May 10, 2010
Warqad Furan oo ku Socota Madaxweyne Rayaale Iyo Waftigiisa Ku Weheliya Safarkiisa
Mudane Madaxweyne waxaan idinku salaamayaa salaanta islaamka Adiga iyo Weftiga Culus ee ku weheliyaba ASALAAMU CALAYKUM. Waxaan intaa u dhaafayaa ka runsheega ujeedada aan waraaqdan kuugu soo diray taasi oo ah mid ka fursan wayday inaan dib u dhigo ilaa inta aad ka soo guryo noqonayso Safarkan aad ku jirto.
Mudane Madaxweyne, marka ugu horaysa waxa xusid mudan in umada reer Somaliland ee ku sugan caasimada iyo gobolada kaleba ay aad ugu ooman yihiin ogaanshaha ama ka war-qabista imaatinkaaga si ay kuugu soo dhaweeyaan farxad iyo rayn-rayn waana mid xaqiiqo ah oo la arki doono culayskeeda iyo miisaankeedaba markaad soo caga dhigato dalka.
Waxa kale oo Madaxwyne shacbigu ay aad ugu riyaaqeen kalsoonida aad ku qabto doorashada inaad qabato wax dhibaato ah ama war war ahna aanay kugu hayn in ay qabsoonto xilikasta sababtoo ah waxaad u baxday safar xili xaasaasi ah kaasoo ku salaysan Gudashada Waajib Qaran.
Waxa iyana suuqa maraysa BEENTII MUCAARIDKA oo maalmahanba bilaa Kabo ahayd taasoo afuufaysa Dacaayad odhanaysa: DAAHIR RAYAALE wuu baxsaday waa wax lagu qoslo waana mid la mid ah tii ay hore u yidhaahdeen M/Weyne ku Xigeenkii Somaliland wuu Geeriyooday. Waxa iyana fajac noqotay, kuwa dacaayadan Tv-yada iyo Jaraa idka ka faafinayaa waa madaxda sare ee axsaabta mucaaridka! waliba raba inay qabtaan talada Dalka Jamhuriyada Somaliland.
Waxaan madaxweyne adiga iyo waftigaagaba idinkaga tagayaa, Qofka jinku ku jiro marka laga saarayo Qaylo iyo Ereyo aan caadi ahayn ayuu ku luuqeeyaa, waxa ka dhigan KULMIYE IYO UCID oo Xisbiga UDUB Jini Bixinayo isla markaana waxay ku hadrayaan wax aan suuro gal ahayn ee la socda in aanay Balaayo kale jirin.
Fiiro Gaara: Shaqsi uma jawaabo, Afxumana umada uma horseedo, taasaynu isku ognay Akhristayaal.
SANWAA CUMAR YARE
GUDOOMIYAHA GUDIDA
SIYAASADA XISBIGA UDUB
QATAR OO KU SUGAN HARGEISA.
E-Mail Address:muwadin01@hotmail.com
