo qaaday dalka Imaaraadka Carabta ee UAE.

Madaxweynaha oo muddo laba toddobaad ah ugu maqnaa socdaal dhawr wadan oo ay ka mid yihiin, Jamhuuriyadda Jabuuti, Ethiopia, Fransiiska iyo Wadanka Imaaraadka Carabta, waxana saaka ku soo dhaweeyay magaaladda Hargeysa dad badan oo kumanayaal ah oo safnaa dariiqa isku xidha dhabaha dayuuradaha iyo Madaxtooyada Somaliland.

Madaxweynaha socdaalkiisaasi oo ka bilowday Jamhuuriyadda Jabuuti, waxa uu kulamo la yeeshay Madaxweynaha Jabuuti, Mudane, Ismaaciil Cumar Geelle, Raysal Wasaaraha Daileta Axmed Daileta iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Jabuuti.

Madaxweynaha iyo Madaxda Jabuuti, waxa ay ka wada hadleen danaha labada dal ee walaalaha ah iyo arrimaha gobolka guud ahaan, Madaxweynaha oo ka hadlaya arrimaha ay is dhaafsadeen Madaxdii dawladda Jabuuti waxa uu yidhi “ Si weyn ayaan ugu qanacsanahay natiijooyinkii wada hadaladii na dhex maray Dawladda Jabuuti, waxaanuna isla qaadanay in aanu sii xoojino xidhiidhka ka dhexeeya labada wadan ee jaarka ah”.

Dalka Ethiopia, waxa Madaxweynuhu uu kula kulmay Madaxweynaha dalkaasi, Mudane, Girma iyo Wasiiru-dawlaha arrimaha dibadda, Dr. Takade Alamu, oo iyana ay ka wada hadleen sii xoojinta xidhiidhka labada dal, arrimaha ganacsiga, nabad gelyada iyo la dagaalanka argagaxisada.

Waxana ka mid ahaa arrimaha ay xooga saareen labada dhinac, sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka dhinacyada Ganacsiga iyo horumarka, gaar ahaan sidii loo dhamaystiri lahaa mashruucii wadada isku xidhaysa Ethiopia iyo Magaaladda Berbera, isla markaana sidii Ethiopia ay u isticmaali lahayd Dekedda Berbera ee Somaliland.

Dalka Faransiiska oo uu Madaxweynuhu marti qaad rasmi ah ka helay, waxa uu kula kulmay Magaaladda Paris, La Taliyaha Madaxweynaha Faransiiska ee Zarkosy ee arrimaha Africa, Wasiirka Arrimaha Dibada ee Faransiiska Bernad Kushner, Hay’adaha Mashaariicda horumarinta ee dalka Faransiiska, Shirkadaha ganacsiga iyo maalgashiga ee Dalka Faransiiska.

Dalka Imaaraadka Carabta oo uu Madaxweynaha iyo Wefdigiisu ay Transit ku ahaayeen, waxa uu soo booqday Amiirka Ra’sul Khayma oo xanuunsanaya, halkaana waxa ku soo dhaweeyay ninka iska leh dhaxalka madaxnimada ee Ra’sul Khayma iyo qoyska uu ka soo jeedo amiirkaasi xanuunsanaya.

Allaa Mahad Leh,

Siciid Cadaani Mooge  - Af-hayeenka Madaxtooyada Somaliland

Login