May 10, 2010
Guddiga Doorashooyinka Billaabay Inay Kaadhadhka Cusub Ee Codbixinta Doorashada Gaadhsiiyaan Goboladda Dalka oo Dhan.
Hargeysa (Harowo) - Waxa maanta xarunta Gudidda Doorashooyinka Qaranka ee Somaliland laga dareemayay hawl badan iyo dhaq dhaqaaq ka saayidsan kii maalmihii hore, taas oo sababtuna ahayd daad guraynta agabka lagu keenay kaadhadhka cusub ee dib loogu saxayo diiwaan galintii dalka hore uga dhacday, waxaana alaabtaas saaka loo kala raray goboladda dalka.
Gudoomiyaha gudidda doorashooyinka Somaliland Md. Md Ciise Yuusuf Maxamed (Ciise-Xamari) oo hawshan daad guraynta kaadhaadhka cusub lagu gaynayo goboladda ka hadlayay ayaa waxa hadaladiisi ka mid ahaa “Maanta waad arkaysaan Gobollada ayaa loo kala rarayaa kaadhadhkii cusbaa ee codbixinta doorashada. Sidaa daraadeed waxaan ku celcelinayaa in qof waliba dhawro anshaxa doorashada, qof kastaana hal cod iyo hal kaadh ayuu xaq u leeyahay ee wax ka badan ha isku dayina inaad qaadataan, nabadgalyada iyo deganaanshahana ilaaliya ayaan leeyahay dadweynaha. Saddex iyo tobanka bisha ayaa la bilaabayaa qaybintooda kaadhadhkan, maanta bishu waa 10, markaa saddexdaa cisho ee ka hadhay 13-ka Bishan waxa soconaya daabulka (Rararka) Kaadhadhka cusub.”
Hadaba, sidaa gudoomiyaha Komishanka doorashooyinka Somaliland Md. Md Ciise Yuusuf Maxamed (Ciise-Xamari) sheegay waxa la filayaa in hawsha dib u sixida diiwaan galinta doorashooyinku dalka ka wada bilaabanto maalinta sadex iyo tobanka bisha, iyagoo marar badan ku cel celiyay in la iska ilaaliyo laba jeer qaadashada iyo wixii ka badan hadana ma cada sida ay fariintaasi suura gal u noqon karto in lagu dhaqmo.
Sanadkii hore ayay ahayd markii diiwan galin dalka uu ka bilaabay komishankii hore, hasa yeeshee sida loo maamulay oo aad u liidatay iyo waayo aragnimo la’aan jirtay awgeed waxay keentay in lagu murmo si aad u fool xuna loo qaatay kaadhadhkii, taas oo ugu danbayntii keentay in doorashooyinkiina dib u dhacaan, muran badan ka dibna beesha caalamku soo dhex gashay axsaabta qaranka, arintaas oo lagu dhameeyay lix qodob oo lagu heshiiyay dhinacyadii is hayay, oo ay ka mid ahaayeen is casilaada komishankii doorashooyinka ee hore, dib u sixida diiwaan galinta iyo arimo kale.



Harowo Desk, Hargeysa, Somaliland
